Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Latest Mogadishu Pictures

Recommended Posts

Daqane   

Dekeda Muqdisho ayaa waxaa lagu soo kordhiyay qalab cusub oo casri ah, kaasoo fududeynaya sidii maraakiibta waa weyn ee dekeda ku soo xeranaya in alaabaha waa weyn looga dejiyo, gaar ahaan Konteenarada.

 

Xilligan oo lagu jiro bad-xiranka ayaa waxaa qalabkan cusub ee la soo bandhigay uu noqonaya mid qeyb weyn ka qaadanaya adeega guud ee Dekeda magaalada Muqdisho.

 

Adeega cusub ee lagu soo kordhiyey dekada muqdisho ayaa ah in badeecada keenitaankeedi loo isticmaalo kunteenaro ay wadaan maraakiibta waa weyn.

 

Shirkada Taksim oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa adeegan cusub ka hirgelisay, iyadoo balan qaaday inay sii balaarin doono howlaha lagu hormarinayo Dekeda Muqdisho.

 

Maareeyaha Dekeda Muqdisho ayaa sheegay in adeegan cusub uu ka qeyb qaadanayo fududeynta maraakiibta ku soo xiranaya dekeda sidii alaabaha saaran looga dejin lahaa.

 

Wiishash waa weyn oo maraakiibta alaabaha ka soo dejiya iyo kuwa Konteenarada xambaara ayaa ka muuqda gudaha dekeda.

 

Dekeda magaalada muqdisho ayaa waxaa ka muuqanaya gaadiidka badda oo noocyo kala duwan leh oo ku howlan daabulidda waxyaabaha kala gadisan ee laga soo dajinayo dekada, waxaana xiligan dekada fadhiya maraakiib waaweyn kuwaasi oo inta badan la adeegsado xiliyada badxiranka ah.

 

qalab_dekeda_1.jpg

qalab_dekeda_2.jpg

qalab_dekeda_3.jpg

qalab_dekeda_4.jpg

qalab_dekeda_5.jpg

qalab_dekeda_7.jpg

qalab_dekeda_8.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this