Sign in to follow this  
General Duke

Abdiweli Mohamed Ali, Somalia's Greatest living Politician Choice for 2012..

Recommended Posts

3a6fa3d144229acb8ac6593c7b101.jpeg&sa=X&

 

Cabdiwali M Cali Gaas Soomaaliya Ayaa Ubaahan

Eng Abdirashid Abdi Daad

Guurey@hotmail.com

Agoosto 08 2012

 

Waxaan ku bilaabaya magac Allah ee Naxariis oo dhan iska leh

 

In qaranimadii iyo dawladnimadii Somaliya dhuntay

In sharaftii iyo karaamadii Somaliya dhuntay.

In kalsoonidii iyo is aaminkii dhuntay.

In daacadnimadii iyo cadaaladdii dhuntay.

In isu arxankii iyo is ixtiraamkii dhuntay.

Arimahaasi waxay na gayeey siiyeen burbur aan kasoo kaban waynay rubuc qarni, qof inaka mid ah oo Somali ah oo arintaas moog ma jiro maanta.

 

Marka suaashu waxay tahay yaa innagu kallifay rubuc qanri mudda dhan inaan ka soo kaban wayno foolxumooyinkaas inagu habsaday?

 

Qof noocee ah ayaase soo celin kara qaranimadii, dawladnimadii, sharaftii, kalsoonidii, daacadnimadii, cadaaladdii, isu arxankii iyo ixtiraamkii?

 

Waxaa inagu kallifay cadowgeen oo aan doonayn

Inaan xoog iyo awood lahaano.

Inaan sharaf iyo magac lahaano.

Inaan gacmaha is wada qabsano

Inaan wax wada cunno oo mid ahaano.

Inaan is taakulayno oo isku tiirsanaano.

Yaa cadowgeen ah oo aan wanaaggeena jeclayn?

 

Somalidu waxay ku maahmaahdaa labaa dad kuugu daran geesi cadowgaa ah iyo doqon xigtadaada ah…

 

Waxay ila tahay inaysan u baahnayn cidda ah geesi cadowgeen ah sababtoo ah Somalidu waa garan kartaa dawladaha cadowga u ah oo aan marnaba doonayn midnimada Somaliyed, oo haddana maanta adduunkoo dhan ka gadaya inay doonayaan ama ay wadaan sidii loo soo celin lahaa midnimadii iyo dawladnimadii Somaliya. Abwaan hore gabay uu tireyey ayaa ahaa….

Baadida ninbaa kula deydeya, daalna kaa badane

Oon doonahayn inaad heshana, daayin abidkaaye

Dadkuna moodi duul wada dhashoon, wax u dahsoonayne

Dallo malaha aakhiro haddii, loo kitaab dayaye

 

Dawladahaasi hadday noqon lahaayeen kuwa african ah iyo kuwo kalaba cid ay maanta ka qarsoon yihiin ma jirto anna inaan faah faahin ka bixiyaa looma baahna ayaan filayaa.

 

Doqonka xigtada ah oo aan doonayn inaan magac iyo karaamo lahaano waa kan meeshaas ina dhigay waxayna u qaybsamaan labo Danayste iyo Damdamle.

 

Danayste… Sida kalmadda laga dhandhan sanayo ama macnaheedu qeexayo waa ruux aan xeerinayn wanaag iyo sharaf wax kastana ka hormarinaya dantiisa u gaarka ah aan kala jeclayn dhibaata kasta oo bulshadaas soo wajahaysa… (fadlan akhri maqaalkii ahaa Jaah Wareerka).

 

Danasyte dadkii waxuu baday in is aaminitaankii noqdo waxaan suurta gal noqon karin oo qof qof kale aaminayaa jirin, waxuu ugashadaa shaarka qofka daacadda ah markuu doonayo in uu meel ku gaara bulshadaas. Taasina waxay keentay in dadku jaah wareer ka qaadeen kii daacadda ahaa iyo kii danaystaha ahaa maadaama mid kastaaba leeyahay wax baan qabanayaa oo nidaam cadaalad ah ayaan samaynayaa waxaan ku dadaalayaa midnimadii soo celiyo…iwm.

