Sign in to follow this  
General Duke

Todays Speeches:

Recommended Posts

Waxaa socda khudbadaha Musharaxiinta Madaxweynaha ee maanta oo Jimce ah Guddiga Doorashada ee Baarlamaanka u xuleen inay soo bandhigaan khudbadaha ama Barnaamijkooda Siyaasadeed.

 

Maalinimada beri ah ayey Qeybta 2aad ee Musharaxiinta soo bandhigi doonaan Barnaamijyadooda siyaasadeed kuwaasi oo gaaraya 15 Musharax.

 

Musharaxiinta maanta khudbadaha jeedin doona ayaa gaaraya 10, waxaana mid walba loo qoondeeyey inuu hadlo muddo 20 daqiiqo ah, ayadoo hada socdaan khudbadaha waxayna ay isugu xigaan sidatan:

1- Axmed Ismaaciil Samatar

2- Xuseen Khaliif Jaamac

3- Maxamed Axmed Saalax

4- Cabdullaahi Axmed Caddow

5- Maxamed Cabdullaahi Ow-maar

6- Sheekh Shariif Sheekh Axmed

7- Cabdiwali Maxamed Cali Gaas

8-Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo

9- Salaad Cali Jeelle

10- Cumar Salaad Cilmi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

1.- Axmed Ismaaciil Samatar oo khudbadiisa ku sheegay inuu xooga kusaari doono inuu dhiso dowlad tayeysan oo ka shaqeysa dib u dhiska dalka Soomaaliya.

 

Mushaharka uu qaadan doono uu ugu deeqi doono dadka Waxbarashada doonaya, asagoo sameyn doona danduukh lacagtaas loogu keediyo.

 

Wuxuu sheegay inuu sameyn doono Hay’ad gaar ah oo Diimeed oo culuma’udiinka Soomaaliyeed, wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyey hay’ad cilmi baaris inuu sameyn doono.

Share this post


Link to post
Share on other sites

2- Xuseen Khaliif Jaamac oo sheegay inuu asagu Barnaamijkiisa siyaasadeed ay taaban doonto meelo badan oo ah amniga, caafimaadka, dhaqaalaha iyo waxbarashada.

 

Wuxuu Musharaxa sheegay in maalgelin iyo kobcinta dhaqaalaha dalka Soomaaliya oo uu xoog weyn saari doono.

Share this post


Link to post
Share on other sites

3- Maxamed Axmed Saalax ayaa asugana hadlay asagoo noqday Musharaxii ugu horeeyey oo maddasha ka sheega cida uu u magacaabi doono Raysalwasaaraha hadii xilka loo doorto asagoona sheegay inuu Raysalwasaaraha u magacaabi doono Xildhibaan Cabdi Abshir Rooble oo uu sheegay inay ka wada shaqeyn doonaan mideynta dalka Soomaaliya iyo in mustaqbal cusub loo bilaabo dalka kaasi oo sheegay in muddo kooban lagu arki doono hadii asaga iyo saxiibkiisa la doorto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

4- Cabdullahi Axmed Caddow ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono dowlada uu hogaanka u hayo hadii la doorto in dowladaasi ay noqon doonto mid dhowrta dastuurka dalka isla markaana ka fogaata is qabqabsiga Mas’uuliyiinta dowlada ayadoo awooda uu siin doono Baarlamaanka oo ah hay’ada ugu sareysa dalka.

 

Cadow ayaa sheegay inuu xooga saari doono sidii dib loogu celin lahaa Karaamadii dalka Soomaaliya, asagoona sheegay inay dersi wanaag ay kula dhaqmi doonaan dalalka Jaarka la ah Soomaaliya, balse uu ayagana ka codsan doono inaysan faraha lasoo gelin arrimaha wadanka Soomaaliya u gaarka ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

5- Maxamed Cabdullaahi Ow-maar oo ka hadlaya barnaamijkiisa siyaasiyeed, ayaa xusay oo hadalkiisa ku bilaabay in la xasuusto Wasiiradii iyo Xildhibaanadii Soomaaliyeed ee lagu dilay Muqdisho sanadihii lasoo dhaafay, iyo naftii loo hurey nabada iyo dib u dhiska Dowlad Soomaaliyeed. Wuxuuna ka codsaday xildhibaanada inay faataxo u maraan dadkaasi u dhintay Qaranimada Soomaaliyeed.

