Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Ethiopia:Jigjiga Fighting erupts in Cilmi xirsi Village Heavy Casualties Locals VS Ethio Liyo police

Recommended Posts

Jig-jiga iyo Xarshin oo Xabaal Wareedyo looga Qoday 34 Askari oo Liyuu Booliska Kilalka shanaad Kaga dhintay Dagaalkii Cilmi Xirsi iyo 9 Qof Rayid ah

Qaar ka mida Dhaawacyadii shacabka oo Hargeysa la soo gaadhsiiyay iyo Dagaalkii oo Qaboobay.

Xarshin(Waaheen)-Magaalada jig-jiga ee Caasimadda ismaamulka Somalida Itoobiya ayaa shalay lagu Aasay 34 Askari oo ka tirsanaa Ciidanka Liyuu Booliska Kilalka shanaad ee Itoobiya oo ku dhintay Dagaal dhex maray Ciidamadooda iyo Dad shacab oo ay doraad ku soo weerareen tuuladda Cilmi Xirsi oo ka tirsan Degmada Xarshin.

Magaalada Xarshin ayaa sidoo kale shalay , lagu Aasay 9 qof oo ka mid ah Dadkii Rayidka ahaa ee Dagaalkaasi lagu laayay , Doraad Maalinimadii ilaa Habeen hore , kuwaasoo isugu jiray 8 Nin iyo Qof oo Dumar ah oo la sheegay inay Hooyo ahayd.

Dagaalkan oo Maalin saddexaad ka bilaamay Tuulada Cilmi Xirsi, hase yeeshee gelinkii dambe ee isla maalintasi ku fiday deegaamo badan oo hoos yimada Degmada Xarshin, ayaa dhinaca kale lagu soo waramayaa inuu joogsaday, ka dib markii shalay gelinkii hore uu Degmada Xarshin uu soo gaadhay sarkaal ka socda dawlada dhexe ee Itoobiya oo fadhigiisu yahay Magaalada jig-jiga iyo Ciidamo uu wataa , kaasoo dejiyay xiisadii halkaasi ka aloosnayd, isla markaana Shacbigu tuseen dhibaatada ay u geysteen Ciidanka Liyuu Boolisku.

Dadka Rayidka ah ee Dagaalkaasi ku dhaawacmay oo iyagana isu-geyntooda lagu sheegay 7 Ruux, ayaa saddex ka mid ah la soo gaadhsiiyay Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa, halkaasoo lagula tacaalayo Xaaladooda caafimaad.

Ma jiro War rasmiya oo ay dawlada Itoobiya ka soo saartay iska hor-imaadkan Khasaaraha badan geystay ee ka dhashay weerarka Liyuu-booliska Kilalka shanaad ku soo qaadeen Bulshada rayidka ah ee ku dhaqan Nawaaxiga degmada Xarshin, hase yeeshee talaabadan ayaa dadka deegaanku ku tilmaameen baro-kicin ay dawlada Kilalka shanaad ku samaynayso shacbiga jidaasi degen, kuwaasoo tiroba dhawr jeer oo kala dambeeyay hawl-gal caynkan oo kale ah ay ku soo qaadeen Ciidamada Itoobiya.

Madaxweynaha hada haya talada Dawlad deegaanka ismaamulka Somalida Itoobiya Cabdi Iilay ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay Madaxweyne wax badan ka qabtay Nabad-gelyada Gobolkiisa, isla markaana meesha ka saaray Jabhadii ONLF ee dhulkaasi ka dagaalamaysay sanadaha badan, hadana labadii sanadood ee uu hogaanka hayay ilaa dhawr jeer ayaa Ciidamadiisu Khasaare laxaad leh u geysteen dad Rayid ah oo aan waxba galabsan, kuwaasoo weeraro iyo dilal aan sababayn lahayn loo geystay.

