Sign in to follow this  
malistar2012

Madaxweyne Shariif iyo seddex sano kadib

Recommended Posts

Madaxweyne Shariif iyo seddex sano kadib

 

Maqaalkan gaaban waxaan ku eegeynaa waxqabdkii, waaba hadduu waxqabad jiree, shariif Shekh Axmed, madaxweynaha xilka ka sii dhammaanaya oo hadda u muuqda inuu markale nagu soo noqon doono. Madaxweyne shariif waxaa si cad loogu doortay dalka Jibuuti 2009kii iyadoo rajo aad u weyn laga qabay inuu wax badan ka qaban doono dalkan burbursan, baaba’asan ee ummadiisu ay gaajada, xabadaha iyo cuddurada ku goobteen.Ma jirin hay’ad shaqeyneysay xelligaas waxaana dadka ku socotay xabbad ma naxda ah oo qofkii damiir waddanimo leh uu soo xusuusto xanuun ku qabata.

 

 

Haddaba annagoo u daneyneyna dalkeenna iyo dadkeenna ayaan waxan qalinka caaradiisa ku xisaabineynaa inaan seddex sano ka hor aan ka fiican nahay iyo inaan ka xunnahay waana sida dadka caqliga leh ay u xisaabtamaan intey danaha shakhsiga ah meel iska dhigaan iyagoo garasho iyo dhug u leh inay qaran xisaabinayaan.

 

Waxaan ka duuleynaa in dalku uu ahaa baaba’a khater ku sii socday oo degmo waliba ay ay tan kale colaad kala dhaxeysay, reer walibana uu iswka jiray reeraha ay deriska yihiin, iyadoo qabiil waliba uu dhexdiisa ka dagaalsanaa. Dhinaca kale dalalka deriska nala ah oo mid waliba jecleyda inaan sii burburno si ay danahooda nooga qunsadaan. Gobollo iyo degmooyin ku taamayey inay qabiilkoda ka gooyaan inta kale. Dunida oo cabsi nagala qabay.

 

Calankeenna oo sii liicayey, caruurteenna oo aan waxbarasho iska daaye waxay cunaan la’aa iydoo aysan abaar jirin. Hogaamiye kooxeedyo dalka, dadka iyo diintaba u beec ahayd ayaa wadaadka lagula tufay jibuuti lana yiri adigaa indho, dhego iyo lugaba noo ah.

 

Dhab ahaantii ma jirin khibrad dawlad aqoon ee waxa kaliya uu lahaa waxay ahayd khibrad dad iyo diin aqoon waana intaas inta uu hadda nagu soo gaarsiiyey heerkan aadka uga duwan maalintii uu qabtay hogaanka. Maanta dawlada yaqaan og wax ka maqan iyo halka uu hiigsanayo. Waxaa laga yabaa in dad badan oo dano leh ama mucaarid ama uu damac ka galay hadda in la hogaamin karo dalka inay noo sheegaan ka badan ayaa la qaban karay ee marna nooma sheegi karaan wax lama qaban oo xataa goobtan hadda lagu tartamayaa iyo in la tartamaaaba iska iman ee waa wax uu wadaadka ka shaqeeyey, kuna riyooday maanta suurageliyey isagoo kaashaday dad badan iyo dalal badan mahadi ha ka gaadhee.

 

Madaxweyne Shariif waa hogaamiyhii ugu safarka badnaa intii na soo martay waayo waxaa uu qabtay hogaanka dal aan kumi meel u ool oo baryo joogto ah lagu wado. Waxaa uu nin wasiir ahaa ii sheegay inay soo martay xelliyo la waayo wax shidaal loogu iibiyo ciidamo dagaal ku jira oo ganacsadihii laga sii qaadi lahaana yiri haddaan idin siiyo waa la I dilayaa.

 

Waxaa uu goostay hogaamiye shariif inuu barya tagaa waxaasa ka sii darneyd markii la waayey nooligii lagu gaari lahaa cidii uu soo baryi lahaa oo kharshii dayuuradda ayaa la waayey. Intaan waa inyar oo aan baawsi ku ogaaday haddiisa isaga la weydiiyo waxaan ogaan doonnaa inta uu habeen madow ku fekeray armaa dal hebel iyo hogaamiye hebel wax bil lagu joogo ka soo heshaa subaxdiinna uu u labistay inuu baxo.

 

Haddaba muxuu qabtay madaxweyne Sharif Shekh Axmed?

