Sign in to follow this  
Che -Guevara

Kenya: Garissa residents shot after army launches crackdown

Recommended Posts

Faafan   

^ Any attack within Kenya with an Al-shabab signature cannot be blamed on Somalis, Al-shabab has many Non-Somali Kenyan recruits.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yusuf Xaaji "Meel inta la fariistay Soomaali ha lagu barakciyo la yiri ma jirto"

 

Wasiirka gaashaandhiga Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa sheegay inay jiraan dad siyaasad gaar ah ka leh barakicinta lagu haayo Soomaalida ku dhaqan Xaafada Islii, xilli maalmihii u dambeeyay ay dib ugu soo laabanayeen dalkooda.

 

Hadal uu u jeediyay Ganacsatada Soomaalida Xaafada Islii oo shalay ay la kulmeen xubno ka tirsan dowladda Kenya ayuu sheegay in aanay jirin go'aan cad oo ay isla gaareen Golaha Wasiirada, kaasoo ku saabsan in Soomaalida la barakiciyo.

 

"Aniga Golaha Wasiirada ka tirsanahay, meel inta la fariistay Soomaali ha lagu barakciyo la yiri ma jirto, Soomaalida iyaga gacantooda ka horeysa oo laaluush bixinaya, kuwa dukaamada hor-taagan"ayuu si kulul u yiri Yusuf Xaaji.

 

Yusuf Xaaji ayaa ugu baaqay Soomaalida inay yeeshaan karti la yimaadaan, isagoo dusha ugu tuuray in dhibaatada loo geysanayo ay iyaga mas'uul ka yihiin maadaama ay laaluush bixiyaan.

 

Waxaa uu ugu baaqay Soomaalida inay soo sheegaan ciidamada howl galka ka wada Xaafada islii ee qafaalka iyo xadgudubka u geysanaya Soomaalida, isagoo xusay inay soo qoraan magacyadooda, sawiradooda ama taargada baabuurtooda ciidamada dadka qab qabanaya ay wataan.

 

Yusuf Xaaji ayaa sheegay inuu arrintan kala hadlayo Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki, isagoo sheegay in aan loo dulqaadan doono dadka doonaya inay barakiciyaan Soomaalida.

 

Sidoo kale Xildhibaan Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in Soomaalida aysan marti ku aheyn Kenya, isla markaana ay ku xuquuq yihiin dadka Kenya, waxaana uu cadeeyay in iyaga oo Soomaali ah ay ka tirsan yihiin Baarlamaanka iyo Xukuumada Kenya.

 

Tan iyo markii dowladda Kenya ay amar ku bixisay in Soomaalida ay dib ugu laabtaan xeryaha qaxootiga, ayaa waxaa bilowday olole dadkaas dib dalkooda loogu celinayay, iyadoo shaqsiyaad Kenyan ah ay qeyb ka ahaayeen barakicinta Soomaalida, iyagoo ka faaa'ideysanayay amarka dowladda ka soo baxay.

 

Hoyga wararka Somaliyeed

www.jowhar.com

jowharnews@gmail.com

jowharcom@hotmail.com

Master on January 05 2013

Share this post


Link to post
Share on other sites

Weerar xalay ka dhacay Magaalada Gaarisa ee Kenya oo lagu dilay dad badan kuwo kalena lagu dhaawacay

 

Khamiis, Jannaayo 17, 2013 (HOL) — Ugu yaraan shan qof oo uu ku jiray sakaal ka tirsan ciidamada ilaalada xabsiyada ee dalka Kenya ayaa ku dhintay dagaal weerar xalay lagu qaaday maqaahi raashinka laga cuno oo ku taalla bartamaha magaalada Gaarisa.

 

Kooxaha weerarka geystay ayaan illaa hadda la ogeyn, iyadoo sidoo kalena aysan cid sheegatay midna, waxaana saakay lagu arkayaa maqaahidii xalay la weeraray dhiig badan iyo raashinka oo dhooban goobtii lagu cunteynayay ee la weeraray.

 

“Weerarkii xalay waxaa lagu dilay shan qof, waxaana lagu dhaawacay afar kale,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan maamulka degmada Gaarisa oo maanta la hadlay saxaafadda.

 

Goobjoogayaal kale ayaa sheegaya in weerarkii xalay uu saameyn xooggagn ku yeeshay isku socodka iyo ganacsiga degmada Gaarisa, iyadoo weerarkan uu noqnayo kii ugu horreeyay noociisa oo sannadkan cusub ka dhaca degmada Gaarisa.

 

Dowladda Kenya ayaa weerarro ay dad badan ku dhinteen oo sannadkii hore ka dhacay degmadan Gaarisa ay ku eedeysay Al-shabaab, inkastoo aysan ka hadlin Al-shabaab eedeymahaas ku saabsan inay weerarradaas mas’uul ka tahay.

 

Xaaladda magaalada Gaarisa saakay deggen, iyadoo lagu soo beegay weerarkan xilli dalka Kenya ay maanta ka billaabayaan doorashooyinka golayaasha deegaannada, kuwaasoo ay ku tartamayaan xisbiyada waaweyn ee dalka Kenya.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this