Sign in to follow this  
malistar2012

Madaxweyne Shariif iyo Danjire Mahiga oo ka hadlay Dhammeystirka Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya

Recommended Posts

Madaxweyne Shariif iyo Danjire Mahiga oo ka hadlay Dhammeystirka Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya

 

Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay danjire Augustine Mahiga ayaa maanta yeeshay kulan ku saabsan sidii lagu dhammeystiri lahaa liiska xildhibaanada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

 

Kulanka oo ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka, Jen. Muuse Xasan, wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, C/samad Macalin Maxamuud iyo taliyaha ciidamada AMISOM Jen. Andrew Gutti, waxaana kulanka kaddib shir jaraa'id qabtay Shariif iyo Mahiga.

 

“Kulanku wuxuu daba socday kulammadeenii hore, waxaana ka hadalnay sidii loo dhammeystiri lahaa qaybta ka dhimman xubnaha baarlamaanka iyo mashaakilka yar ee jira sidii loo xalin lahaa, waxaana isla garanay inay lagama maarmaan tahay in la dedejiyo dhameystirka baarlamankaa inay tahay mid lagama maarmaan ah,” ayuu yiri madaxweyne Shariif.

 

 

Madaxweynaha Soomaaliya oo la weydiiyay su’aal ahayd in baarlamaanka cusub lagu darayo xubnihii ay soo celiyeen guddiga farsamo ee xulista baarlamaanka ay ku sheegeen inay dambi galeen ayaa sheegay inaan la oran karin cid aysan maxkamad xukumin dambiile.

 

"Dambi waxaa lagu xaqiijiyaan qaab la yaqaano oo ugu dambeyn ah in maxkamadi xukunto dadka, mana jiraan dad xukuman oo liiska ku jira - in dad la yiraahdo dambiileyaalna waxay u baahanaysaa in xukun maxkamadeed la keeno... waxayna waxyeeleysaa in xilligaan oo kale wax yaabo noocaas ah la dhex-galo nabaddii iyo kalsoonidii dadka (waxayna keeneysaa) dadku waxay kasoo gudbeen in dib loogu celiyo, waxay kaloo wax yeeleysaa habkii dib u heshiisiinta iyo heshiis kasta oo suuragal ah in lala galo dad kasoo horjeeda dowladda, aragtidaasna waa inay meesha ka baxdaa,” ayuu yiri Shariif Sheekh.

 

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yiri: “Waa inaan isha ku heynaa horumarka nabadda, isku kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ka dhex jirta, in si nabad ah loogu gudbo marxaladda cusub, iyadoon qof, koox iyo qolo gaar ah aan bartilmaameed laga dhiganayn.”

 

 

Ugu dambeyn, dajire Mahiga oo isaugna shirka jaraa'id ka hadlay ayaa sheegay inuu kulamo la qaatay odayaasha iyo guddiga farsamada, kaddib markii uu shalay kulan la qaatay wakiilo ka socday beesha caalamka, isla markaana caawa ama ugu dambeyn berri subax la heli doono liiska xildhibaanada ka maqan baarlamaanka si isla berri loo dhaariyo.

 

Guddiga farsamada ayaa waxay horay liiska xildhibaannada uga saareen xubno lagu sheegay inay dambiyo galeen, waxaana xubnahaas ka mid ahaa Maxamed Ibraahim Xaabsade oo sheegay in dib u soo celinta magacyadooda dano gaar ah laga lahaa.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shiriifka oo kala hadlay dhamaystirka Baarlamaanka cusub Danjire Mahige .August 22, 2012 18:04 1 Comments

--------------------------------------------------------------------------------

 

Madaxweyne Shiriif & Danjire Mahige

Muqdisho:Madaxweynaha wakhtigiisii dhamaaday Shiriif Sh. Axmed ayaa maanta la kulmay u qaabilsanaha qaramada midoobay Arrimaha Soomaaliya Danjire Mahige wuxuuna kala hadlay sidii loo soo dhamayn lahaa Baarlamaanka cusub.

 

Kulankaasi oo uu goob joog ka ahaa Gudoomiyaha ku meel gaar ah ee Baarlamaanka Generaal Muuse Xasan Cabdule markuu soo dhamaaday waxaa si wada jirah u qabtay shir’jaraaid Madaxweynaha & Danjire Mahige kuwaas oo faahfaahin ka bixiyey qodobadii laga wada hadlay.

 

Madaxweyne Shiriif hadalkiisa wuxuu si adag ugu difaacay xubnihii la reebay isagoo sheegay in aan cidna la oran karin waa danbiile lagana hor istaagi karin ka mid noqon shaha Baarlamaanka cusub maadama aysan jirin Danbiilayaal maxkamadi ku xukuntay denbi.

 

Danjire Mahige wuxuu sheegay inuu kulama dheeraad ah la qaadan doono Gudiga TSC-da si uu ugala hadlo sidii loo dar dar gelin lahaa dhamaystirka Baarlamaanka.

 

Walaaca Madaxaweynaha.

