Sign in to follow this  
General Duke

Bossaso: Dr Sadiq Enow announces new opposition party Midnimo

Recommended Posts

Dr.Saadiq Eenow “Midnimo Waa Urur Siyaasadeed Oo Mucaarad Ah (Dhegayso)DECEMBER 11, 2012**4 COMMENTS

 

Waxaa maanta Bosaso looga dhawaaqey urur siyaasadeed loogu magacdarey MIDNIMO, waxaana xafladdii ku dhawaaqista ururkan ka soo qaybgalay siyaasiyiin, ganacsato culimo iyo waxgarad kale oo faro badan.

 

Dr.Saadiq Eenow oo ururkan daah-furey ayaa sheegay in uu yahay mid ay ku mideysan yihiin aqoonyahan, ganacsato iyo dhamaan inta siyaasadda martida ku ah ayuu metalaa ayuu yiri.

 

Dr.Saadiq ayaa si weyn ugu cel-celiyey in ururkoodu yahay mid siyaasadeed oo mucaarid waxaana uu ku cel-celiyey saddex jeer.

Dr.Saadiq Eenow ayaa ku dheeraadey siyaasadda ururka Midnimo, waxana uu sheegay in aanu ku dhisneyn rag iska dhici sida horey loogu soo rogmadey, waxaana uu sheegay in ururku ku hawlgeli doono rabitaanka shacabka.

 

Mar uu ka hadlaayey nabadda ayuu sheegay in isbahaysiga Midnimo uu arko in aysan qiime lahayn nin madax ah oo ciidamo ku gadaaman yihiin waa in qofka shacabka ah iyo qofka madaxda ah nabadda u siman yihiin.

 

Dr.Saadiq ayaa mar uu ka hadlaayey xaaladda taagan sheegay in ay jirto dhaqaale xumo muuqata, dhibaato siyaasadeed iyo khilaaf ayaa jira, dhibaato amni ayaa jira, waxaana maqlaynaa oo keliya cod dhahaya sanad ku darsi iyo mid ka soo horjeeda, halkii ay ahayd in la wajaho arrimaha waaweyn.

 

Ugu danbeyntii Dr.Saadiq ayaa ugu baaqey Mucaaradku in ay xaaladda dejiyaan ciddii qori wax ku raadisana dhankey doontaba ha ahaatee sharciga lala tiigsan doono goor ay ahaataba.

 

Sanad ku darsiga ee khilaafku ka taagan yahay ayuu sheegay in ay qaban doonaan shir saxaafadeed isla markaana bayaan cad ka soo saari doonaan laakiin mar walba ay sharciga ku istaagayaan.

 

Tan iyo markii Guddiga Doorashada ee Puntland ku dhawaaqey in la furto Xisbio siyaasadeed ayaa magaalada Garowe madaxweynaha Puntland uga dhawaaqey urur uu guddoomiye ka yahay kaas oo ay ku jiraan dhamaan xukuumadda iyo golaha wakiilada, iyo weliba maamulada gobolada sida uu sheegay Madaxweynuhu, waxaana uu xisbigan ku sheegay kan talada haya, magaalada Bosaso ayaa looga dhawaaqey laba urur oo kala ah HorCad iyo Ugub, kuwaas oo aaminsan ku darsashada xukuumadda ee muddada sanadka ah sida ay sheegeen, Midnimo ayaa noqonaya kii afaraad, isla markaana sheegay in bayaan ay ka soo saari doonaan khilaafka ka taagan ku darsasho sanad ah iyo doorashadii hala qabto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is indeed a great development. He's a great historian and writer, and also a real doctor! Though he's new to the game, but he will be a challenge to the old guard who are resisting the new change, Gen Samater and Gaagaab camp that is.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Much better than Gagaab, Samatar and a great contrast to Faroole. Let's see his manifesto and then one can make an informed decision. I do like the man though. Better, much better.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I like Dr. Sadiq Enow he is very smart and well educated fella but his party is backed/owned by Al ictisaam extreme folks and in any case if free and fair election happen, the people will trust them more than Faroole party.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dr. Eenow' s party does not represent Al Ictisaam. He may get their support. He will have a challenge on his hand though as the Mudug's young Turk , and much loved minister of Health is rumored to be in the game as well.

 

Who ever gets Al Ictisaam support will no doubt be a formidable player in Puntland politics.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this