Sign in to follow this  
Shinbir Majabe

Al Shabaab oo isaga baxay Kismaayo

Recommended Posts

Kismaayo oo gacan ku heynteeda muddooyinkii dambe ay isku haysteen Ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa Kenya iyo Al Shabaab oo Maamulayay Magaaladaasi, dadkuna ay muujinayeen cabsi ayaa xalay illaa saakay waxaa la arkayay Ciidamo ka tirsan Al Shabaab oo isaga baxayay Magaaladaasi.

 

Dadka deegaanka ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in saacadihii u dambeeyay la arkaay Gaadiid kuwa dagaalka ah oo ay leeyihiin Al Shabaab iyo Gaawaari kale oo sida la sheegay ay kireysteen Al Shabaab oo Magaaladaasi ka daabulayay Ciidamada Al Shabaab, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn halka ay beegsadeen Ciidamadaasi ayaa haddana wararku waxa ay sheegayaan inay abaareen Deegaan lagu magacaabo Ambareeso oo ka tirsan Jubbada hoose.

 

Wararka ayaa waxa ay leeyihiin in sidoo kale Magaalada Kismaayo xilligaani ay tahay mid haawanaysa, dadkanu ay ku dhur sugayaan cidda la wareegi doonta gacan ku haynta Kismaayo.

 

Ciidamo ka tirsan Al Shabaab ayaa la sheegay inay gabi ahaamba fasaxeen Maxaabiis ku xir xirneyd Xabsiyo ku yaalla gudaha Kismaayo, taasina xaalka Magaalada ay kasii dhigtay mid kacsan.

 

Dhinaca kale Wararka laga helayo deegaanka Birta dheer oo ka tirsan Jubbada hoose ayaa sheegaya in halkaasi ay ku dhacayaan Madaafiic ay is weedaarsanayaan Ciidamada Dowladda, Kenya iyo Ciidamo tiro yar oo ka tirsan Al Shabaab. Hase ahaatee ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Al Shabaab oo ku aaddan arrinkaani inkastoo dadka deegaanka ay xaqiijiyeen in Magaalada inta badan ay baneeyeen Xarakada Al Shabaab.

 

Shabelle Media Network

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shinbir Majabe;870117 wrote:
Xaaji, your Hadhwanaag news portal also reporting..
:D

 

Alshabaab wants the Kenyans to come closer than massacre them like they did 3 weeks ago.

KDF is a total joke they are a total embarrassment they have been in Somalia for more than a year and cant capture a single tuulo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;870120 wrote:
Alshabaab wants the Kenyans to come closer than massacre them like they did 3 weeks ago.

KDF is a total joke they are a total embarrassment they have been in Somalia for more than a year and cant capture a single tuulo.

Hala yaabin they never been in war before. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

oba hiloowlow;870113 wrote:
Shimbir u want the fufos to enter the city?

 

P.s i dont believe this is true

Funny you support the other "FUFU's" enter Jowhar and Balcad, yet you don't want the Kenyan "FUFU's" enter Kismayo. What gets?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Zack walaalkey ha kululaan, everybody knows my stance on the Ethiopians and kenyans marna taageeri maa, hadii aan ka hadalno xagga jubbooyinka brother i think u know about shidaal qodista xeebta uu dhow Lamu ay kenyanka bilaabi rabaan wax qarsoon maha in ay kenya buffert Zone uu abuurayaan sida ay uu bilaabi karaan qodista. Im waiting for the new president inuu arimahaan wax ka qabto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this