Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland president Axmed Siilaanyo visits Awdal borama

Recommended Posts

Madaxweyne Siilaanyo Oo Socdaal Ololeysan Ugu Kicitimay Gobolada Galbeed Iyo Nuxurka Kulan Ay Xalay Yeesheen Madaxdhaqameedka Gobolada Salal & Awdal Oo Ay Madaxweynaha Garnaqsigiisa Ugu Diyaargaroobayeen.

 

Hargeysa (Ramaas) Nov.14, 2012- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa safar maanta ugu kicitimay magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal.

 

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay safarkan madaxweynuhu ugu kicitimay xarunta gobolka Awdal ee Boorame, balse wararka qaar ayaa tibaaxaya in madaxweynuhu xadhiga ka jaro mashaariic laga hirgeliyey Magaalada Boorama, iyada oo uu Safarkan Madaxweynuhu ku soo beegmayo xilli uu Maanta Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye u leeyahay Ololaha Doorashada Goleyaasha Deegaanka.

 

Dinaca kale Madax dhaqameedka Gobolada Awdal iyo Selel ayaa xalay kulan xaasaasi ah ku yeeshay Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal, kaas oo ay kaga wada hadleen qorshaha ay la hortegayaan Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) oo maanta socdaal ku tegay Magaalada Boorama.

 

Kulankan ay xalay yeesheen inta badan Salaadiinta iyo Waxgaradka Gobollada Awdal iyo Selel oo qaatay muddo saacado ah, ayaa waxa uu ka dhashay, ka dib markii ay ka war heleen inuu Madaxweynaha Somaliland socdaal ku tegayo Magaalada Boorama, waxaanay Salaadiintan kulankoodan si weyn ugu falanqeeyeen qodobada ay la hortegayaan Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo).

 

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kulanka Salaadiinta Awdal iyo Selel oo aan warbaahinta oo ogeyn, hase yeeshee sida uu Wargeyska Saxansaxo u xaqiijiyey mid ah Mid ah dadkii Kulankaasi ka qayb galay waxa lagaga dooday Shirkan qodobada ay Salaadiintu la hortegi lahaayeen Madaxweyne Axmed Siillaanyo, kuwaas oo uu ka dhawaajiyey in ay u badan yihiin tabashooyin ay beelaha dega Awdal iyo Selel ka tirsanayaan Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo).

 

Warku waxa uu intaasi ku daray in Salaadiinta iyo Waxgaradka Awdal iyo Selel qodobada ay u soo bandhigi doonaan Madaxweynaha waxa ka mid ah dhib u dhacyo ay sheegeen in ay ka jiraan Deegaamada Awdal iyo Selel, Saamiga Xukuumadda oo ay inta badan cabasho ka muujiyaan iyo weliba duruufo adag oo ka taagan deegamada Gobolladaasi.

 

Salaadiintan ayaa la filayaa in ay qodobadan oo qoraal ah oo ay isku afgarteen ay madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo hor dhigaan, marka uu maanta booqashada ku tago Gobolkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Somaliland oo safar ku tagay Gobolka Awdal, Isagoo xadhiga ka jaray Mashaariic laga hirgeliyay Gobolkaas

Arbaco, November 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Md: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo, ayaa maanta safar shaqo ku tagay magaaladda Boorame ee xarunta gobolka Awdal.

 

Madaxweynuhu Waxa uu xadhiga ka jaray waddo isku xidhaysa degmadda Dillla iyo Boorame, kaas oo ay maalgalisay xukuumadda Somaliland, waxa kale oo uu xadhiga ka jaray laba waddo oo ay dawladda hoose ee magaaladda Boorame ka Hirgalisay iyo xafiisyo casri ah oo loo dhisay kastamka Boorame.

 

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay inuu magaaladda Boorame u yimid sidii uu xogogaal ugu noqon lahaa xaaladda gobolka ka jirta, isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu xadhiga ka jaro mashaariic ay dawladdu ka fulisay gobolka Awdal.

 

Madaxweynaha ayaa dadweyne faro badan kaga hor yimaadeen degmada Dilla ee gobolka Awdal, halkaasi oo uu dadweynihii soo dhoweeyey kala hadlay, isla markaana uu u mahadnaqay dadweynihii soo dhoweeyey, waxaanu markiii dambe xadhiga ka jaray waddo lix killo mitir ah oo dawladdu kharashkeedda bixisay, taas oo isku xidhi doonta Degmada Dilla iyo Boorame, iyadoo qayb waddadan ka mid ahna hore uu madaxweynuhu uu xadhiga uga jaray.

 

Madaxweynaha ayaa baryahan dambe bilaabay safar shaqo uu gobolada ku gaalaa bixinayo, taas oo dadka qaar ku eedeeyeen in madaxweynuhu xisbiga kulmiye uu u ololaynayo, maadaama oo uu safarada uu gobolada qaar ku tagay ku beegay wakhtigii ololaha, haseyeeshee, madaxweynuhu si toos ah uma muujin olole xisbi, wallow mashaariicdan uu xadhiga ka jarayo ay tahay mid uu ku faanayo, isla markaana uu wakhtigii uu mucaaradka ahaa balamihii uu dadweynaha u balanqaaday ka mid tahay, taasina ay muujinayso inuu dadweynaha tusayo waxqabadkii xukuumadda iyo xisbiga taladda haya qabteen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Security is always a must all over Somaliland hargeysa burco berbera oodweyne laascaanood ceerigaabo gabiley arabsiyo borama seylac etc etc.Why are you ignoring all the people coming out in thousands to welcome their president with the Kulmiye and Somaliland flags. My friend taleexi you should watch the videos.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wadani   

Taleexi, Iv'e always supported watever beeshaadu ay isku raacaan, since they have a right to self determination. But plz, don't claim other peoples land while claiming ur oppressed. It's well known that Ceerigaabo is a HY city, under the administration of Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this