 

Maxamed ayaa sheegay inuu hiigsanayo Kartidii, Awoodii iyo Sumcadii hore ee Dowladii Soomaaliya lahaan jirtay, asagoona sheegay inuu doonayo inuu geeyo Soomaaliya horumar u dhigma ama ka sareeya kuwa Wadamada Afrika ugu horumarsan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shariif Axmed ayaa ku bilaabay in uu ku faraxsan yahay inuu Baarlamaanka horyimaado oo kalsoonidooda weydiisto, asagoo sheegay 42 sano kadib Madaxweyne lagu doorto Muqdisho ay tahay tilaabo taariikhi ah. Shariif Axmed ayaa hadalkiisa ku bilaabay in dowladiisa ay ku guuleystay waxyaabo badan ayagoo ka gudbay culeysyo badan asagoo tusaale usoo qaatay Amaanka magaalada Muqdisho.

 

Shariif Axmed ayaa sheegay in Sadexdii xukuumadood ee wakhtigiisa lasoo dhisay ay wax badan soo qabteen, asagoo tusaale usoo qaatay dhismaha ciidamada, hay’adaha maamulka, garsoorka iyo Roadmapka oo uu sheegay in looga gudbay kumeel gaarnimadii Soomaaliya ku jirtay. Shariif ayaa sheegay inuu xooga saari doono hadii fursad cusub lasiiyo inuu dhiso: Ciidamadii Qalabka sida muddo 2 sano gudahood ah, Garsoorka iyo Maxkamadaha, Dib usoo celinta Adeega bulshada, Waxsoosaarka iyo Is dhexgalka Bulshada, Xoojinta Xiriirka Arrimaha Dibada, Dib usoo celinta Dhaqaalaha dalka, Maamul Wanaaga, Dhameystirka Wadahadalka Somaliland iyo Dowlada Somaliya.

 

Balanqaadka Musharaxa Sharif ayaa ah: Xiriir wanaagsan ee dhexmara Xukuumada iyo Baarlamankaa, Maamulka gaaro gobalada dalka oo dhana, Inuu ka fogaan doono is kooxeysiga iyo Qabiilka, Sare loo qaado aqoonta dhalinta soo koreysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

7- Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa khudbadiisa bilaabay, in ay tahay maalin taariikhi ah oo Baarlamaanka Soomaaliyeed ee xorta ah u fadhiyo doorasho Madaxweyne muddo 22 sano kadib ah, ayadoona maanta musharaxiintan badan u taagan yihiin doorasho, asagoo sheegay in guushaasi ay horseeday Xukuumadii Bad Baado Qaran.

 

Musharax Cabdiweli ayaa sheegay in balanqaadkiisii ahaa inuu meel marin doono 5tii qodob ee qorshihiisa in lagu guuleysto, shantaasi qodob oo kala ah:

 

1- Xoojinta Amniga,

2-Dastuurka cusub,

3-Dib u heshiisinta,

4-Dowlada wanaaga iyo

5-Isku xirka dalka Soomaaliya.

 

Asagoona sheegay in dhamaan qodobadaasi lagu guuleystay asagoo qodobada hal hal u fasiray guulihii xukuumadiisa ay ka gaartay. Wuxuu Cabdiweli ka hadlay xiriirka caalamiga ay xoojiyeen iyo heshiisyadii ay la galeen Dowladaha Caalamka, asagoo tusaale usoo qaatay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga, Somaliya iyo Midowga Yurub.

 

Musharax Cabdiweli oo ka hadlaya sababta uu isu soo sharaxay ayaa sheegay in kadib markii uu arkay howshii uu soo qabtay xiligii 1ka sano ahaa ee uu Raysalwasaaraha ahaa, asagoona ogsoon howsha weyn ee Dowlada Soomaaliya sugeysa, sidaa daraadeedna ay xukuumadiisa iyo asagaba ay dajiyeen qorshihii dalka looga saari lahaa burburka iyo amni xumada. Cabdiweli Gaas ayaa balan qaaday in uu dhowri doono Dastuurka, xoojin doono tayada Xukuumada, inuu awooda Baarlamaanka xaqiijin doono, inuu codka danyarta Soomaaliyeed uu xoojin doono, in dhaqaalaha iyo Caadimaad iyo Waxbarashada ay kamid yihiin waxa uu wax ka qaban doono.