 

Siyaasadda Gudaha

 

Waxqabadka la sheegi karo ee siyaasada gudaha waxaa ugu waaweyn:

 

Horumarka ammaanka

 

Horumarka aad ka weyn oo laga sameeyey dhinaca ammaanka ayaa ah wax run ahaantii ay qof waliba ku faraxsan tahay, kuna naallooneyso iyadoo magaalada Muqdisho ay gabi ahaanba gacanta u gashay xoogaggii shebaabka ee dawladda ka soo horjeeday marka laga reebo qeybta hoose ee Wardhiigley iyo degmooyin X/Weyne, X/Jajab iyo Wabari. Sido kale Madina waligood ma qabsan. Maanta Muqdisho waa magaalo u socota inya si xawli ah ugu soo noqoto bilicdii lagu yiqiinnay iyo iyadoo dadkeeda ugu adeegi jirtay hawo macaan, muqaal qurux iyo hooy debecsan. Madaxwenuhu Shariif waxaa uu mar waliba ku dadaalay inuu hogaanka magaalada muqdisho kolba uu qof dayo ilaa inta uu ka helayo shakhsi u muuqda inuu ku sameyn karo isbadallada degdeg ah ee ay u baahan tahay Muqdisho waxaanu soo helay Hogaanka hadda Mudqisho haya oo heerkan soo gaarsiiyey. Madaxweynaha waxaa uu intaas maamulka la daba joogay talooyin iyo toosin iyadoo dad badani ay lahaayeen ka qaad iyo ka wareeji xilka hogaanka hadda haya. Dhinaca kale Muqdisho waxay madaxweyne shariif u haysaa laba mahadood oo laba jeer ayuu marna gacatiisa iyo qorigiisa ku xoreeyey marna hogaamintiisa iyo siyasadiisa.

 

Waxaana madaxweyne shariif Shekh Axmed Muqdishu oo ah Caasimadda Ummadda Somaaliyeed iyo xaruuntii gobolka Banadir uu gaarsiiyey in waxgardkeedii (aqoonyahanno, Barfasoorro, culimo, haween iyo caruurba) ay maanta ku dhexdooran doonaan kuwii iyada xukumi lahaa muddo 43 sano kadib.

 

Sidoo kale waxaa la xoreeyey gobollo iyo degmoyin badan oo dalka ah, iyadoo mar waliba lagu dadaalayey inaad loo yareeyo khasaaraha dadeed oo cid waliba ay xusuusato sidii loo qabtay Suuqa weyn ee Bakaaraha iyo Ceelasha biyaha si loo badbaadiyo nafta iyo hantida ummadda. Ciidamada xooga dalka Somaliyeed iyo kuwa boliiska oo kaashana nabadsugiida qaranka ayaa hawlo aad u qiimo badan ka qabtay caasimadda iyadoo aan la illaawi Karin gacantii ay AMISOM ku lahayd hawlahaas baaxadda leh.

 

Dhinaca siyaasadda:

 

Siyaasadda Somaliya waa markii ay ugu fiicneyd muddo 22 sano ah oo rag maalintaas cararay iyo kuwo ka hor ka lexa-jecleystay dalka ayaa maanta u soo shaqo doontay oo raba inay horumarkiisa ka qeyb qaataan waana wax lagu farxo inay aqoonyahandeenna noo soo wada noqdaan, waana waxyaabaha dadka taariikhda qoraan ay sheekh Shariif ku xusuusan doonaan inuu yahay kan fidiyey gogoshaan nabadeed ee hadda lagu dul tartaamayaa. Dhinaca dagaaladda sokeeye ma jirto beel mid kale ladagaalsan oo qoryaha u sidata waxaana mahadeeda iska leh hogaaminta Madaxweynne Shariif oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii caqabadaha dad sameega ah ee danaha raqiiska ah ku dhisan meesha looga saari lahaa si loo soo gaaro halkan aynu maanta joogno oo ah maalin aan leenahay Maanta maanta maataa waa maalin weyne maanta. Madaxweyne sharif waxaa uu u galay khater inuu isu soo dhaweeyo beelo Somaliyeed oo maryo dhiig leh kala furtay ama uu kala dhexgalo. Waxaa uu u soo jeeday habeenno badan inuu dhageysto dad u ooman inay hadlaan oo kaliya isagoo uga badalanaya inay fitnada ummadda ka joojiyaan. Waxaana maanta la joogaa dhinaca siyaasadda in Distuur qaran la ansixiyey, golhii shacbka ay dhammaad yihiin, kadib loo gudbayo doorasho madaxweyne muddo dheer oo aan badakeen wada xusuusan ka dib ka dhaceysa Jamhuuriyadda Somaliya.

