Sign in to follow this  
General Duke

Sharif Ahmed is still complaining, WHY? Deep Paranoia sets in...

Recommended Posts

Madaxweyne Shariif oo guddiga farsamada xulista xildhibaanada ku eedeeyey iney carqalad ku yihiin dowladnimada

 

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta la kulmay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo ka cabanayay guddiga farsamo ee soo xulista baarlamaanka oo ay ku eedeeyeen inay qorteen xildhibaano aysan ayagu u gudbin.

 

Ugaas C/llaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde oo ka mid ahaa Odayaasha dhaqanka ee madaxweynaha la kulmay ayaa sheegay in caqado ay kala kulmayaan guddiga TSCC-da, wuxuuna yiri:-

 

“Nimankaan (TSC) annaga culeys ayay nagu haayaan, xildhibaano annagu aanan qorin ayay iska qorteen, oo meel ay ka keeneen aan la aqoonin, kuwo dadka iyo dalka aan dambi ka galin oo karateeriyada aan ka hor imaan waa la iska soo celiyay, arrimahaas wax badan ayaan kala hadalnay dowladda oo aan sheegnay wax jawaab ahna wali nagama aysan siinin”.

 

“Kulamo badan oo waxba ayan ka jirin ayay mar walba noo qabtaan, halkii ay ku xaroodeena way ka soo bixi waayeen, arrintaas waxaan leenahay in la fududeeyo, beesha caalamkana waxaan u sheegeynaa nimanaakaas masuuliyadda ay qaadeen inaysan kaliya ahayn ee mid ka sii sareysa ay ku darsadeen”.

 

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in aan la aqbali karin in la carqaladeeyo hannaanka nabadda, isla markaana la isticmaalo awood aan sharci ahayn oo lagu hor istaagayo qorshaha dowladnimo.

 

“Waxaa nasiib darro ah in dad aqoonyahan ah oo loo xulay inay ka qeyb qaataan dib u shiska Soomaaliya ay awooddii la siiyay isticmaalaan awood ka badan, inay ka shaqeeyaan waxyaabo dalka dhibaateynaya, inay ka shaqeeyaan waxyaabo dadka Soomaaliyeed shaki iyo mugdi kala gelinaya aad ayaan uga xun nahay, nabaddaan dadna waa u dhintay dadna waa dhaawacmay, dadna habeen iyo maalin ayuu u soo jeeday, rag waqti kooban jooga inay fowdo abuuraan waa wax nasiib darro ah, dambi ka weynna ma jiro hannaanka dowladnimo in la carqaladeeyo” ayuu yiri madaxweynuhu.

 

Ugaas Maxamed Bashiir Ugaas Xasan oo kulanka ka hadlay ayaa madaxweynaha u sheegay in lagu wargaliyay inay ka guuraan hoteelladii ay degganaayeen, taas oo uu sheegay in odayaasha ay ku adagtahay maadaama uusan wali dhammaan qorshihii loo keenay ee ahayd in la dhiso dowlad Soomaaliyeed oo dhammeystiran.

 

madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in kaalintii odayaasha dhaqanku aysan wali dhammaan, lana doonayo in odayaashu ay horumuud u noqdaan barnaamijka dib u heshiisiineed ee dowladda cusub, marka ay dhammeystiraan xulitaanka Baarlamaanka doorashaduna ay dhacdo. Wuxuu uga tacsiyeeyay hadalka soo gaaray ee ah inay guryaha ka baxaan.

 

“In sidaa u joogtaan la idiin yimaado ee la idin yiraahdo guryaha ka baxa, oo la idin yiraahdo maqaayaddu waa idinka xiran tahay, arrintaasi arrin dhaqan ah maaha, arrin la isku ogyahayna maaha, arrin aan aqbaleynona oo na qabatana maaha, cidii sameysana waa lagula xisaabtamayaa hadduu Alle idmo” ayuu yiri madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

 

 

Office of the Somali President

 

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maalintii Isniinta aheyd oo ay bishan Agoosto aheyd 20ka ayaa waxey bilaabeen Qaswadayaasha Guddiga Farsamada Ee Xulitaanka Xildhibaanada Cusub Ee Baarlamaanka Soomaaliya in Warqadihii Aqoonsiga ay u qeybiyaan Xildhibaanada Cusub Ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya kadib markii ay diiwaankooda gashteen xildhibaano ay soo xusheen Guddoomiyaha Gobolka Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole, Ra’isulwasaare Cabdiwali Maxamed Cali, iyo Guddoomiyehii Hore Ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.

