Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Alshabaabs reaction on the new prime minister of Somalia.

Recommended Posts

Ururka Al-Shabaab Oo Sheegay Inay La Dagaalami-doonaan Xukuumadda Uu Soo Dhisayo Raysal-wasaaraha Cusub Ee Somalia

 

Ururka Al-shabaab, waxay sheegtay in Raysal-wasaaraha cusub ee Somaliya la........

 

Muqdisho (GNS) – Ururka Al-Shabaab ee Dagaalka kula jira Ciidamada Somaliya iyo kuwo ajaanibka ah ee taageeraya ayaa ka hor-timid raysal-wasaaraha cusub ee loo magacaabay Somaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), oo soo dhisaya xukuumadda Somaaliya ka saarta dhibaatada mudada dheer ka taagan.

 

Ururka Al-shabaab, waxay sheegtay in Raysal-wasaaraha cusub ee Somaliya la mid yahay kuwii ka horeeyay isla-markaana ay keeneen dawladaha reer galbeedka ee danaha siyaasadeed ka leh dalka colaaduhu naafeeyeen ee Somaliya.

 

Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), ayaa sheegay inay la dagaalami doonaan xukuumaddiisa ilaa inta ay ka ridayaan, maadaama buu yidhi ay keensadeen dawladaha reer galbeedka.

 

Sheekh Cali Dheere oo arimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi “Raysal-wasaaraha cusub waxba kama duwana kuwii ka horreeyay”

Afhayeenka Al-shabaab, waxa uu sheegay in guud ahaan masuuliyiinta

 

Somaliya ay keeneen dawladaha reer Galbeedku “Dhammaantoodna waa kuwo ay reer galbeedku keeneen (Somaliya)”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay inaanu waxba ka bedali karin xaalada Somaliya “Waxba kama bedeli karo xaaladda Soomaaliya”

 

Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) waxa uu balan-qaaday inay la dagaalami doonaan xukuumadda raysal-wasaaraha Somaliya soo dhisi doono “Waanu la dagaalami doonnaa illaa inta aanu xukuumaddiisa ka ridayno”ayuu yidhi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Xaaji Xunjuf;877945 wrote:
Ururka Al-Shabaab Oo Sheegay Inay La Dagaalami-doonaan Xukuumadda Uu Soo Dhisayo Raysal-wasaaraha Cusub Ee Somalia

 

Oo ma markii hore ayey Al-Shabaab iyo xukuumada Soomaaliya nabadi ka dhexeysay! Sowkuwii Al-Shabaab iyo xulufadoodu hadh iyo habeen xukuumada Soomaaliya la dagaalamayey ma'aha. Ma maanta oo ay Al-Sabaab ugu liidado, shacabka Soomaaliyeedna ay fahmeen AXMAQNIMADOODA ayey moodayaan in caga jugleyntooda ay ciddi dheg jalaq u siineeyso.

 

Al-Shabaab = Nin daad qaaday xumbo cuskay!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this