Bishii March ee sanadkan ayay ahayd markii Dagaal ba’ani Deegaanka Gaashaamo ku dhex maray Ciidamada sida milateriga u tababaran ee Liyuu Booliska Kilalka shanaad iyo Dad Deegaankaasi degen oo si kedis ah isugu dhacay , kaasoo ka bilaabay Askari Ciidan ah oo si badheedha ah ugu Toogtay Tuuladda Cadaada Nin shicib ah, iyadoo markii Ninkaasi Ciidamadu dileen dadkii shacabka ahaana ku kaceen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hadba Dawdar falanbaa u kaca nimanka A&T ee

Dadka oo nabad isaga jooga ayay dacar ku oogaane!

dadka kama xishootaan marka dili karaysaane

Dekenaha reer tolkay waa baryayba waa dawarisaaye

Ma dabkii Amxaarku qubtaa daafad kugu biirshay! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Milatariga Itoobiya Oo La Wareegay Amaanka Deegaanadii Shacabka Lagu Xasuuqay Iyo Liyuu Booliiska Oo Lagu Amray In Aanay Cagaha Soo Dhigin

“Maydka Qof Rayid ah oo shalay laga helay duleedka tuulada Cilmi Xirsi ee lagu dagaalamay”

Xarshin (Waaheen) – Dawlada Fedaraalka Itoobiya ayaa ciidamo Milatari ah oo dheeraad ah keentay degmada Xarshin ee kililka shanaad ee Somalida Itoobiya, ka dib markii labadii maalmood ee u dambeeyay ay jiidaha Koonfureed Xarshin ay ka dhaceen dagaalo ay horseedeen Maleeshiyaadka Liyuu booliska oo dad shacab ah ku laayay tuulada Cilmi Xirsi oo ka mid ah tuulooyinka hoos tagga Degmada Xarshin

Dawlada Fedaraalka oo dedaal ugu jirta inay xal u raadiso dhibaatadii ka dhalatay dagaalkii Liyuu boolisku ku qaadeen shacabka deegaanadaasi, ayaa la sheegay inay Magaaladda Xarhsin keentay ciidamo iyo gaadiid dagaal oo faro badan, kuwaasi oo la wareegay guud ahaan gacan ku haynta amaanka degmooyinka hoos yimaada Xarshin, iyadda oo maleeshiyaadkii dhibaatada gaystay ee Liyuu booliskana lagu amray in aanay ka soo ag-wareegin deegaanadii ay dhibaatada ka gaysteen.

Wararkii ugu dambeeyay ee Wargeyska Waaheen degmada Xarshin ka helay ayaa sheegay in Sarkaalka wata ciidamada Federaalka ee Xarshin la keenay doraad ka dib markii tuulada Cilmi Xirsi uu dagaal ku dhex maray dadka deegaanka iyo Liyuu booliska, ay shalay isku dhaceen Madaxa amniga Kililka Somalida Itoobiya (Ina Goole) oo doonayey inuu gaadiid iyo ciidamo faro badan oo Liyuu boolis ah keeno deegaanadii ay hore dadka ugu xasuuqeen, balse waxa la xaqiijiyey in Sarkaalka Fedaraalka ka socday uu u sheegay in dawlada Fedaraalku la wareegtay amaanka dhulkaasi, sidaa daraadeedna aanu iman karin, iyadda oo la tilmaamay in Sarkaalkani u sheegay in ciidamadiisu la dagaalami doonaan ciidanka uu Jigjiga ka soo abaabulay haddii ay degmada Xarshin iyo deegaanada hoos yimaada cagaha soo dhigaan.

Sarkaalkan oo aanay noo suurto-galin inaanu hello magaciisa, ayaa amarka uu siiyay madaxa amaanka dawlad deegaanka Somalida Itoobiya ku khasbay inuu ciidamadii iyo gaadiidkii uu ku soo hogaaminayey Cilmi Xirsi uu dib ugu celiyo Jigjiga, ka dib markii Sarkaalkani uu ku wargaliyey in dawlada dhexe ee Itoobiya amaanka jiidahaasi la wareegtay.

Wararka kale ee aanu ka helnay Xarshin ayaa sheegay in Taliyahan wata ciidamada milatariga Itoobiya uu hordhac u yahay Madax kale oo ka socota dawlada dhexe ee Itoobiya, kuwaasi oo ku soo fool leh halkaasi, si ay ula shiraan odayaasha iyo waxgaradka deegaanka dhibaatadu ka dhacday, kuwaasi oo laftoodu ku soo qulqulaya degmada Xarshin, iyagga oo isaga kala imanaya deegaanada Cilmi Xirsi, Harta-sheekha iyo meelo kale oo badan.

Shirkan oo dawlada dhexe ee Itoobiya xal ugu raadinayso dhibaatada Liyuu boolisku ku hayaan shacabka deegaanadaasi, ayaa la filayaa inay sidoo kale ka qayb-galaan Madax ka socota kililka shanaad.

