Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Latest Mogadishu Pictures

Recommended Posts

Ururka SOMA (Somali Overseas Medical Association) oo ay ku bahoobeen Dhallinyaro Soomaaliyeed oo Cilmiga Caafimaadka ku bartay dalka Shiinaha ayaa ka warbixiyay waxqabadkooda iyo waxyaabaha qorshaha ugu jira inay mustaqbalka dhow ka fuliyaan dalkooda hooyo.

 

Guddoomiyaha ururka SOMA Dr. Maxamed Ciise Raage ayaa ugu horeyn warbaahintan uga warbixiyay safarka uu ku yimid magaalada Muqdisho, wuxuuna xusay in ujeedooyinka ugu weyn ay tahay sidii ay dalka uga sameyn lahaayeen qiimeyn la xiriirta baahida Caafimaad ee dalka iyo adeegga caafimaad ee aan dalka iminka laga helin.

 

“ Ururkan SOMA (Somali Overseas Medical Association) waxaa lagu asaasay dalka Shiinaha, waana Urur Caafimaad ee u istaagay inay wax u qabtaan bulshadooda kana samata-bixiyaan dhibaatada xagga caafimaadka ee ka jira iminka dalka. Waxaan Iskaashi la leenahay Dhaqaatiir Shiinaha u dhashay qorshaha ayay inoogu jirtaa inaan halkan keeno iyagoo muddo bil ah fulinaya adeeg caafimaad oo lacag la`aaan – Sidoo kale waxaan doonaynaa inaan dalka ka hirgelino Isbitaal weyn oo qaliin loogu sameynayo dadka uu dabka sida xun u waxyeeleeyay ama maqaarka dhib kaga dhacay iyo dhanka qurxinta (Burn and Plastic Surgery), howlaha aan iminka wadno waxaa ugu weyn sidii aan ku keeni lahayn qalab iyo adeeg caafimaad oo caalamka la saan-qaadaya.” Ayuu yiri Madaxa SOMA Dr. Maxamed Ciise.

 

“ Qiimeyn hordhac oo aan sameynay waxaa ku ogaaneynay baahidda Caafimaad ee dalka ka jirta, Cudurada dalka ku badan, Baahida isbitaalada xagga qalabka caafimaad si aan arimahaas uga jawaabno dadkana uga caawino, Iminka waxaan soo kormeernay Isbitaalo waa weyn oo ku yaalo Gobolka Banaadir, xeryaha dadka soo barakacay – waxaan soo aragnay baahi aad u balaaran oo xagga qalab iyo daryeel caafimaad oo ay dadkeena u baahan yahiin in laga caawiyo sida ugu dhaqsiyaha badan” Ayuu ku daray.

 

Ugu dambeyn Madaxa SOMA Dr. Maxamed Ciise Raage ayaa tibaaxay inay kulamo la yeelanayaan madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir, wuxuuna balan qaaday inay dalka ku soo kordhinayaan waxqabad iyo adeeg caafimaad oo dadka Soomaaliyeed ay baahi weyn u qabaan, wuxuuna u mahadceliyay inta gacanta ka gaysatay howlaha ay xaaladda dalka ku qiimeynayaan. Isagoo si gaar ahna u tilmaamay Hay`adda Gift of the Givers oo uu sheegay inay inta badan u sahashay howlihii ay ka fulinayeen Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this