Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland security forces secure the widhwidh district of the sool region

Recommended Posts

Ciidamadda Qaranka Somaliland Oo Qabsaday Degmadda Widh-Widh Ee Gobolka Sool Oo Maleeshiyaadka Khaatumo Hore U Joogeen.

 

Widh-widh (Ramaas) Dec 14,2012 – Ciidamadda Qaranka Somaliland ayaa galabnimadii maanta la wareegay gacan ku haynta degmadda Widh-widh oo tirsan Gobolka Sool ee Somaliland.

 

Ciidamadda Qaranka ayaa qabsaday Widh-widh, iyagga oo aan wax is-caabin ah kala kulmin Maleeshiyaadka taabacsan Kooxda La baxday Khaatumo oo maalmihii u dambeeyay halkaasi ku sugnaa.

 

Warka ramaasnews.com halkaasi ka helayso ayaa sheegaya in Ciidamadda Qaranku ay dhowr fadhiisin ka samaysteen duleedka Magaaladda Widh-widh, isla-markaana ay markii ay gudaha u galeen degmadaasi ay ka sameeyeen hawlgallo ay ku hubinayaan xaalada amni ee Magaladda, maadaama oo ay hore u joogeen Maleeshiyaadka laga qabsaday.

 

Ciidamadda qaranka Somaliland ee qabsaday Magaaladda Widh-widh ayaa la sheegay inay halkaasi u taggeen inay sugaan amaanka jiidahaasi oo maalmihii u dambeeyay ay dhaqdhaqaaq amaan daro ay ka wadeen kooxaha taabacsan kooxda la baxday Khaatumo, kuwaasi oo doonaya inay dadka ka qaadaan cashuur ay hore siyaasiyiinta Khaatumo u iclaamiyeen inay dadka ka qaadayaan, iyagga oo doonaya inay halkaasi ka dhaqan galiyaan awaamiir dadka deegaanku aanay ogolayn, awaamiirtaasi oo mararka qaarkood keenta inay iska hor yimaadaan dadka deegaanka iyo Maleeshiyaadka kooxdaasi addeegsato.

 

Ciidamadda qaranka ayaa hore u qabsaday degmadda Xuddun oo ka mid ah gobolka Sool, halkaasi oo laga qabtay doorashadii deegaanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

the somalidiid republic is not worthy of mention. its a tribal enclave and clearly NOT on the world map. their shameless acts of falsifying the reality on the ground is not impressing anyone including many of the zombie-citizens it continues to indoctrinate. even on the front lines, its phantom army with its ill-equipped, poorly trained and indiscipline SNM-zealots are beginning to realise that they're fighting for a worthless cause without end and based on conquests of greed and the oppression of their fellow somalis. history is on the side of the powerful dervishes warriors and we'll continue to fight and liberate our people and land until the last vestiges of the SNM criminal regime are defeated.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Ciidan uu hor kacay Mahad Canbaashe ayaa xaley goor fiidkii ah magaalada Widhwidh gacanta ku dhigey Xili Magaalada laga sugayey Garaas Abshir iyo Wafdi kale oo uu hogaaminayey Indhasheel.

 

Warar goor dhaweyd soo gaarey Puntlandi ayaa sheegaya in Ciidanka magaalada qabsadey ay ka yimaadeen Laascaanood markey maqleen in Widhwidh uu imaanayo Garaad Abshir iyo Indhasheel, waxaana Ciidankaas hogaaminaya Mahad Canbaashe, wax dagaal ahna ma jiraan cid kala hortimid oo si degan ayay Magaalada ku qabsadeen.

 

Garaadka ayaa la sheegey inuu u baxay dhinaca duurka si uu uga badbaado inuu gacanta u galo ciidanka Laascaanood ka yimid, dhinaca kale Indha sheel oo ka tirsan Saraakiisha Khaatumo ayaa isna u cararay dhinaca Buuhoodle.

 

Magaalada marka la qabsanayay waxaa lagu guda jirey xoolo loomqalayey Garaadka iyo Wafdiga la socda Indhasheel, waxase xoolahaas cuney Ciidanka ka soo duuley laascaanood.

 

Puntlandi.com

 

Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Qosol gariir la dhimo if you want but today they are in Widh-Widh even according to your own website..

 

Warar naga soo gaadhaya degmada Widhwidh ee g/cayn ayaa sheegaya in halkaas uu habeenimadii xalay ahady ay soo galeen ciidamo u badan caloosh u shaqaytasyaal oo uu horkacayo Mahad canbaashe.

Maleeshiyaadkan ayaa soo dul degay magaalada ayadoo ay ka bisishahay casho loogu talo galay madaxweyne indha Sheel iyo Garaadka Widhwidh garad Abshir salaax. Horgale ina canbaashe ayaa hadeer magaalada dhexdeeda ku qayilaya ,sidoo kale magaalada ayaa xaladeedu aysan waxba iska bedelin oo aad moodaa in aan laba dareen sanayn arintaas dhacday.

Sidoo kale koox reer widhwidh sheegata oo ayaguna ahaa horgalo iyo caadaqaatayaal isla markaana haystay hub uu ka mid yahay qori tarantase ah ayaa la sheegay inaysanw axba ka ogeyn qabsashada magaalada ayagoo u cararay dhanka tuulada bali hadhac.

Madaxweyne Indhasheel ayaa u gudbay dhanka magaalada Buuhoodle , ayadoo sdioo kalena Garaad Abshir uu haatan ku sugan yahay Balicad.

Horufadhi.com kala soco warar ka u danbeeya.

 

Short URL:

If you'd stop laughing and start working, you could save the last bit of dignity you have left, mate..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this