Sign in to follow this  
Saalax

Maleeshiyaadka Khaatumo Oo Ku Fashilmay Weerar Ay Doonayeen Inay ku Qaadaan Ciidamaada Qaranka

Recommended Posts

Saalax   

Maleeshiyaadka Kooxda Khaatumo La Baxday Oo Ku Fashilmay Weerar Ay Doonayeen Inay ku Qaadaan Ciidamada Qaranka Ee Gambadha.

 

Gambadha (Ramaas) Jan.14, 2013 – Maleeshiyaadka Kooxda la baxday Khaatumo ayaa ku fashilmay weerar ay doonayeen inay ku qaadaan ciidamada qaranka ee fadhiisinka ku leh duleedka Magaalada Gambadhe.

 

Hawlgalkan oo dhacay xalay saqdii dhexe ayaa Maleeshiyaadka Khaatumo ku doonayeen inay ku waxyeeleeyaan ciidamada qaranka, balse ciidamada oo markii horeba heegan ku jiray ayaa ka war-helay weerar gaadmo ah oo ay doonayeen kooxda Falaagada ah ee Khaatumo la baxday, waxaana la sheegay in ciidamada qaranku ay hub ku garaaceen ka hor intii aanay soo gaadhin fadhiisinkooda, taasi oo keentay inay ala firxadaan kooxdii dhibaatada waday.

 

Kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo oo weerarka ka soo qaaday meel aan ka fogeyn Tukaraq ayaa lagu waramayaa in weerarkooda oo laga war-helay ku kalifay in gaadiidkii ay wateen ay qaarkood u yaacaan dhanka Tukaraq oo ay ku sugan yihiin ciidamo Puntland ah, halka kuwo kalena ay u jihaysteen halkii ay ka soo kicitimeen.

 

Deegaanada Kooxda Khaatumo ku sugan tahay oo maalmahan ay ka socdeen dabaal-degyo ay ku sheegeen sanad-guuradii koowaad ee Khaatumo, ayaa haddana kooxaha nabad-diidka ahi wadaan hawlgalo lid ku ah ciidamada qaranka.

 

 

 

 

 

Ramaasnews Desk

 

Hargeisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this