Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland President Siilaanyo Awards new graduates+Familiar faces

Recommended Posts

Dhacdo Xiiso Leh: Madaxwayne Siilaanyo Oo Shahaadooyin Guddoonsiiyay Siyaasiyiin Fiinto Dhex Miranaysay (Sawiro)

 

Hargeysa (Ramaas) Sept 15,2012 – Munaasibadii maanta loo dhigay dufcadii 9-aad ee ka qalin-jabisa Jaamacada Hargeysa oo ay tiradoodu ahayd 637, ayaa intii ay socotay waxa ka dhex muuqanayey dhacdooyin xiiso leh oo indhaha suxufiyiinta oo kaliya ay qabanayeen.

 

Waxa bedalnaa intii lagu guda-jiray Munaasibada qalin-jabinta shucuurta guud ahaan dadkii halkaasi joogay, kuwaas oo dareenkoodu ku maqnaa muuqaalka boqolaalka arday ee marka kaliya u qalin-jabiyey dadkooda iyo dalkooda, iyaddoo farxada qalin-jabintaa la xidhiidha ay saamayn ku yeelatay quluubta siyaasiyiin badan oo aan saaxada saaxiib dhow ku ahayn, qaarkoodna waa hore ku kala tageen golayaal siyaasadeed oo ay wada samaysteen.

 

Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax Iyo Muuse Biixi, waxay ahaayeen rug-cadaayadii xisbiga tallada dalka haya ee Kulmiye dhidibada u wada taagay, wallow ay ku soo kala horeeyeen aasaaskiisa, laakiin in ka badan lix sanadood ka hor ayay isku khilaafeen ka sii wada mid ahaanshiyaha xisbiga Kulmiye, taasoo sababtay in Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali iyo siyaasiyiin kale oo ay isku mabda’ ahaayeen ka huleelaan xisbigaasi.

 

Siyaasiyiintaasi oo laba ka mid ahi isku dhinac yihiin oo aan in muddo ah lagu arag fagaarayaasha iyaggoo si niyad-sami ku dheehan tahay isugu gacan qaadaya ama wada hadlaya ayaa Munaasibadii maanta si qurux badan oo is maamus badani ka muuqdo isagu gacan qaadayey sida ka muuqata Sawirka, iyadda oo Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax ka mid ahaa ardaydii maanta Madaxwaynaha Somaliland martida u ahaa qalin-jabintooda.

 

Sidoo kale, Cali Maxamed Waran-cadde oo ah Musharaxa Madaxwaynaha ee xisbigii Madaxwayne Siilaanyo tallada dalka ku wareejiyey, mar kalena ah siyaasi rug-cadaaya oo intii Somaliland jirtay xilal wasiirnimo oo badan soo qabtay, sidaas oo ay tahayna ka mid ahaa ardayda maanta qalin-jabisay ee Madaxwaynuhu shahaadooyinka guddoonsiiyay, haddana ah siyaasi u hanqal taagayey inuu xilka Madaxwayne Siilaanyo hayo kala wareego shanta sanadood ee socda, balse marka intaasi oo dhan laga yimaado xisbigiisii UDUB oo u eg inuu saaxada siyaasada ka hadhay, maalmihii ugu dambeeyayna warbaahinta marinayey weedho kulul oo lid ku ah xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo iyo hay’addaha doorashooyinka isla-markaana burburka xisbiga u sibir saaray Madaxtooyadda, ayaa isaguna maanta si layaab ku noqotay indheer garadka halkaa fadhiyey laabta laabta u saaray Madaxwayne Axmed Siilaanyo oo laga yaabo inay xalay uur ku taalo siyaasadeed ku kala seexdeen marka la eego loolanka doorashadu halka uu marayo wakhtigan, sidoo kalena gacan qaaday Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, oo aanay warbaahinta saaxiib ku ahayn.

Muuqaalka Cali Waran-cadde oo Madaxwaynaha Laabta laabta u saaray

 

Si kastaba haloo fasisho isku dhoola cadaynta iyo salaanta siyaasiyiintaase, waxa xusid mudan in qof kasta oo madashii qalin-jabinta joogay aanu ahayn sidii uu gurigiisa kaga soo baxay, balse jawigiisu is bedalay markii uu si mugle indhaha uga buuxsaday boqolaal dhalinyaro iyo waayeel ah oo ku labisan direyska caanka ku ah sagootinta jaamiciyiin dedaalay, iyadda oo aan la ilaawi Karin in siyaasiyiintaa dareenkoodu bedalnaa ka mid ahaayeen ardayda qalin-jabinaysay, taasina wax badan ka bedashay aragtiyahoodii siyaasadeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
STOIC   

I personally had lunch with the new UOH president Dr. Abdi H. Gass. He is from the states.He seemed very enthusiastic person and filled with a lot of dreams for Somaliland.Good luck to him and to the new graduates.

Share this post


Link to post
Share on other sites

STOIC;869756 wrote:
I personally had lunch with the new UOH president Dr. Abdi H. Gass. He is from the states.He seemed very enthusiastic person and filled with a lot of dreams for Somaliland.Good luck to him and to the new graduates.

Small world :)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Had Hilib Geel with him right before he was elected as the new president for the University ...... We had some formal meetings after then. We should meet again in the coming few days IA

 

 

CONGRATS TO THE NEW GRADUATES

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this