Sign in to follow this  
General Duke

EU Foreign affairs chief Catherine Ashton meets Somalia old leaders temporary speaker..PICS

Recommended Posts

IMG_3829-450x342.jpg

 

Madaxweynihii hore ee dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed , guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Generaal Muuse Xasan, R/wasaarihii hore Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Af-hayeenkii hore ee baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa la kulmay wakiilka midowga Yurub u qaabilsan arrimaha dibadda iyo siyaasadda ammaanka Catherine Ashton iyo wafdi ay hoggaamineysay.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dhammeystirka marxaladda KMG ah, sida ay wax u socdaan iyo siyaasadda Midowga Yurub ee dalkan Soomaaliya.“Waxaa na dhex maray wada hadal aad iyo aad u fiican waxaana kala qaadanay warbixin wixii la soo maray iyo meesha la joogo, waxyaabaha yaryar ee haray iyo sida loo dhammeynayo iyo waqtiga soo socda sida la rabo inay Soomaaliya

noqoto iyo sida ay tahay in loo garab istaago, waxyaabihii aan ka hadalnayna dhammaantood waa isku afgarannay” ayuu yiri madaxweyne Shariif oo saxaafadda la hadlay kulanka kaddib.

Madaxweyihii hore, Shariif Sheekh Axmed oo ay garab taagan yihiin masuuliyiinta kulanka kala qeyb gashay ayaa sheegay in Catherine Ashton ay ballan qaadday in Midowga Yurub uu sii wadi doono isla markaana xoojin doono taageerada ay siiso dalka Soomaaliya. Sidoo kale kale madaxda Soomaalida ayaa uga mahad celiyay Midowga Yurub taageerada ay siiyeen waddanka.

 

 

“Waxaan u sheegnay Hannaanka waxa ka dhimman in si wanaagsan loo dhammeystiri doono, doorashada baarlamaankana ay dhici doonto Berri hadduu Alle idmo, doorashooyinka kalena ay daba socon doonaan. Taasna waxay u arkeen inay tahay horumar weyn oo Soomaaliya ay ku tallaabsatay, kaas oo taabanayaa dhinaca amniga, Siyaasadda, arrimaha bulshada iyo horumarka” ayuu yiri Sheekh Shariif.

 

Dhammeystirka marxaladda KMG ah ayuu Shariif ku sheegay inay horseed u tahay in dadka Soomaaliyeed ay ka gudbaan dhibaatada muddada dheer heysatay, sidaa darteedna loo baahan yahay in qof kasta ay taageerto hannaankan dib loogu dhisayo dowlad dhammeystiran oo hanata waajibaadkeeda, ayadoo loo marayo waddo nabadeed oo xoojineysa horumarka dalka ka jira iminka.

 

Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this