 

Danayste reer baanu kala jeclayn, wadaniyad baanu kala jeclayn jeebkiisa iyo magaciisa waxaan ahayn ma xeeriyo jago ka xaaraansanna ma jirto hankiisu waa maxaan liqaa, tusaale ahaan Musharaxiinta maanta tartamaya kii Danayste ah waxaa lagu garan karaa…

 

Musharaxa reerkiisu isu soo sharaxi karaan Madaxwayne ama Raysalwasaare oo doonta inuu Raysal Baarlamaan isu soo sharaxo isagoo u tartami kara Madaxwayne ama Raysal Wasaare waxaa ku jirta xumayn uu isleeyahay ku xumee kuwa kale ee reer kiisa ah ee isleh Labadaas jago u tartama isagoo ujeedadiisu tahay yaanay helin.

 

Taasna waxaad ka garan kartaa inaan ruuxaasi magaca, karaamada iyo sharafta reer kiisa kala jeclayn ee uu dantiisa kaliya u leg damayo. Mar hadduu karaamada iyo sharafta reerkiisa dhowri waayey ma cid kaluu tooda dhawrayaa jawaabtu waa maya somalidaa horay u tiri tiisaba daryeelaa tu kale ku dara… nin sumcadda reerkiisa dhowri waayey mid Somaliyeedna dhowri maayo.( Doqon xigtadaada ah).

 

Damdamle waa ruux malaasan oo aan codkar ahayn garasho iyo han fiican lahayn, haddana jecel inuu magac iyo karaamo helo(fadlan akhri maqaalkii ahaa Jaah Wareerka) Tusaale ahaan xafiis kasta waxaa jooga rag iyo dumar hoodaddo ah oo aan waxba qaban karin, qofkii wax qaban lahaana aan ogalayn inay gudbiyaan iyagoo ka baqaya in ruuxaasi booskooda lagu bedelo maadaama uu qaban karo wax yaabo badan oo aanay qaban karin. Taasina waxay keentaa in dadkii isu taagay inay wanaagga wax ka qabtaan ay soo geli waayaan aagaggii xafiisyada madaxda ama fursad ba ay u waayaan inay la kulmaan. ilaa ay ka maleeyaan inaan madaxdu doonayn inay la kulanto, oo ay markaa eed madaxdii dadkaasi dusha uga tuuraan. Waxaana laga yaabaa ama xaqiiq ahba inaan madax daasi waxba ka ogayn dadkaas laga hor istaagay inay la kulmaan oo wax badan tari lahaa. Waxaana dhici karta in xafiisyada madaxdaasi curyaamin badan oo shaqo xuma ah soo faadsaarto iyadoo ay eedeeda leeyihiin duulkaas Damdamla yaasha ah ama aan u aqaano HOODADDO(Doqon xigtadaada ah).

 

Haddaan usoo noqdo suaashii ahayd qof noocee ah ayaa soo celin kara…Waxaa soo celin kara qaranimadii, dawladnimadii, sharaftii, kalsoonidii, daacadnimadii, cadaaladdii, isu arxankii iyo ixtiraamki ruux…

 

Dulqaad leh oo daacad ah

Damiir iyo Dareen leh

Ixtiraam iyo qadarin leh

Turiinsho iyo ka damqasho leh

Waxna qaban kara…

Sifahaasna waxaa leh Cabdiwali M Cali Gaas…

 

Wax Qabad

 

Waxaynu wada ognahay in Cabdiwali Raysalwasaare loo magacaabay 23/06/ 2011 waxaa baarlamaanku u codeeyeen 28/06/2011kii..

