Sign in to follow this  
Macallinka

Breaking News: The Village is hit again by another suicide

Recommended Posts

Labo weerar ismiidaamin ah ayaa goor dhow lagu qaaday Maqaaxida The Village qeybteeda degmada Hodan ee ku dhow Isbitaalkii Digfeer, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan qasaaraha ka dhashay.

 

Sida wararku sheegayaan weerarkan ayaa la sheegay inay geysteen Labo nin oo jaakadaha qarxa watay, waxaana ka hor inta aanay is qarxin ay is rasaaseyn dhex martay Ilaalada Baarka iyo kooxihii doonayay inay is qarxiyaan.

 

Wararka ayaa sheegaya in mid ka mid ah uu bastoolad watay uu rasaas bilaabay, isla markaana midka kalena uu gudaha ku tuuray bam gacmeed, waxaana baarka uu yahay mid Check Point leh, iyadoo labadii nin la sheegay inay banaanka ku qarxeen.

 

Mid ka mid ah Ilaalada baarka ayaa sheegay in nimanka is qarxinayay ay doonayeen inay gudaha galaan, balse ay ka hortageen, isla markaana ay rasaas is weydaarsadeen.

 

Wararka ayaa sheegaya in hal ruux oo ilaalada Hotelka ka mid ahaa iyo labadii is qarxisay ay ku dhinteen, halka afar kalena ay ku dhaawacmeen sida ay inoo xaqiijiyeen dad ku sugnaa maqaaxida xilliga qaraxa uu dhacayay.

 

Maqaaxida The Village ayaa maqaaxi laga cunteeyo, lagana qaxweeyo, halkaas oo ay ku kulmaan mas'uuliyiin ka tirsan dowladda, xildhibaano, siyaasiyiin, iyo dad caadiba ah.

 

Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay in weerarka ay fashiliyeen Ilaalada Baarka Village oo feejignaan sare ay ka muuqatay, isla markaana horay u adkeeyay ammaanka Baarka.

 

Wariyeyaal gaaray Baarka la weeraray ayaa soo sheegaya in madaxyada labada ruux ee is qarxiyay ay banaanka baarka yaalaan

 

21-kii bishii September ayay aheyd markii la weeraray Baar Village faraceeda Guriga Hooyooyinka, halkaasoo ay ku geeriyoodeen Wariyeyaal iyo dad kaleba oo galbihii ku qaweyn jiray.

 

La soco wixii ku soo kordha

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Macallinka;885444 wrote:
Let them fail ilaahay ku waas hanaga qabto. What would they gain by bombing a restaurant ? I still don't get it.

Macallinka they want to terrorize our lives nothing else. They bombed mosques, schools, markets and restaurants are not different. They are against progress like Oba said.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this