Sign in to follow this  
Maaddeey

What do you know about Sh. Boqolsoon (AUN)

Recommended Posts

Maaddeey   

ASC Walaalayaal,

 

Sh. Mohamed Ahmed Rooble, wuxuu ku magac dheeraa 'Boqolsoon', Sh. Cali Wajiiz oo muxaadaro u iclaaminayay ayaa sheegay sababta loogu bixiyey 'Boqolsoon' ay ahayd cunto yari, oo laga yaabo maalintii oo dhan uu ku joogo xabad rooti & koob caano ah!.

 

Sh. Boqol Soon wuxuu dhintay isagoo da' yar (tuugo ayaa dishay isagoo gobollada dhexe ugu socda si uu u booqdo waalidkiis oo xanuunsanaa).

 

Wuxuu caan ku ahaa geesinnimo & xaqqa uu caddeeyo, wacdigiisa markaad dhegeysato waxaad moodeysaa inuu waxa hadda taagan ka hadlayo.

 

Sh. Boqolsoon wuxuu ka qayb qaatay Jihaadkii Afghanistan, wuxuu ahaa nin cibaado badan oo rag ay wada degeen waxay sheegeen in isagoo soo jeeda ay seexan jireen isagoo soo jeedana ay soo kici jireen.

 

Muxaadaradii ugu dambeysay ee uu jeediyo wuxuu bedelay 'tone'kiisii, sida magaca aad ka garan karto ama aad dhegeysatona waxaad is leedahay geridiisa baa loo sheegay!.

 

Waxaan soo bandhigi doonnaa wixii muxaadaraad een arko ee aan ka wada faa'iideysanno.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

Originally posted by Maaddeey:

Topic: What do you know about Sh. Boqolsoon (AUN)

I have read about almost everything you mentioned..except the part where you said he too part in the Afghanistan war!

 

Why aan ugu maleeya ujeedada thread-kan in ay tahay in aad arintaan uun iftiimiso? yaadse kasoo xigatay sxb?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Yaa Cawaale, adoon malo xumeyn wixii aad fahmi weydo i weydii, waxba ha baqin waagaas Mujaahidiinta discount ayay Dawladda Sacuudiga u sameyn jirtay safarkooda!, hay'ado badanna way ka qayb qaadan jireen, wax kale iska daaye Ameerikaanka aad ka cabsaneyso CIA AGENT ayay u ogolaadeen inuu aado!.

 

Ujeedadaydu waxay ahayd uun inaan wacdigiisa dhegeysanno, waxaan door biday inaan wax yar taariikhdiisa wax ka iftiimiyo si dadka aan aqoonin fikrad uga qaataan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Baarakallaahu feek genius pauper.

 

Walaalayaal, Sh. Boqolsoon wax caruur ah kama tegin, runtiina wuxuu dhintay isagoo Aroos cusub ah, waxaan aad ugu maleynayaa inuu dhintay isagoon weli aqal gelin.

 

Sidaan hore u soo sheegay Sheekhu wuxuu ka qayb galay Jihaadkii Afghanistan, sida uu Axaadiista u soo daliishanayo, xusuustiisa & inuu saxiix ama daciif wuxuu yahay sheego darteed ayay Mujaahidiintii kale ugu magac dareen: 'Al Albaanee Assagheer' (Albaanigii yaraa), muxaadaraadkiisa waxa ka buuxa: 'waxaa saxiix yeelay Albaani 'saxiix al jaamic al sagheer' iwm.

 

Boqolsoon wacdigiisa kama dhergeysid, waa fasiix, hadalka isku toosin og (si aan ka badbadis ahayn), wuxuu ahaa NIN waaqica umadda aad uga warqaba, muxaadarada kore wuxuu sii odorosay in Waddanka gaalo ku soo duuli doonto!.

 

Wuxuu aad ula dagaali jiray qabyaaladda, billowgii 90aadkii ayuu meel east Africa ka mid ah ka jeediyey Muxaadaro uu ku dhaleeceynayo wax uu ugu yeeray: 'D****ism & H***ism' iyo ineysan isaga waxba ka qaadi karin.

 

Wuxuu ahaa Nin Ikhlaas badan (sidaasaan u maleynaynaa), waxaadna ka garan kartaa in Alle Quluubta soomaalida jecaylkiisa geliyey.

 

Ila dhagaysta labadan qaybood oon youtube ka soo helay:

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this