 

20/07/2011 waxuu magacaabay xukuumad 18 wasiir ka koobnayd isla bishaas taariikhdu markay ahayd 28 /07/2011 waxaa la dhaariyey oo shaqo bilaabay xukuumaddii uu dhisay Cabdiwali M Cali Gaas…

 

Taariikhdu markay ahayd 23/06/2011 mawjadaha alshabaab waxay hirdinayeen meel aan wax badan ka durugsanayn madax tooyada…. 06/08/2011 waxaa xamar ka baxday Alshabaab. Ilaa maanta gobolo iyo degmooyin badan kuwada jiraan gacanta dawladda oo aan markii hore aan ku jirin oo ay haddana mawjadihii TFG ay maanta hirdinayaan meel aan wax badan ka durugsanayn Xaruntii ugu muhiimsanayd Alshabaab ee Kismaanyo.

 

Waxaa kaloo aan ka war haynaa is bedeladda badan oo uu ka sameeyey dhankii siyaasadda dibadda oo dawlado badani arinta Somaliya saamayn ku yeeshay sida shirarkii ka dhacay Britain, Turkiga iyo Italy oo dawlado badani kasoo qayb galeen.

 

Waxaa iyana xusid mudan in miiska la soo fariisiyey Somaliland oo ah tallaabo aan horay u dhicin in ay suurtoowdo xukuumidiisa ka hor… waxaa kaloo jirtay in abaarihii xukuumaddu ay dadaalo badan ka samaysay, musuq maasuqa iyadana dadaal badan ka samaysay inkastoon Somalida inta eedaynta jeceli inkiraan oo qariyaan wax kasta oo aan dadku wada arki karin…

 

Somaliyey anigu shaqsi ahaan waxaas oo dhan waxaa iga wayn hal wax oo ah inaan helno Dawlad maamulkeedo wada gaaro Somaliya oo dhan oo shicibku isaga gooshaan magaalo kasta iyagoon hagar daamo ka baqayn inay soo gaarto iyaga iyo maciishadooda… waxaana aan aamin sanahay in taas lagu heli karo inagoo is aamina oo kalsoonideenii soo ceshanna taasna waxaa inagu hogaamin kara waa ruux leh Dulqaad, Cabdiwalina waa ruux aad iyo aad u dulqaad badan haddaan lays xasdayn.

 

Dulqaad...

 

Dulqaadka waxaan ugu baahanahay waxaa inaga batay lugooyadii iyo anigaa khayrkii wada iyo wanaaggii. Taasoo been iyo waxaan jirin aakhrika isugu soo biyo shuban jirtay. Waxayna dhashay logooyadaasi inaan dadkii kaa akhrisan hadaad ku tiraahdo bohosha iska jir oo haku dhicin. Marka waxaa loo baahan yahay ruux u dulqaata wax kasta oo eedayn iyo rumaysi la’aan ah oo ka horyimaada dadkana tusa inuusan la mid ahayn duulkii hoogga baday oo uu ka duwan yahay isagoo waxii uu ballan qaaday oofinaya. Isagoo shaqsigaasi wax qabadkii iyo dulqaadkii isku wada dadkuna markaa arkaan inuu daacad yahay kana dhabaynaya ballan qaadyadii uu ku dhaartay markuu tartamayey, ilaa uu ka kasbado in dadku garab istaagaan.

 

Waxaynu marka wada ognahay tan iyo intii uu xilka qabtay Cabdiwali is hor imaadkii harayn jiray madaxda sare ee TFG ee hadba waddan looga yeeri jiray sii loo soo kala maslaxo aanay dhicin.

 

Waxaa markaa meeshaa fiirin uga baahan horta wax laysku qabsadaa ma dhacday oo la oran karo Cabdiwali dulqaad ayuu ka sameeyey…jawaabtu waa haa…

 

Tusaale haddaan usoo qaato waxaa laysku raacay wax la yiraahdo tubta nabadda oo laysku afgartay in Somaliya lagu saleeyo sideed iyo tobankii gobol dhammaan lixda saxiixa yaasha ahi waa isku raaceen oo qalinkay ku duugeen.