 

Shaqo abuurista iyo ka hortaga shaqo la;aanta ay laf dhabar u noqon doonto dhaqaalaha dalka, wuxuuna balan qaaday inuu Maamul wanaag iyo la dagaalanka Musuq maasuqa uu xooga saari doono.

 

Cabdiweli ayaa sheegay inuu sidoo kale xoojin doono xiriirka Dowladaha gobalada Soomaaliya iyo Dowlada Dhexe ee Federaalka ah, asagoo sidoo kale sheegay inuu hadii la doorto uu xooga saari doono in la sameeyo tirakoob, Aftida Shacabka iyo Doorasho xor ah, asagoona sheegay in awood qeybsiga Soomaaliya uu salka u noqon doono Cadaalad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

8- Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa hada khudbada la wareegay, ayadoo uu madasha hada isaga baxay Madaxweynihii xilka ka dhamaaday Shiikh Shariif oo codsaday in la fasaxo, Musharax Farmaajo ayaa ka codsaday Baarlamaanka in si haboon loo dhageysto. Farmaajo ayaa u mahadnaqay Guddoonka cusub ee Baarlamaanka iyo Golaha.

 

Musharax Farmaajo ayaa codsaday in la xasuusto dhamaan dadkii lagu dilay dalka Soomaaliya xiligii la waday dib usoo celinta dowlada.

 

Musharax Farmaajo ayaa sheegay in markii labaad ay u tahay oo uu soo hor istaagayo inuu kalsoonidooda weydiisto asagoo sidoo kale sheegay in Xukuumadiisii ay ku guuleystay dhamaan qodobadii ay horey u balan qaadeen oo ay kamid ahaayeen, Maamul Wanaaga iyo Amniga oo la xoojiyo.

 

Musharax Farmaajo oo ka hadlay waxqabadkii dowladiisa ayaa sheegay inay wax badan ka qabteen xoojinta iyo bixinta Mushaharaadka ciidamada Dowlada Soomaaliya, taasi oo dhiiri gelisay inay waajibaadkooda gutaan ayuu yiri Musharax Farmaajo oo intaasi ku daray in tilaabadaasi ay bilow u ahayd xoreynta magaalada Muqdisho.

 

Farmaajo ayaa sheegay in xukuumadiisa ay si joogto ah u bixin jirtay mushaharaadka ciidamada iyo Xildhibaanada, asagoo sheegay in maamul wanaaga dowladiisa ay keentay in markii uu xilka ka tageyey uu khasnada Dowlada uga tegy in ka badan 7 Milyan oo dollar. Wuxuun sidoo kale inuu si weyn u tashiilay kharashaadka dowlada sida diyaaradaha la qaato iyo hotelada, asagoo intaa raaciyey in safaro kooban uu dalka dibadiisa ku tagay. Dhaqaalihii soo galay ayuu sheegay Farmaajo in lagu bixiyey daryeelka ciidamada, caruurtooda, dhalinyarada Al Shabaab kasoo gashay iwm.

 

Waxqabadka uu Farmaajo ka hadlay ayaa waxaa kamid ah dhaqaalaha Booliiska Muqdisho lasiiyey, bilicda magaalada Muqdisho, xiriirka dowlada iyo shacabka, dib u hirgelinta TV-ga Qaranka, asagoona sheegay in Dib u heshiisiintana ay xooga saareen oo ay wafuud badan u dirtay xukuumadiisa gobalada dalka Soomaaliya.

 

Farmaajo oo balan qaaday inuu raaco: Shuruucda Alle iyo tan Qaranka, inuu la shaqeeya Garsoorka, Baarlamaanka iyo Culumaa u diinka, inuu bixin doono Mushaharaadka Xildhibaanada,

Share this post


Link to post
Share on other sites

It is interesting Caddow has pledged to safeguard the new constitution considering the perception that he is indeed not happy with the federalism framework the new constitution espouses.

 

Sharif Ahmed has the credibility to say what he said. His is a more mature speech with tangible points and programs. The power of incumbency and the benefit of having the experience to govern.

 

I expect Abdiweli and Farmaajo to put some meat on the accomplishments Sharif spoke to.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this