Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland: Today, 28 Years Ago - 17th October 1984

Recommended Posts

Tallaabo;880502 wrote:
Lixle should have an airport, port, or a major area in one of Somaliland's cities named after him.

 

I think the berbera airport should be named after him this man gave his life for his people.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Munaasibad Lagu Xusayey Maalinta Shuhadada SNM Oo Hargeysa Lagu Qabtay Iyo Wasiirada Xukuumadda Ee Xafladaha Gaarka Ah Buux Dhaafiya Oo Aan Mid Kaliyi Ka Soo Xaadirin Xuska

988aa60704b38ac3538729e5326f2cc7_M.jpg

Hargeysa (Ramaas), Oct, 17, 1012- Munaasibad lagu xusayey maalinta shuhadada SNM oo ku beegan maanta oo ay bishu tahay 17/10/1012 ayaa ka qabsoontay hoolka shaqaalaha ee magaalada Hargeysa.

 

Munaasibadan oo ay ka soo qayb galeen Mujaahidiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Jamciyada Mujaahidiinta Sooyaal, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin, Mujaahid Yuusuf Maydal, Mujaahid Ibraahim Raage Maxamed, Mujaahid Yurub Abiib iyo Mujaahidiin kale oo tiro badan.

 

Xafladan oo ay ka muuqatay in aanay is lahayn xuska loo samaynayo iyo meeqaamkeedu, isla makaana aanay ka muuqan mujaahidiin badan oo hormood ka ahaa halganka iyo wasiirada Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo badanka lagu yaqaano inay buux dhaafiyaan xafladaha gaarka loo leeyahay oo aan wax muhiimad oo badan ugu fadhiyin shaqooyinka ay hayaan ayaa waxa si weyn loogu dhaliilay in aanay xukuumaddu qayb weyn ka qaadan maalina shuhadada SNM oo ay ahayd, maadaama oo hogaanka maanta dalka haya ee Madaxweynaha ka ah Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu yahay hogaamiyihii ugu mudada dheeraa ee SNM, isla markaana loo baahnaa in si gaar ah xukuumaddu u xusto.

 

Munaasibadan oo uu ugu horeyn ka hadlay guddoomiyaha jamciyada Mujaahidiinta ee Sooyaal ayaa waxa uu ka waramay maalintan iyo sababta loogu doortay maalinta shuhadada SNM.

 

“Maalinta Shuhadada SNM waxa ay ahayd maalin loo doortay in ay noqoto maalin lagu xuso shuhadadii ka shahiiday SNM, waxaana loogu doortay in ay ahayd maalintii uu dhacay dagaalkii Burco duuray, isla markaana mujaahidiin badan oo SNM ah, halkaasi ku shahiideen, waxaanan u sheegayaa in maalintan aanu qofna is odhan waa lagaa leeyahay oo qof waliba wuu leeyahay, waxa jirta in maalinba mujaahid la xuso, laakiin waxa la iskugu soo ururiyey maalintan oo ah maalinta shuhadada SNM” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Sooyaal oo ka waramayey maalinta shuhadada SNM iyo xuskeeda.

 

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga talada haya ee Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ka waramay maalinta iyo qiimaha ay bulshada Somaliland u leedahay, waxaanu yidhi “Marka hore waxaan hambalyeynayaa mujaahidiintii SNM, waxaanan u ducaynayaa intii ka shahiiday mujaahidiinta oo aynu leenahay ILAAHEY naxariistii jano ha ka waraabiyo, waa shuhado xaq darro ka soo dagaalantay , maalintan waxa aynu iskugu soo min guurinay in la xuso dhamaan shuhadadii SNM, walaw aanay maalin wada dhimanin ee ay maalmo kala jaad ah wada dhinteen, maalinta waxa loo qaatay waxa ka mid ahaa dadkii maalintaa shahiiday Maxamed Xaashi Lixle oo ah ragii ugu qiimaha dheeraa ugu taariikhda dheeraa ugu halganka adkaa ee gudaha ka soo bilaabay ayaa ka mid ahaa ragii shahiiday, waana maalintii ay tiradii ugu badnayd ay goob ku wada dhimato, waana maalintii ay dhawr iyo labaatan kale meel ku wada dhimatay, dabadeedna dhawr iyo kontonkaa Mujaahdi lagu wada aasay meel isku wada mid ah”.