Dhanka kale, deegaan ku dhow tuulada Cilmi Xirsi oo Maleeshiyaadka Liyuu booliska dad badan ku xasuuqeen isla-markaana dagaal ku dhex maray dadka deegaanka, ayaa shalay laga helay Maydka qof rayid ah, kaasi oo la filayo inuu ka mid ahaa dadkii rayidka ahaa ee Maleeshiyaadka Liyuu Boolisku sida u kaska ah u laayeen.

 

Sidoo kale Wararkii u danbeeyay ee aanu ka helno dedaalada loogu jiro sidii mashaqadii ka dhacday deegaankaas loo soo af-jari lahaa ayaa sheegaya in Odayaal ka tirsan deegaanka Xarshimeed ay tageen magaaladda Jigjiga oo ay kulan kula yeesheen Masuuliyiinta Dawladda Federalka iyo Madaxda Ismaamulka Somalida Itoobiya, hase yeeshee kulankaas oo xalay laga soo dareeray wax go’aan ah oo ka soo baxay noomay suurtogelin inaanu idiin soo gudbino.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Suldaanka;868434 wrote:
Hadba Dawdar falanbaa u kaca nimanka A&T ee

Dadka oo nabad isaga jooga ayay dacar ku oogaane!

dadka kama xishootaan marka dili karaysaane

Dekenaha reer tolkay waa baryayba waa dawarisaaye

Ma dabkii Amxaarku qubtaa daafad kugu biirshay!
:D

It shows your clanish mindset which also inform your political views that you accuse A&T's clan of this attack when you know Iley has killed 500 times more long-foots than your kins. On September 06, last week, the village of Qorile in Wardheer saw the face of the Iley evil. 12 civilliahns, including 4 women were summarly executed. And whilst the Harshin community at least feels less upset because they also fought back and managed to kill the Liyu police, the O victims are broken and fathers have long resigned to the fate of seeing their teenage girls forcibly removed from schools and sexually assaulted. Instead of sympathising with this devastated community as fellow muslims under tyranny, you go and accuse them of Iley's kins and then incite hate against these Gypsies of the horn. It is sad people who have gone to school and crossed broders still think like that!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maybe an Amhaara should take over Ethiopia and dissolve this ethnic federalism maybe that will solve the situation for a while instead of Clanish Liyo police versus armed villagers.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Apophis;868968 wrote:
^^ Not going to happen, besides there might be a new administration in the area if the negotiations go well and this kinds of things will be history.

Maybe a new TPLF leader will take over Ethiopia and be more nationalistic than the former leader of Ethiopia and will promote Ethiopianism instead of Ethnic federalism. Do not make the mistake there members of the TPLF who are nationalistic Ethiopians.

Share this post


Link to post
Share on other sites

By the way i don't think the ONLF will accept Ileey's position unless they are given full autonomy a special status with in Ethiopia and more rights in the federal govt. Also the Ethiopians will try to convince them to drop their secession aspirations lets see if they do that.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The TPLF has done its home work the governmental positions or the party isn't filled with Ethnic Tigrayans they have all sort of Ethiopians in the govt the acting prime minister now is from the south the EPRDF party knows how to disguise its self under the Ethiopian Umbrella they are not afraid of friction with in the party or a power vacuum in the country.

 

These are the first negotiations its funny though according to iley the Jigjiga governor there is no such thing as ONLF any more and they are called UBO and he told us there was already a peace deal between Ethiopia and ONLF led by Mr Macow. ONLF either accepts Ethiopia's peace deal or they don't its very simple but lets see how the peace talks go this is just the beginning.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Xaaji Xunjuf;868901 wrote:
Federal Troops of Ethiopia are now in the region.

So you think the "federal troops" will help you? You understand that the Liyu Police work right under the "federal" governments and if the if the federal government wanted to save your rear end, it would've easily told the Liyu folks to pull out or something?

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Zack;869121 wrote:
So you think the "federal troops" will help you? You understand that the Liyu Police work right under the "federal" governments and if the if the federal government wanted to save your rear end, it would've easily told the Liyu folks to pull out or something?

The locals already defended themselves from the Liyo police the federal army are just there so that the situation doesn't further escalate

The last thing they want is another war between the Liyo police and the armed villagers.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this