Sign in to follow this  
jabarti

shukaansigii hore ee Soomaalida. WAW.!!

Recommended Posts

jabarti   

 

Asalamu Aleikum:

 

Ciyaal flight 13 barta sheeko shukaansigan.

 

Barigii hore Somalidu waxay lahay dhaqan cajiiba, kaasoo ay ka buuxday gabayo, heeso, hal xidhaale, iyo sheeko ciyaaleed.

 

Hadaba aniga oo ka buuxa sheeko soomaali, ayaan jeclahay inaan dhalinta maanta la wadaago habkii ay u sheekaysan jireen ama isku shukaansan jireen hablihii iyo inamadii hore ee soomaaliyeed.

 

Sheeko!!!!

 

Inan soomaalia ayaa uyimid inan adhi la joogta inanka waxaa la odhan jiray muuse, inantana Miido, korkaa markii sheekadii isugu dubo dhacday ayuu muuse doonay inuu waydiiyo habka ay ku kulmi karaan caawa saqda dhexe isaga iyo miido wuxuuna yidhi:

 

MURTI!!!!

 

MIIDOOY XAGAAN KUU SOO MARAA?

MUUSOOW MUSKAA ISOO JIBAAX

MIIDOOY BILAA QODAXI IMUDAA?

MUUSOW MADEEL(MINDI) DAABTAN HAYAA

MIIDOOY BILAYN DHIIGAY QULQULYOO DHULKAA QABAY?

MUUSOW XAREED MAYDHAAN HAYAA

MIIDOOW BILAA QOYAYA OO QARQADHAY?

MUUSOOW DAB-BAAN KUU SOO BALBALIN

MIIDOY BILAA DABKU I DIIRIN WAA?

MUUSOOW BOGAAN BOGA KUUGU QABAN

HADAAN HOOYAA! HADAAN HOOYAA!!!!

 

waxaan filayaa inaan garateen micnaha sheekada, la soco qormadayda danbe oo ku saabsan marka lala fikanayo hablaha soomaaliyeed iyo sirta (Technique)la isticmaali jiray.

 

Awoowe Jabarti itself.

Oslo, Norway.

 

------------------

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this