Sign in to follow this  
Siyaasi

Maadeey Snr Speaks out.

Recommended Posts

Siyaasi   

Sh.Aways oo wacad ku maray inay Dawlada Cusub ladagaalamayaan

 

Hoggaamiye sare oo Al-shabaab ka tirsan ayaa ku dhawaaqay inay la dagaalamayaan dowladda cusub ee Soomaaliya loo dhisayo, isagoo sheegay inay u arkaan mid shisheeyuhu sameysteen ayna doonayaan inay ku fushadaan danahooda gaarka ah.

 

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ah hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-shabaab ayaa sheegay inaysan iyaga waxba ka gelin cidda loo dooranayo madaxweyaha cusub ee Soomaaliya, balse ay ka go’an tahay inay la dagaalamaan dowladda cusub ee lasoo dhisayo.

 

266.NET.jpg

 

“Qofkii lagu arko wax yar oo wadaadnimo ah meesha waa laga saarayaa, waxayna keensanayaan qofkii dantooda ka shaqeynaya,” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir oo intaas ku daray: “Annagu saf ayaan ka nahay mana ogolaanayno inay dalkan iyo dadkan hoggaamiyaan.”

 

Sheekh Xasan Daahir wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay dagaalladaas ka qaygalaan, isagoo sheegay inay rajo weyn ka qabaan inay dowladda cusub kaga guuleysan doonaan dagaallada ay la galayaan.

 

“Mujaahidiinta waxaan leeyahay cidda aan la dagaalamaysaa waa cadowga Alle iyo cadowgiinna, waa inaadan dagaalka joojin oo aadan ka caajisina, waayo waa mid waajib idinku ah sida culummada Islaamka oo dhan ay qabto,” ayuu hadlkiisa kusoo gabgabeeyay.

 

Xarakada Al-shabaab oo weli ka talisa dhul ballaaran oo Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ku yaalla ayaa waxay dagaallo adag kula jirtaa ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa AMISOM iyo Itoobiya.

 

Tan iyo dhammaadkii sannadkii hore ayay Al-shabaab isaga baxeen deegaanno ay horay uga talin jireen, kuwaasoo ay ku jiraan degmooyinka gobolka Banaadir iyo kuwo ka tirsan gobollada Shabeellada hoose, Shabeellada dhexe, Hiiraan, Bakool, Bay iyo Jubooyinka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

^^ he's been here since may ninyoow. one must be blind to miss maadeey in 3 months in this forum. loool.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Macallinka;859929 wrote:
Adiga how do u know, Maadeey hadaaba meesha timide mise waxaa la joogaa markaa shanta gamcood lataagi jiray loool

 

Wlc to SOL lool

 

:D and here comes Mooge defending him, soo waxbaa jira haye?:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

abwan haye wa marki paranoia cir toogte kaa dhigi jirtay. loool. hooskaga haka dudin sidii waxar yaroo bakayle aragtay ninyoow oday ba tahaye. loool

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

wa side ninyoow mooge ma isagaba magac kale amini kara meshan wa la is ban gareya cadow badana wan leyahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this