 

Madaxweyne Shiriif oo horay aan kalsooni fiican ku qabin Gudiga TSC kana dalbaday shrikii Kenya ay ku yeesheen saxiixayaasha Road map in gudigaas la kala diro wuxuu walaac xooganka qabaa gudigaas oo iska hor istaagay inay Baarlamaanka xubno ka noqdaan siyaasiyiin horay uga tirsanaa qabqablayaashii dagaalka & Hogaankii midowga Maxkamadaha kuwaas oo uu Madaxweynuhu ka filayey codad.

 

Shiine Culay

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gudiga TSC are uselss they have to accept Mahiga and the President Order , they either work for Farol or TFG , The likes of Xoosh are not gonna play us .

 

Notice how puntalnd Media uses Title Madaxweynaha wakhtigiisii dhamaaday Shiriif Sh. Axmed , Horseed Media

 

Madaxweyne Shariif iyo Danjire Mahiga , Hiiraan com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Puntland media is right, his time is up, he had 1 year extension, it ended 2 days ago. And stop with the Faroole obsession, my God, he is the biggest bogeyman ever, woooow. :eek:

Share this post


Link to post
Share on other sites

malistar2012;859444 wrote:
Gudiga TSC are uselss they have to accept Mahiga and the President Order , they either work for Farol or TFG , The likes of Xoosh are not gonna play us .

 

Notice how puntalnd Media uses Title Madaxweynaha wakhtigiisii dhamaaday Shiriif Sh. Axmed , Horseed Media

 

Madaxweyne Shariif iyo Danjire Mahiga , Hiiraan com

I think you are deluding yourself.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abdulahi Yusuf Aun , first Somali warlord was elected as president i dident seen anybody crying ? Warlod?

 

Somalia has chance today , Abdiwali and farlo camp , The games they are playin my change everything Bring as back to ground zero .,

 

President accepted Growe 1 ,2 etc trying to apease for sake of Somaliweyn .,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

Why does Sh Sharif hell bent to bring the warlords back, could it be to do they are easy to bribe and does not want to risk with educated fellas who will go on their way. This is an insult to the clan of the said warlords, surely they could be replaced with more discent people.

Share this post


Link to post
Share on other sites

7-ka mid ah ilaa 64-mudane oo ay dib u celiyeen Gudiga farsamada ee soo xulista Baarlamaanka ayaa maanta dib u helay kaararkooda aqoonsiga, kadib dadaal ballaaran oo uu sameeyay Madaxweynaha.

 

Xubnaha 7-da ah ayaa ahaa garabyada Madaxweynaha ee Aala-Sheekh, iyadoo loo heystay arrimo la xiriira dambiyo iyo inay ahaayeen Islaamiyiin sida ay sheegayaan wararka.

 

Inkastoo Madaxweyne Shariif saddex maalmood ee u dambeeyay waday dadaalo arrimahan la xiriiray iyo sidii xayiraada lagu qaadi lahaa ayuu xubno ka mid ah ku guuleystay.

 

Xubnaha helay Kaararka aqoonsiga ee Xildhibaanimada ayaa waxaa ka mid ah Wasiirkii hore Arrimaha Gudaha C/qaadir Cali Cumar, Wasiiru Dowlihii Madaxtooyada Xasan Macalin Maxamuud, Maxamed Cabdulle Faarax, Maxamed Maxamuud Ibraahim, Naciimo Maxamed Gacal, sidoo kale xubnaha qaar waxaa ku jira xubno horay Xildhibaano u ahaa sida C/rashiid Maxamed Xidig.

 

Arimahan oo dhami waxay ka danbeeyeen marki guu madaxweynaha shalay kulan adag la qaatay xubno ka socday beesha caalamka oo uu u sheegay in arrintu aysan wanaagsanaan doonin hadii la diido xildhibaanada la celiyey.

 

Maantana kulan ay Muqdisho ku yeesheen madaxweyne Sharif iyo Augustine Mahiga ayey kaga hadleen dhameystirka xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka.

 

Wali waxaa dhiman Xildhibaano kale oo gaaraya kontomeeyo oo ay ku jiraan raggii hogaamiye kooxeedyada horay u ahaa, iyadoo ay isugu jiraan beelaha kala duwan ee Soomaaliyed, kuwaasoo liiskooda ay horay u

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shariif sakiin is in the parliment ? hasan Abashir , Galary .........ETC

 

Madaxweyne Shariif is real waadani , president is tryin solve stituation peacefull way .

 

The Guys that are reject by Abdiwali /TSC have significant influence over their elders , NOw the Elders pressuring President or they wont accepted any outcome.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Sxb, Samafal is right, why does he want Warlords to come back? Those men you mentioned are not warlords, they may be questionable but this is a new era!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Shariif has no connection to the warlord , lets get that clear .

 

Madaxweyne Shariif is not selecting mps its the Elders .....

 

The President has to accepted wish of the elders , thats all their is .

 

Madaxweyne Shariif did not include any warlords into his administration unlike prior administration..

 

Its was TFG and the International world that brought the warlords back When Madaxweyne Shariif chased them out of Somalia ..

 

 

abdiwali camp is playing with fire ..... he almost cheated his way to the top position with help of TSC ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this