Sign in to follow this  
Macallinka

Somalia Online Election Coverage: Speaker of Parliament

Recommended Posts

UZTAAD   

Burn Notice;861729 wrote:
we need our political correspondent

 

this is more important than the US election
;)

yes it is more important than us election for us . we don't care use elections

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa haatan isu soo haray laba murashax oo kala ah Mudane jawaari iyo Cali khaliif Gallayr, kadib markii ay is casileen xubnihii kale ee taretanka ka qayb galayay.

 

waxaana ka mid ahaa dadka is casilay

 

Xassan Abshir Faarax oo helay 5 Cod iyo C/rashiid Xidig oo helay 10 cod iyo Cabdi Xaashi Cbdullaahi oo isaguna helay 23 Cod waxaana dhammaan murashaxiintaas marka laga reebo xasan Abshir ay sheegeen in cidkooda ay ku biirinayaan labada dhinac halkii badan.

 

Pro jawaari ayaa hadda codoka la tiriyay helay 119 Cod halka uu cali kahliif Gallayrna helay 77 Cod waxaana sida uu qabo dastuurka Somalia lagu celiyay wareeg labaad oo ah mid lagu kala bixi doono.

 

Cali khaliif Gallayr oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in ilaa iyo imminka uusan ka tana sulayn asagoo caddeeyay in uu muuqdo musuq maasuq ay sameeyeen baarlanaku gaar ahaanna guddiga doorashada.

 

Wuxuu ku eedeeyay in baarlamanka uu codeeyay ay dhanyihiin 236 xildhibaan labo codna ay xumaadeen sidaana ay ku noqonayso 234 balse waxaa uu sheegay Mr Gallayr in ay maqanyihiin 8 cod oo aan la ogeyn halka ay ku maqanyihiin sidaa darteedna waxaa uu kula taliyay baarlamanka in ay ku shaqeeyaan sida uu xaqa ku jiro.

 

Wixii Warar ku soo kordhaa la soco

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cali Khaliif Galeyrd ayaa ku dhawaqay in uu iscasilay, waxaana uu sheegay in xilkaas uu ugu tanaasulay jagada Gudoomiyaha.

Xili lawada sugayay in la guda galo doorashada wareega labaad ee Gudoomiyaha barlamaanka ayaa goordhow waxaa Micrafooka qaatay Cali Khaliif Galeyr oo kalinta labaad galay wareegii koobaad ee doorashada.

Waxaa uu sheegay in kadib markii ay codsiyo badan kaga yimaadeen Xildhibaanada Cusub uu qaatay ducadooda kadibna uu tanaasulay.

Waxaa uu jagadaas ugu hanbalyeeyay Gudoomiyaha Cusub ee barlamaanka Soomaaliya.

Gudoomiyaha barlamaanka Cusub Pro Jawaari ayaa hada hadlaya Filo Warbixino kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this