Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Jug Dheh

Recommended Posts

Salaan...

 

Sheekadaan inaa maqasheen ma ogiyee, ee kii maqlin waa tanaa.

 

Xarfankoo Dhoore la dhaho aa kasoo baxay Burco oo Xamar uu usoo socday. Ceelgaab uu kasoo dagey. Xaafadii uu kusoo dagi lahaa baskiis aa losoo tilmaamey. Baskii soo qaatey.

 

Booskuu fadhiyey laba laba loo fadhiisan jiray oo midaa bananaa.

 

Bas marka, baskii markuu dhaxda soo maraayo aa Xarfaantoo xarageyneyso soo kortay. Dhinaca xariifkaan Dhoore fadhiyey ay soo aadey. Inuu ka dhinac u baneeyo ay rabtey, lakiin waa u baneen waayey. Markaas ay saan ku dhahdey:

 

"Duqa, jug dheh."

 

"Jug." Xarfankaan inii 'jug dheh' oo jug la dhahaayo uu u maleyaa nooh. Iyadana inee durug dhahdo ay rabtaa.

 

"Ar laa ilaah ila laah, ar jug dheh nooh. Maxaa isku dhagooleynee?"

 

"Jug."

 

"Ar kan intee laga keeney. Jug maba yaqaano nooh. Ar jug dheh yaqeey."

 

"Jug."

 

"Ar dhoorahaana maxaas ahaa."

 

"Dhoore?" Ileen xarfaankaan Dhoore magaciis aaba la dhihi jiree, waa yaabey nooh. Inee taqaan uuba u maleyaa. "Huuno, kumaad ahayd. War ileen magacii waa uun gareneysay?" Ninkaan ku qabo uusba bilaabey. "Ina adeer ii sheeg ma Habar Yaxaas baad ahayd?"

 

"Mayaa, habar libaax badeed lee."

 

"War maxaa ku hadleysaa?"

 

"Adaa iga daran nooh. Habar kulahaa. Ma ii jeedid miyaa horta iniis gabar abuu siibito ahay."

 

"War Habartaa uun maa ku weydiyee, ee iisheeg ma Habar Yaxaas baa adiguun?"

 

"Waa kuu sheegey habar libaax badeed lee ani."

 

Ar bas sidii sii la iskugu qeylinaayo lee lagu kala tagey nooh. Tana 'habarta' u maleyso inee tahey caytin, asagana u maleyo inee 'dhoore' loola jeedey magaciis.

 

Ar Soomaali maxee af jini ku hadlaan.

_______________

 

Macsalaama!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
medman   

 

no disrespect homie, but i didnt feel the story. was it supposed to be funny?

 

xumaato igama aha aboow yaah.

 

 

 

 

------------------

criminal minded,you've been blinded

Share this post


Link to post
Share on other sites

MMWA.............Damn! that was hilarious walaahi smile.gif Thx.

 

Medmand Brotha how can you not see! This is funny.....or perhaps afsoomaligaa jiiro jiiro kaaga jiro nooh?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baydan   

hahahahaha maskiin

sheekadaas waa maqlay yaqoo laakiin adi walaxaa ku dardartay adi maahinoo

loool@habar libaax badeed lee.

 

Man you got a knack for tellin jokes. Keep up.

 

madmen

you're either qaldaan with too much sensitivity or you just dont quite understand somali or better yet..you lack sense of humor all together.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hibo   

Tan fiiriya aqyaarta:

 

hada kahor aa xariif reer waqooyi ah damcay inuu shukaansado gabar reer koofur ah. Qoftii iyo xariirkii aa ishelay galab meel xaafadooda udhow, markaas reer waqooyigii wuxuu bilaabay inuu gabarta hadalo kutuur tuuro, macnaha si uu gabarta ushukaamiyo.

 

Reer waqooyigii oo shukaansi uganbiyay kulahaa: naayaa naaso fiiqfiiqanidaa, iga wale waan kaa taaban markaas baad jeclaani. Gabartii waa yaabtay ninkaan af xumadiisa iyo wuxuu kuhadlaayo. Saxiibteed oo lajoogtay markaas eeyku tiri: naasuu leeyahay axadkaan wareersan? Reer waqooyigii waa naxay wuxuu mooday inlagu yiri naaso aa leedahay.

 

Waryaara hee, dumarkaan eego raga aflagaadeenayo oo aan xishoodka aqoon. Naw qow, jaw, iga wale adaa sheegi doono meesha aan naasaha kuleeyahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
medman   

LADY FATIMA, khaladaa iga fahantay walaal.

 

BAYDAN, runtaa waaye, am a sensitive khaldaan.

 

 

 

------------------

criminal minded,you've been blinded

Share this post


Link to post
Share on other sites
medman   

reer koonfureedka waxaan oo kale kuma dhacaan miyaa. just wondering

 

 

 

------------------

criminal minded,you've been blinded

Share this post


Link to post
Share on other sites
raula   

Fiiiq....fiiiq..lol..walaahi maskiin-macruuf-Aqiyaar..waaigaqosliye....adiilewayee MMA..

 

Caydiid..U funny 2 man...keep up the good work..

 

Medman...Dhoore waxfahmeinin....see waayee aqiyaarkaan...

 

midwesta..

Share this post


Link to post
Share on other sites
medman   

LADY FATIMA, apology not excepted,

unless u give me a call that is.

 

 

 

------------------

criminal minded,you've been blinded

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this