Sign in to follow this  
SayidSomal

Response to sooyaal: From the grave

Recommended Posts

Ingiriisku wuxuu isku dayey inuu Sayid Maxamed si walba ula dagaalamo. Dhinaca diinta, dhinaca qabyaalada, dhinaca siyaasadda iyo dhinac kasta oo suuragal ah wuxuu Ingiriisku ku dadaalay inuu Sayidka ka weeraro.

Isagoo isticmaalaya daacaayad iyo niman Soomaali ah oo gabya ayuu
Ingiriis wuxuu Sayidka ku cambaareeyey inuu yahay hoggaamiye nacab ah, laayaan aan sokeeye iyo shisheeye u kala soocnayn iyo xaabqaad aan xataa maal agoomeed dhaafaynin.
Dacaayadda noocaa ah oo dhabcan been iyo huuhaa iska ahayd wuxuu Ingiriisku ku faafin jiray gabayo ay tiriyaan rag dhawr ah oo halgankii Daraawiishta giniga Ingiriiska ka doortay. Raggaa waxaa ka mid ahaa Cali-dhuux Aadan Goroyo, Cali Jaamac Haabiil iyo kuwo kale.

Sayidka naftiisu noocyada dagaalka, af iyo adinba, maahir ayuu ku ahaa, daacayadda Ingiriiskana mid lid ku ah oo ka lugo badan ayuu ka horgayn jiray.
Siduu Cabdiqaadir Xirsi Yamyamba u yidhi: haddii ay ku moosaan, kartaa laysku muujaa, Sayidku karti ayuu isku muujiyey wuxuuna ku guulaystay inaan cadowgiisu qeexin shaqsiyadiisa ee uu isagu Soomaali isbaro isagoo gabay, wadaniyad, diin aqoon, cabsi Alle, hoggaamin siyaasadeed iyo mid dagaal iyo gacan furnaan aan caadi ahayn isku darsaday.

Gabaygan hoose wuxuu ka mid yahay gabayada uu Saydiku isku keen baray, kagana hortagay dacaayadii Ingiriiska ee xaqdaradda ahayd. Wuxuu yidhi:

Nin Illaah yaqaan oo sharciga, ku isticmaala

Ashahaado loo qoray nimaan, kala allaaweynin

Oo aan inkirahayn xaq waa, la oggolaadaaye

Nin salaadda awqaadda faral, u addimoonaaya

Oo dagada oofinahayoo, ugubka dhiibaaya

Oo aan bakhaylnimo abkiis, lagu ishaareynin

Nimaan diinta aafo u geleyn, aakhiruu sabanka

Oo aan amxaarada sidii, obo u yaacaynin

Oo gaalka ooradu ku taal, u askaraynnaynin

Nimaan abuurka Soomaliyeed, ka anfi taageynin

Oo aan ajuurada kufriga, ugu adeegeynin

Oo aan ardiga beesadeed, u ashtakooneynin

Nin jahaad ohoominahayoo, ubaxa loo saaray

Ingiriiska eygaa ninkii, ugu uneexaaya

Oo libin ajri leh soo heloo, or iyo geeraar leh

Nimanyahow aqoonxumadu, waa ardaalnimo e

Asaraar ma fiicnee runbaan, lagu arooraaye

Ninkii aynigaa lagu yaqaan, saw islaan ma aha?

Shir aguugay waayeel abyamay, tala ashaaddowdey

Irda jiqa albaabo isku xidhan, eel la bixin waayay

Xaajadaas afraha duubatee, loo olmami waayay

Nin aqoon leh aw iyo haddii, odaygu loo saaro

In kastoo ayaan iyo ayaan, lagu aloollaado

Ninkii maalintaa ka aarinsha, aaqil aw ma aha?

Uu uuda qaylada haddii, uubatadu yeedho

Sengootida ilwaadda leh haddii, agabta loo qaato

Awaaraha buska leh maalintuu, xamar abraaraayo

Maantii warmaha oofta iyo, adhaxda lays gooyo

maantuu aboodigu ku lalo, ubaxa loo daadshay

Maantii isaaya la dhaco, idil dagaalkeeda

Maantii fuluu naga ordoo, alabasoo rooro

Maantii raggaan loo ileyn, naga ugaadhoobo

Mantaa ninkii aarsan sow, aarka dhacay ma aha?

Nimaan edebdarrooneya xil, waa laga ajoodaaye

Aflagaadda aan jirin nimaan, kuula imaneynin

Oo kaa asluubanahayoo, kaa istixyoonaaya

Ab uu yahayba aadniga ninkii, same ekeynaaya

Abtirsiinya kii xigay nimaan, iriq u dheeraynin

Addoomaha Ilaahy nimaan, kala irdhaynaynin

Ninkii aamusoo shib ah haddii, eray xun loo geysto

Aan kula ekeekamin intuu, urur ku soo joojo

Aan xaaja awawgeed la gubay, ubucda jeexaynin

Anfaaciga adduunyada nimaan, ku anfariiraynin

Oo xeedhyo soor lagu akhtimay, eber ka yeelaynin

Oo sida ardaal wax u cunee, alam ka siineynin

Intuu aqalka baanjiyonimaan, aradda guulguullin

Aagaanta ciirtaa nimaan, aaska dhiganaynin

Oo aan qumbaha awdanoo, ilaxidhkow jiidan

Aaqibadii loo galo nimaan, kala illaaweynin

Oo kuu ixsaan fali intuu, edeg adduun joogo

Oo aan abaaldhaca aqoon sow, ikhyaar maaha?