 

Waxey Qaswadayaasha Guddiga Farsamada Ee Xulitaanka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay si ula kac ah uga tageen 75 xubnood oo ay soo xuleen Oday Dhaqameedyo Soomaaliyeed. Waxey cudur-daar ka dhigteen Qaswadayaasha Guddiga Farsamada Ee Xulitaanka Xildhibaanada in 75ka xubnood ay ahaayeen Qabqable Dagaal iyo Hogaamiye Kooxeedyo Diineed isla markaana ay ka degi la’eed Soomaaliya wixii ka dambeeyey 26kii Janaayo sanadkii 1991kii.

 

Qaswadayaasha Guddiga Farsamada Ee Xulitaanka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxey marmarsiiyo kasii dhigteen iney soo gaareen qoraalo ka yimid Qaraamida Midoobay, kuwaa oo lagu sheegay in 75ka xubnood aanan lagu biiri karin Baarlamaanka Cusub Ee Soomaaliya maadaama ay 75kaasi xubnood ay Qaraamida Midoobay u diiwaan gashatay iney ahaayeen, hadana yihiin Dembiileyaal Dagaal.

 

Dhinaca kale, Qaswadayaasha Guddiga Farsamada Ee Xulitaanka Xildhibaanada Baarlamaanka waxey xalay dhalay ka dhigeen Haraagii Jeneraal Maxamed Siyaad Barre, waxeyna kusoo badsadeen Baarlamaanka Cusub Ee Soomaaliya oo la dhisay 20ka Agoosto, 2012, si markaasi ay u rumowdo riyadii aheyd in Soomaaliya laga dhiso talis lamid kii Kelitaliye Maxamed Siyaad Barre oo xooga ku haaystay Soomaaliya 21 sano iyo seddex bilood iyo shan maalmood.

 

Cadeyn waxaa u ah iney soo celinayaan Taliskii Diktatoore Jeneraal Maxamed Siyaad Barre marki Baarlamaanka Cusub uu Guddoomiye u doortay Jeneraal Muuse Xasan Cabdulle oo kamid ahaa saraakiishii aadka ugu dhawaa Kelitaliye Maxamed Siyaad Barre isla markaana qeyblibaax ka qaatay dhibaatooyinkii Soomaaliya ka dhacay.

 

Cadeyn kale waxaa ah iyadoo Xildhibaanada Cusub Ee Baarlamaanka ay ka tageen nin kale oo ka daa’weynaa Jeneraal Muuse Xasan Cabdulle. Waxaa cadeyn kale ah, markii Qaswadayaasha Guddiga Farsamada Ee Xulitaanka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay kusoo dareen Baarlamaanka Cusub xildhibaano aqoontooda aad u hooseyso oo aananba ogeyn dhibaatooyinkii uu geystay Kelitaliye Maxamed Siyaad Barre 21kii sano, seddexdii bilood iyo shantii maalmood ee uu xooga ku haaystay Soomaaliya.

 

Qaswadayaasha Guddiga Farsamada Ee Xulitaanka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya iyo kuwa ay laaluushka xad-dhaafka ah ay kasoo qaateen oo ay kamid yihiin Guddoomiyeha Gobolka Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole, Ra’isulwasaare Cabdiwali Maxamed Cali iyo Guddoomiyehii Hore Ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan waxey marnaba soo hadal qaadin dhibaaatooyinkii isdaba jooga ahaa ee uu Soomaaliya ka geystay Taliskii Naxariis-darrada lahaa ee Kelitaliye Jeneraal Maxamed Siyaad Barre.