 

Dhinaca dalalka deriska ah:

 

Dalka Itoobiya oo ay colaad soo jireen ah na dhextaallay oo uu madaxweyne Shariiif yimid iyagoo waliba gantaallo aan naxariis lahayn ku garaacaya wadnaha Muqdisho tasoo keentay in kumanaan hooyooyin iyo caruur u badan ay u qaxaan ceelasha Biyaha iyo meeshii ay ku badbaadi karaan, in badanna ay ku nafwaayeen ,hasa yeeshee maanta Itoobiyaanka waxay ka mid yihiin wadamada raba inay na dhinac istaagaan oo aan noqonno qaran ay ood wadaag yihiin kulana noolaado nabad iyo jaarnimo wanaagsan, iyagoo waliba u diyaar ah inay nala shaqeystaan oo naga iibsadaan ama naga badashaan badeeco iyo adeeg wixii karaankeenna ah, waxaana mahadadeeda iska leh Madaxweyne sh Shariif oo kula dhaqmay siyaasad aan colaadin iyo isu dhiib midna ku dhisneyn.

 

Sidoo kale ciidama xoogga Dalka Soomaliyeed oo garabsanaya dalka Kenya waxay caawa kaabiga ku hayaan magaalada Kismaayo inay ku soo celiso gacanta Dawladda Somaliyeed oo kenyaanka wiilashadooda iyo gabdhahooda ayey u khatergeliyeen Somaliya kadib iyagoo ku qancay siyaasadda dareis wanaagga ee Madaxweyne Sh Shariif ee aan gardarrada ku dhisneyn in dhibka la is garabsado mooyee.

 

Dhinaca kale waddamo badan oo albaabada naga xeran jiray iyo kuwa dhinac ay noo raacaan weysanaa ayaa maanta hiil iyo hooba nala garab taagan, kadib markii ay fahmeen in siyaasadda hogaaminta Somaliya ee madaxweyne Sh Shariif ay dalka u waddo meel wanaagsan oo keeni karta inuu noqdo dal ku istaaga lugahiisa oo ay dadkiisa barwaaqada dhex ceegaata ku noolaadaan. Waxayna waddamada dunida aad u sii gartaan hogaanka la siku halleyn karo oo ummaddiisa ka samata bixin kara xaaladda adag ee ay markaasi ay sugan yihiin si ay u gaaraan meel ka wanaagsan meeshii uu ka soo qaaday[/size]

Share this post


Link to post
Share on other sites

GOOBAHA AY HORUMARISAY DKMG EE UU HOGAANKA U HAAYO MADAXWEYNE SHARIIF

 

 

1- Dhismaha Wadooyinka iyo soo celinta amaanka Magaalada Muqdisho

2- Howl-galinta Ciidamada Dowlada Somalia kadib 20-Sanno markii la waayay Dowlad daryeesho Ciidanka xooga dalka Somalia

3- Dib u dhisida xarumaha waxbarashada, Ganacsiga, iyo waliba bad-baadinta Bulsho weynta

4- Ciribtirka Kooxaha Mucaaradka iyo nabad kusoo dabaalida Gabi ahaan magaalada Muqdisho iyo daafaheeda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Thanks to madaxweyne Sharif Shekh Axmed

 

 

 

Siyaasadda Somaliya waa markii ay ugu fiicneyd muddo 22 sano ah oo rag maalintaas cararay iyo kuwo ka hor ka lexa-jecleystay dalka ayaa maanta u soo shaqo doontay oo raba inay horumarkiisa ka qeyb qaataan waana wax lagu farxo inay aqoonyahandeenna noo soo wada noqdaan, waana waxyaabaha dadka taariikhda qoraan ay sheekh Shariif ku xusuusan doonaan inuu yahay kan fidiyey gogoshaan nabadeed ee hadda lagu dul tartaamaya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warbixinada la Xiriira:

Madaxweyne Shariif oo booqday Boondheere, 2012/02/16

Muqdisho: Madaxweyne Shariif oo booqday fariismo militari, 2011/11/07

Madaxweyne Shariif oo booqday Cusbitaalka Xalane, 2011/07/30

Madaxweyne Shariif oo booqday Jiidda hore ee dagaalka, 2011/03/22

Madaxweyne Shariif oo booqday deegaano ka mid ah Jiida dagaalka, 2011/03/09

Share this post


Link to post
Share on other sites

Must see video

 

Madaxweyne shariif gives speech and raises Soldiers morals .

 

Madaxweyn shariif Leader we need today ,

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

This is the treasonous coward who tried to sell our oceans in broad daylight. Who is he other than a rascal?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this