Sign in to follow this  
General Duke

Dahir Calasaw of Waagacusub named Minister of Information of Galmudug... Is this true?

Recommended Posts

Wasiirka Warfaafinta,Boosaha iyo Isgaadhsiinta Galmudug oo loo magacaabay Daahir Cabdale Calasaw

 

Madaxweyne Cusub ee Galmudug mudane Tima kala jeex ayaa maanta si rasmi ah u magacaabay Golaha Wasiiradda ee Dawlad Gobaleedka Galmudug kuwaas oo badali doono Xukuumadii hore ee Madaxweyne Caalim

 

Madaxweyne Caalin ayaa si rasmi ah shalay ugu wareejiyey Xilka Madaxtinimo ee Galmudug Mudane Tima Kala jeex oo ah siyaasi qunyar socod ah isla markaasna Taageero badan ka haysta Beesha iyo waliba Ahlu Suna wal Jameeca

 

Wasiirka Cusub ee Warfaafinta, Boosaha, Isgaadhsiinta. Dhalinyaradda iyo Isboortiga ayaa Madaxweyne Tima kala jeex u magacabay Mudane Daahir Cabdle Calasaw oo ahaa Mulkiilaha iyo Tifaftiraha Waagacusub Media

 

Daahir Cabdle Calasaw waa Khabiir muddo dheer ku dhex jiray Warbaahinta Soomaalidda isla markaasna aad loo yaqaan ayaa ka soo shaqeeyey Haayo badan oo Warbaahineed waxana uu Daahir Caan ku yahay Maqaalo siyaasadeed oo marar badan buuq ka dhaliyey Siyaasadda Soomaaliya

 

talaabadan uu Madaxweyne Tima kala jeex ugu magaacabay Daahir Calasaw Wasiirka Warfaafinta ayaa waxa soo dhaweeyey dhamaanba Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo u arka in ay tahay talaabo geesinimo ah horumarna geeni karta maadaa nin aqoonteeda iyo kartideeda leh loo magacaayaa ayna haboon tahay in Madaxweynayaaasha kale ee Maamul Gobaleedyadda iyo Dawladda Fedraalka ahba ay Wasaaradda Warfaafinta u magacaba Shakhsiyaad ka soo dhex baxa Warbaahinta sida Galmudug oo kale

 

Daahir Calasaw ayaa la rumaysan yahay in uu horumar weyn ku soo kordhinayo Warbaahinta Madax-baanan iyo tan Maamulka Galmudugba waxana Shakhsiyan Daahir ku aqaan Geesi madaale ah oo ka jibo keeno hawsha uu u dhaqaaqo

 

Allssc News Desk

 

Allssc@allssc.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

lol@Horta bal su'aalo badan halla is weydiiyo. Kan wasiirka ka dhigtay madaxweyne ma yahay? Dowlad ma hoggaamiyaa? Marka ka soo qaad Xuubsireedkii Galmudug inuu Maanta Calasoow noqday.:D

What do these two men share in common? Let me just say the first one : Waagacusub.com and Idamaale.com :D

If I was going to go further I would have said Duke is their version here in SOL.:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ Lol @ Abwan no worries, at least I am not Abwan, the Yusuf IndaCade of SOL...:D Always defending the indefensible.:Jokes aside Galmudug seems to have far too many Presidents and Cabinet posts, but Calasaw is a daft move..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

as long as they are doing positive development like this

11712Galkacyo1.jpg

 

I have no issues if dahir calasow is selected as minister of information

Share this post


Link to post
Share on other sites

General Duke;889140 wrote:
^^^ Lol @ Abwan no worries, at least I am not Abwan, the Yusuf IndaCade of SOL...
:D
Always defending the indefensible.:Jokes aside Galmudug seems to have far too many Presidents and Cabinet posts, but Calasaw is a daft move..

LOOL@yuusuf indhocadde of SOL :D :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this