Adhi badan lo' iyo geel intii, mulug adduunyaada

Ugub dhalaya qaalmaha umulee, laga unnun gooyey

Eeraan fardood iyo gammaan, aradka duulaaya

Aqal weyn aroos bilic leh oo, ilaxidh loo yeelay

Inan quruxsan oo lagu ashbahay, uunsi iyo khayli

Oo qool asliya loo gashoo, jalamtu eedaami

Nasteexiyo wanaag iyo ninkii, ilindi kuu keenay

umuurtii aad leedahay ninkii, kuu abaynaaya

Adduunka iyo aakhiro ninkii, kuu aslaaxinaya

Ninkii maalintaad iillaan tahay, aana kugu qaataa

Oo aan abaarahakan dhacay, oodda kugu jiidin

Itaalxumana aan kaaga tegin, sow ikhwaan ma aha?

Share this post

Link to post
Share on other sites

Another Response from the grave:

Madi Carata maqasheeda koris minaw-san baa dhaanta

Mataan lidiqa laas miilo leh yaa mitimis dhaama

Marwo Camal xun maangaab ninkeed maqasha baa dhaanta

Xididkaan murwaad lagu ogeyn malihi baa dhaanta

muslinnimo nimaan kuula socon muuminnimo khaas ah

Gaal maxasta kuu dhawra ood magansataa dhaanta

Share this post

Link to post
Share on other sites

^^^ I posted that in here before. and the man you qoute is one of the men that were the lackeys listed above: if i am not mistakeen - it is inni Jaamac Haabiil. Epic failure - try again saxiib :D

The first five paragraphs and the question that follows them refutes the allegation that my grandad had anything to do with "Muslinimo nimaan ku dhaqayn iyo muumino khaas ah" and as you see - his last paragraphs strenghtens how he was to you and what he was to you. I requote them for you here in bold:

Nin Illaah yaqaan oo sharciga, ku isticmaala

Ashahaado loo qoray nimaan, kala allaaweynin

Oo aan inkirahayn xaq waa, la oggolaadaaye

Nin salaadda awqaadda faral, u addimoonaaya

Oo dagada oofinahayoo, ugubka dhiibaaya

Oo aan bakhaylnimo abkiis, lagu ishaareynin

Nimaan diinta aafo u geleyn, aakhiruu sabanka

Oo aan amxaarada sidii, obo u yaacaynin

Oo gaalka ooradu ku taal, u askaraynnaynin

Nimaan abuurka Soomaliyeed, ka anfi taageynin

Oo aan ajuurada kufriga, ugu adeegeynin

Oo aan ardiga beesadeed, u ashtakooneynin

Nin jahaad ohoominahayoo, ubaxa loo saaray

Ingiriiska eygaa ninkii, ugu uneexaaya

Oo libin ajri leh soo heloo, or iyo geeraar leh

****and here comes the fatal blow******

Nimanyahow aqoonxumadu, waa ardaalnimo e

Asaraar ma fiicnee runbaan, lagu arooraaye

Ninkii aynigaa lagu yaqaan, saw islaan ma aha?

Share this post

Link to post
Share on other sites

And to conclude - what do you call the man who:

Nasteexiyo wanaag iyo ninkii, ilindi kuu keenay

umuurtii aad leedahay ninkii, kuu abaynaaya

Adduunka iyo aakhiro ninkii, kuu aslaaxinaya

Ninkii maalintaad iillaan tahay, aana kugu qaataa

Oo aan abaarahakan dhacay, oodda kugu jiidin

Itaalxumana aan kaaga tegin, sow ikhwaan ma aha?

More importantly - does a man like that deserve your abaal marin mise ......aflagaado?

Share this post

Link to post
Share on other sites

1. Cabdiyow calaacal iyo way ciil ma bi'iyaane

2. Weligaa catow baad taqaan sida carruureede

3. Waad uun cabaaddaa siddii caamadoo kale e

4. Caqli haddii aad leedahay wax baa la citibaarshaaye

5. Cindigaa wax laga fiiriyaa caynka ay noqone

6. Cudhka laguma soo dhego waxaan kuu cuntamihayne

:D :D

Share this post

Link to post
Share on other sites
UZTAAD   

Sayid*Somal;874750 wrote:

:D
:D

;;

lool innama caadi maahan

Share this post

Link to post
Share on other sites
The Zack   

Sayid*Somal;874750 wrote:
1. Cabdiyow calaacal iyo way ciil ma bi'iyaane

2. Weligaa catow baad taqaan sida carruureede

3. Waad uun cabaaddaa siddii caamadoo kale e

4. Caqli haddii aad leedahay wax baa la citibaarshaaye

5. Cindigaa wax laga fiiriyaa caynka ay noqone

6. Cudhka laguma soo dhego waxaan kuu cuntamihayne

:D
:D

:D :D

Very timely response..:)

Share this post

Link to post
Share on other sites

Doodna waxaan u leeyahay dadkeer, hadalka deyn waayey

Nimanyahow damiinnimada waa, lagu dulloobaaye

Dadku wuxuu jeclaystaa waxaan, duxi ka raacayne

Nin ragay dardaaran u tahaye, doqon waa mooge

Denbi weeye Kufriga, aad u dabcaysaane

:D

Share this post

Link to post
Share on other sites

Adigu wax fahan dee - the question is:

Runba nimaan ku baydhayn ibleys, barale weeyaane

Buusuhu belaayiyo hadduu, been ka tegi waayo

Inaan dhegaha loo balalinayn, ba’a ee yow sheega?

At least admit it - Sayidka (AUN) can defend himself even when has been dead for close to hundren years - imagine if he was alive (ninkaas buugga maba ku fakerilahayn fulaynimo daraaded let alone publish it) :D

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this