 

Mujaahid Maxamed Kaahin oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Dhaqdhaqaaqii wadaniga Soomaaliyeed ee 1981-kii aas aasmay iskamay aas aasmin ee uu waxa uu u aas aasmay duruufo, waxaanaynu duruufahaasi kala mid ahayn jabhada badan oo nooceena oo kale ah oo dunida oo dhan ka abuurmay, waxaana jabhadaasi waxa ay ka dagaalamayeen u dheeraa dhaqdhaqaaqa wadaniga Soomaaliyeed xabaalo wadareedyadan ilaa imika la helo ee ilaa inta u dhaxaysa Gabiley iyo Ceerigaabo laga helo, kuwaasi ayaa ka gaar ahaa ee wax umadda Soomaaliyeed oo dhan lagu wada sameeyey may ahayn ee wax cid gaar ah loogu talo galay ayey ahaayeen, cawaaqib xumadii ka dhacdayna waa ta Somaliya haysata, SNM waxyaabaha ay taariikhda ku lahayd waxa ka mid ahaa cawaaqib xumadii koonfur ka dhacday, midhaha iyo nabada Somaliland lagu naaloonayaana waa mid ay iyadu horseed ka ahayd, Lixle oo aan halkan sawirkiisa ku hayo waxa uu ragii ugu hor talaabay ee aqoonta la biday, markii 1977 dagaalkii Somaliya iyo Itoobiya ka qarxay ee dayuuradaha caalamku galeen warshadihii dibadaha lagu sameynayey Gabiley ayuu ka dhigay xaruntii warshadaha lagu sameynaayey, waxaanay abaal marintiisii noqotay kacaan diid baad tahay, dabadeeto halkaasi ayey SNM ka aas aasantay.

 

Waan ka xumahay waxa ay ahayd inay xafladan Wasiirada Xukuumaddu joogaan lagama maarmaan ayey ahayd, waxaanan Madaxweynaha leeyahay maalintan 17 October xukuumaddu waa inay joogtaa oo ay ka muuqataa”.

 

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay wakhtigaasi iyo sida uu u xusuusto, waxaanu sheegay in uu ka mid ahaa ragii aan ka saxeena dalka dibadiisa ka soo taakulaynayey mujaahidiinta SNM.

 

Mujaahid Ibraahim Raage Maxamed oo halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay maalintan iyo qiimaha ay leedahay, waxaanu sheegay in SNM imika noqotay mid cidii baahani sheegato oo aan la soo xusuusan marka wax loo qaban karo, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “SNM waxaad moodaa inay noqotay waadh kolba qofka jilicdasan soo jiibsado oo madaxweynaha Somaliland isaga oo umadda oo dhan dhex u ah waxa ay ahayd Mujaahidiintii uu ku faanayey shalay inuu soo xusuusto”.

 

Mujaahid Yurub Abiib iyo Xaaska Mujaahid Ibraahim Koodbuur Khadra Qayloweyne oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa ay tilmaameen in loo baahan yahay in xukuumaddu xusuusnaato mujaahidiinta SNM oo ay ka dhex muuqdaan kuwii dalka u soo halgamay golaha Wasiirada Xukuumadda wakhtigan talada dalka haysa.

 

Ugu dambayn waxa halkaasi ka hadlay Mujaahid Yuusuf Oday oo ka mid ahaa macalimiintii tababarka siinaysay mujaahidiintii galay dagaalkii Burco duuray isaga oo ka waramay taariikhda maalintaasi iyo waxa uu ka xusuusto.

 

La Soco Wakhtiyada Soo Socda Dib U Milicsiga 26 Sano Ka Hor Maanta Oo Kale Shuhadada SNM

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

I've heard so many stories about Lixle- if half of them are true, the guy is legend, something should be named after him- probably the gacan libax/ jarato area or something.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wadani   

I like the sound of his naanays Lixle. It has a nice ring to it. Horta soo reer Burco muu ahayn, waliba reerka galbeedka Burco daga?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this