Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Kenya Fails yet again

Recommended Posts

Kaartadii Kenya oo fashilntay.

 

Dowladda kenya ayaa ilaa 2004 markii lagu soo dhisay Dalkeeda dowladdii Imbagati waxay geed dheer iyo mid gaaban u kortey hanashada, Xeebaha Koonfureed ee dalka Soomaaliya.

 

Waxaa jirta sharciga Caalamiga ah in laba dal oo kasta ay u dhaxayso qiyaas 2OO Mile oo loogu talagalay ama la yidhaahdo Biyaha Caagan, qiyaastan labada dal midkoodna si gaar ah uma isticmaali karo biyahaas, waxaan ka ahayn, Maritaanka iyo Kaluumaysiga caadiga ah.

 

 

Hadda dhul badeedka Soomaaliyeed ee ku aadan magaala Xeebeedka Kismaayo ayaa waxaa jirta in qolyaha Sahamiya Khayraadka iyo Shidaalku ay ku sheegeen Ceel aad iyo aad u weyn oo saliida ku jirtaa ay ka badan tahay mid ku jira laba Gobol oo Khaliijka ah, haddii ay Kenya dhankeeda Soo marsatana ay noqonayso Dowladda Ugu qanisan ama ugu Hodansan wadamada Afrika

 

Kenya ayaa Ciyaartay Door labaad ay doonayso inay ku qasabto Dowladda Cusub inay kula gorgortanto, Xuduudaha dalka Gobollada ay Ciidamadoodu xooga ku soo galeen iyo arrimaha Siyaasadeed ee ay ka dhex oogtay, Qaxoontiga iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkeeda ku nool.

 

Waxaa ay Kenya markii Ciidamada Dowladdu u dhaqaaqeen Degmada Shalanbood u soo sawirantey Riyadeedii oo beenoowdey, ka dib ayay ciidamadeeda oo dhan ugu yaraan Ciidamo lagu qiyaasay, 20,000 oo ciidana ayay gelisay Magaalada Kismaayo, iyada oo 100Km dhaafin weyday markii hore

Kooxda alshabaab oo ah Jabhad diimeed ka dagaalamaysay Gobolladaas awoodeeduna aysan ka badnayn, Qoryaha saaran baabuurta yaryar iyo qori gacmeed iyo baasukayaal, tiro ahaana gaaraya ilaa 2000 askari.

 

Duulaankii iyo qabsashadii Kenya Kismaayo waxay u adeegsatey, Ciidamadeeda Badda, Dhulka, Cirka iyadoo weliba kaashanaysa, Kumanaan Soomaali ah, oo ay iyadu soo tababaratey, kana soo uruursatey, Gobollada Somali kenya, iyo Somali galbeed taas oo ujeedkoodu ahaa iney ka dhigato Buundo ay kaga gudubto ujeedooyinkeeda gaar ahaaneed, waxaa hore u jirtey in kenya laga codsadey iney ka mid noqoto ciidamada Soomaaliya caawimanaya dowladeeda balse ay hadal cad ku diiday maantana ay qaadatey magaca Amisom keliya, balse marka ay ka hadleyso ay ku tilmaanto ciidankeeda,“Kenya Defense Troops” oo aysan kama amarqaadan midowga afrika ciidamadeeda iyo taliyayaasheeda midnaba.

 

The whole Article

 

http://shaaciye.com/?nid=8741

Share this post


Link to post
Share on other sites
sahal   

Oba, Unnuka waa dadaalayaan. halkaas ka sii wada ..... ninkii Dr Hiraabe xagguu ka baxay horta? he was Funny man

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

lol@sahal, somali oo dhan is against this. dr Hiiraabe kulaha lool muxu so bartay aa? I know the man personally he lives in sweden he is a big baaaacaaac man nothing else and he dont speak for anyone

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Oba, don't sully the honest cause of defending our waters with this qabiil cantarabaqash waryaa. This sick author just twisted the whole cause to be anti-J/land and then started rambling on about refugees. Not once did he mention how Kenya's ocean-grabbing has been foiled. Fadlan, next time keep this rubbish where it belongs in the dustbin, i.e. shaaciye.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Khadafi   

Oba that man Dr Hirabe is close relative of mine from my mother side, his bacaac is quite funny lol! Uppsala oo dhan wuu waalay! lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

Khadafi;902215 wrote:
Oba that man Dr Hirabe is close relative of mine from my mother side, his bacaac is quite funny lol! Uppsala oo dhan wuu waalay! lol

oday waalan weeye

Share this post


Link to post
Share on other sites
sahal   

oba hiloowlow;902241 wrote:
oday waalan weeye

 

ninkaan waa ninkii Abdullahi Yuusuf dabka ka shiday ,,,,,,,,,,,,,, oo u bixiyey 'ma quuste'

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this