Sign in to follow this  
SayidSomal

Failed French! (France confirms failed Somali hostage rescue)

Recommended Posts

Abwaan;908080 wrote:
Adigu Shabab weligaaba waad ahayd as long as ay Koofurta qas iyo rabsho ka wadaan ee hanna maran. Anigu sidaan u fahmey waxaa dadka badankiis concerned ka yihiin labo khalad oo ay Faransiisku sameeyey xagga arrimaga Soomaaliya, waa mide iyagoon sida dowladdu sheegtay soo wargelin iyo iyagoo dad shacab ah ku laayey meel aan xitaa ahayn meesha ay weerarka ku ahaayeen. Ma waxaad leedahay yaan laga hadlin the suffering of Somalis?

 

Do you really believe that the government wasn't informed about it lol they are just trying to safe face

 

Allow ha cadaabin nin waxba ha ogayn.

 

 

Ama shabaab cirka iyo dhulka halaga duqeyo oo abu fransiis hala tageero ama dee naga dayaa sheekooyinkan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia;908326 wrote:
I think what they are saying is that French did not ask the government for invasion
:D
and the hostage was the French James Bond, so it is fair game.

:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Kn:Tabari halkeeda ha joogtee ayadoo dalka ay ka jirto dawladdii ugu horaysay mudo laba iyo labaatan sano ah, kadib burburkii dawladdii dhexe ee milatariga ayaa durba waxaa daahfurmay dhaqdhaqaaqyo caalami ah oo bahdilaad looga dhigaayo dawladda curdanka ah ee dalka u curatay.

 

Dalka Faraansa oo ku caanbaxay hoos u dhigga, burburinta iyo baabi’inta mabaadiida, dhaqanka iyo siyaasadaha dalalka Afrika ayaa noqday dalkii ugu horeeyay ee si qaawan ugu xadgudba meel kamid ah bugcadda Jamhuuriyadda federaaliga ee Soomaaliya asagoon wax ogolaansho ah iyo wargalin ah midna kala yeelan dawladda iyo waliba ciidamada Afrikaanka ee dalka u jooga nabad ilaalin.

 

Faransiisku waxay marmarsiinyo ooga dhigeen hawlgal ay magaalada Buulomareer ka sameeyeen inay ku furan rabeen mudhaawan dalkooda u dhashay oo ay heleen xogo sheegaya inuu ku suganyahay hoy ku yaala magaalada.

 

Guuli kama raacin oo waxay noqdeen dhurwaagii inuu wax soo faro xumeeyo u baxay ee asaga la soo faro xumeeyay, laakiin maanka shacabka Soomaaliyeed waxaa ka dagi waayay, ayadoo dalka ay ka jirto dawladda sababta dhalisay in hawlgal intaasi le’eg ay dal kale ku dhiiradaan inay gudaha Soomaaliya ka fuliyaan ayagoon wax ogolaansho ah ka helin dawladda Soomaaliya iyo madaxda hogaanka u ah.

 

Kaaga darane, hawlgalka waxaa ku dhintay dad shacab ah oo ay ku jirtay haweeney umul ah iyo cunuggii ay dharabta ku siday.

 

Dadka siyaasadda Geeska Afrika la socda waxay ku tilmaameen hawlgalkii Faransiiska mid hor dhac u ah qorshayaal ay dawlado gaar ah oo Faransiisku horboodayo ay ku damacsanyihiin inay karkaarka ku waydaariyaan dawladda dalka ka dhalatay, si markaasi loogu noqdo dawlad la’aantii iyo kala daadsanaantii dalku soo maray.

 

Wasiirka arimaha dibadda ahna ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, marwo Fowsiya oo ka hadashay hawlgalka faransiiska ayaa canbaaraysay, ayadoo waliba cadaysay inay ka xunyihiin ka dawlad ahaan.

 

KismaayoNews.com

 

http://kismaayonews.com/2013/01/13/hawlgalkii-faransiiska-daandaansi-dublimaasiyadeed/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

oba hiloowlow;908409 wrote:
Pictures of the dead soldiers.

 

hal nin sawirkiis lee waaye! 's'ta ka bixi, sxb!. and the website's title goes like this: Daawo Sawirada:Maydka Sarkaalkii Hogaaminayay Kumaandoosta Faransiiska Ee Somaaliya Lagu Dilay Oo Lasoo Bandhigay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this