 

Sooma qaadan Qaswadayaasha Guddiga Farsamada Ee Xulitaanka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, taliskii Soomaali gaarsiiyey in Soomaalinimo ay meesha ka baxdo. Soomaa qaadan Qaswadayaasha Guddiga Farsamada Ee Xulitaanka, taliskii horseeday in dadka loo kala qeybiyo beel beel, qofkii ka horyimaadana lagu shaabadeeyo inuu qabiilka aad ugu dhaqmo.

 

Taliskii Kelitaliye Maxamed Siyaad Barre ayuu ahaa kii horseeday in Soomaaliya ay kala fogaato isla markaana ay gooni isu taagto Jamhuuriyadda Somaliland kadib markii Reer Somaliland ay u adkeysan waayeen xadgudubyadii loo geystay, gaar ahaan xadgudubkii 1988kii.

 

Qaswadayaasha Guddiga Farsamada Ee Xulitaanka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxey sanadkan 2012 ay soo qaateen Shaxdii Shirkii Carta Ee Jabuuti Ee sanadkii 2000, taas oo ku saleysneed in dusha laga saaro Hogaamiye Kooxeedyo wixii Soomaaliya ka dhacay isla markaana dib loo soo celiyo Haraagii Kelitaliye Maxamed Siyaad Barre ee uu markaasi hogaamiye u ahaa Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan, kadibna loo caleemo saaray inuu noqdo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

 

Gaashaanle Sare Axmed Cumar Jees oo ay markaasi wareysi la yeelatay BBC-da Laanteeda Af Soomaaliga wuxuu yiri:

 

 

 

”Waxaa Shirka Carta kaalinta koowaad la siiyey Haraagii Kelitaliye Maxamed Siyaad Barre. Waxey taasi horseedi doontaa inaan ka hortagno waxa lagu dhodhoobo Jabuuti, waxaana ku noqonayaa Kismaayo.”

 

Qaswadayaasha Guddiga Farsamada Ee Xulitaanka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo hada usoo xushay Baarlamaanka Cusub Ee Soomaaliya xildhibaano u badan Haraagii Diktatoore Maxamed Siyaad Barre, waxaa ku habooneed in ay ka wada saaraan Baarlamaanka Cusub; 1. Haraagii Keltaliye Maxamed Siyaad Barre,, 2. Kuwii lagu sheegay Qabqableyaal Dagaal iyo 3. Kuwii lagu sheegay Hogaamiye Hogaamiye Kooxeedyo Diineed, si markaasi loo helo Baarlamaan Cusub oo xildhibaanadiisa yihiin xalay dhalay.

Ha yeeshee, waxey Qaswadayaasha Guddiga Farsamada Ee Xulitaanka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay door-bideen in ay kusoo badsadaan Baarlamaanka Cusub Ee Soomaaliya; xildhibaano kasoo jeedo Haraagii Kelitaliye Maxamed Siyaad Barre.

La arki doonee, halka ay ku dambeyso shaxda loo soo dhiibtay Qaswadayaasha Guddiga Farsamada Ee Xulitaanka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

General Duke;859914 wrote:

Dhinaca kale, Qaswadayaasha Guddiga Farsamada Ee Xulitaanka Xildhibaanada Baarlamaanka waxey xalay dhalay ka dhigeen Haraagii Jeneraal Maxamed Siyaad Barre, waxeyna kusoo badsadeen Baarlamaanka Cusub Ee Soomaaliya oo la dhisay 20ka Agoosto, 2012, si markaasi ay u rumowdo riyadii aheyd in Soomaaliya laga dhiso talis lamid kii Kelitaliye Maxamed Siyaad Barre oo xooga ku haaystay Soomaaliya 21 sano iyo seddex bilood iyo shan maalmood.

hahah. they ever crying about the dead Siyaad Barre. desperate waa desperate.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mooge;859915 wrote:
hahah. they ever crying about the dead Siyaad Barre. desperate waa desperate.

The wind of change is blowing..Its a sweet and a wonder to behold..:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this