 

Haddana in madaxda qaar si toos ah ugu dhawaaqeen

 

in gobolo kale ay sameeyeen, degmooyin cusub sameeyeen…

Wasiiro shaqadii laga eryo oo wasiiro kala la magacaabo.

Maamul goboleedyo aan shuruuddii 18 gobol buuxin la aqbalo…iwm

Cabdiwali waxuu arimahaas is qabqabsiga keeni kara sameeyey dulqaad aad u wayn isagoo xoogga saaray sidii loo heli lahaa is bedel wayn oo xeer(dastuur) laysu cuskan kara xanbaarsan si markii arimahaasoo kale u yimaadaan loo helo sharci kala haga oo aan lagu xadgudbin… waana Allah mahaddii waxaa Maanta Somaliya yeelatay Dastuur loola noqon karo markii caqabadi soo food saarto madaxda dhexdeeda.

 

Marka Somaliyeey haddii sanad gudihiis xukuumaddii Cabdiwali ina gaarsiisay is bedello aad u badan oo aan been iyo haghago ahayn… Miyaanay ahayn wax Allah swtc loogu mahad naqo oo la yiraahdo Rabbiyoow mahaddaa adigaa Cabdiwali noo soo diray.

 

Somaliyeey miyaanay ahayn inaan siino Madaxwayne oo ku garab istaagno mar haddii mudadii gaabnayd ee uu Raysal Wasaaraha ahaa aan hawaysannay sifaalo dawladnimo…

 

Oraahbaa ahayd Diric Ma Mooga Doqonna Looma Sheego

 

Wa Billaahi Tawfiiq

 

Qore: Eng Abdirashid Abdi Daad

 

Email: Guurey@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Education....

 

Teaching and Academic Experience

 

 

08/20/2003-Present

 

Niagara University, Department of Commerce, Lewiston, NY

 

Associate Professor of Economics

• Taught Advanced Quantitative Methods: The course stresses practical applications of statistics to

business. Topics covered include factor analysis, nonparametric statistics, chi square, multiple

regression, time series analysis, and statistical process control. Each student is required to

complete a project using statistics in solving a realistic business problem.

 

• Taught Managerial Economics: This course is a combined Microeconomics and Macroeconomic

analysis. The microeconomic component of the course examines decision making by the

individual economic unit, addressing such topics as: demand and supply, price and output

determination, cost behavior, profit maximization, and competition. The macroeconomic

component examines models to explain: national output, inflation, and unemployment; and how

fiscal and monetary policies stabilize the economy.

 

• Taught Money and Banking: This course covers the functioning of the money and banking

system and its relationship with the rest of the economy. The course considers the nature of

money, the markets that allocate money to a variety of uses, the institutions that create and

5control the money stock, the flow of money and how it is related to employment levels, GDP,

inflation and interest rates, and international financial matters. Much attention is paid to

problems and issues requiring the attention of policymakers. Special attention is given to the role

of the Federal Reserve System as it affects the economy through the monetary policy.

 

• Taught Intermediate Microeconomics: This course covers intermediate level microeconomics

theory relevant to business decision-making. The course is intended to give students an

understanding of the economic environment within which businesses operate and to help you to

learn to use economics to analyze the reasons for business decision-making and how economic

decisions are generally made.

 

• Taught Economic Growth and Development: This course introduce students to the study of the

process of modern economic development. In doing so, it examines how standard micro-and

macro-economic theories apply in the presence of the market failures and weak formal

institutions that characterize developing countries. In the course of defining what development

is, economists and social scientists use terms like poverty, inequality, illiteracy, quality of life, etc.

Economic theory provides the fundamentals, a skeleton that can best serve as the framework for

discussions about economic development. At the completion of this course, students will have a

better understanding of what is meant by “development.” Students will also be familiar with

several theories of development, and what implications they have for this important part of the

world. Finally, this course will not focus on any country or region in particular, but will present

the experiences of a number of countries to illustrate major points.

 

• Taught Global Economics: This course examines the interdependence of economies to explain

macroeconomic developments in a global context. Models are developed to explain Gross

Domestic Product, unemployment, inflation, interest rates, exchange rates, and how economic

policy at the national level is impacted by economic policy and economic conditions abroad. This

course examines capital markets, foreign exchange markets, and labor markets in both a national

and international context. Case studies and current economic developments are examined in a

global perspective.

 

6/99-8/99

 

Harvard University Cambridge, MA

 

Teaching Fellow, Harvard Institute for International Development (HIID)

• Assisted the core faculty in teaching the summer executive program on environmental economics

and policy analysis (EEPA). My assignment was to teach and assist with the research projects of

students taking the methods track (which is heavy in economic theory and quantitative

methods).

 

• Prepared course material for class presentation.

• Held after class review sessions and if necessary one-on-one tutoring.

• Graded problem sets, homework assignments and final course papers.

 

9/98-6/99

 

Harvard University Cambridge, MA

 

Teaching fellow, John F. Kennedy School of Government

• Assisted the core faculty in teaching a graduate level course: markets and market failures. The

course was microeconomics applied to policy issues. It applied microeconomic reasoning to

public issues, policies, and programs. It considered economic incentives and organizations;

models of economic behavior, including markets, the absence of markets, and interventions in

markets; the price system and how it works; and policy objectives and instruments.

• Prepared course material for class discussion.

6• Held after class review sessions and if necessary one-to-one tutoring.

• Graded problem sets, homework assignments and term papers

Share this post


Link to post
Share on other sites

Summary of Qualifications

 

Extensive experience in teaching, research, statistics, growth and development, international political

economy, international economics, Money and Banking, applied macroeconomics, applied

microeconomics, monetary theory and policy, public choice and public finance.

 

Education

Ph.D. in Economics
, January 2000,
George Mason University
Fairfax, VA

Concentration: Applied microeconomics, applied macroeconomics, public finance, public choice, and

monetary theory.

 

MA in Public Administration
, June 1999,
Kennedy School of Government, Harvard University

Cambridge, MA

Concentration: Project appraisal and management, environmental economics, taxation and public

finance.

 

Certificate in Taxation
, June 1999, International Tax Program,
Harvard University Law School

Cambridge, MA

Concentration: Transfer pricing, comparative income taxation, comparative tax administration, valueadded tax, tax design and tax administration, tax analysis and revenue forecasting.

 

MA in Economics,
1988,
Vanderbilt University
, Nashville, TN

Concentration:
Economic development
and international trade.

BA in Economics (highest honors), 1984, Somali National University Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

2009-2010 Summer Research Grant by the Research Council of Niagara University on “Inequality and

Economic Growth.”

 

Awards

 

2007-2008 Summer Research Grant by the Research Council of Niagara University on “Corruption,

Economic Growth, and Environmental Quality: An Empirical Analysis.”

 

2006-2007 Summer Research Grant by the Research Council of Niagara University on “Foreign Aid,

Poverty and Growth.”

 

2005-2006 Summer Research Grant by the Research Council of Niagara University on “How Robust is the

Effect of Foreign Aid on Economic Growth.”

 

2004-2005 Summer Research Grant by the Research Council of Niagara University on “An Empirical

Analysis of the Determinants of Foreign Aid: A Panel Approach.”

 

The 2005-2006 Excellence in Research Award, College of Business Administration, Niagara University,

May 2006.

 

The 2003-2004 Excellence in Research Award, College of Business Administration, Niagara University,

May 2004.

 

The 2001 Best Article Award, Atlantic Economic Journal, October 2002.

 

The Best Paper Award, European Applied Business Research Conference, Edinburgh, Scotland, June

2004.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abwaan;855849 wrote:
Horta anigu ma dadkaan ka liitaa? Siyaasiyiinta ciddayda inaan buunbuuniyo maxaa ii diidey?

You have already spoken about A/Qaybdeed and there is nothing interesting about Cadow....:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Sawirada iyo cilmigiisa inta iska daysid noo sheeg wax qabadkiisii intuu xilka hayay

guushiisi ugu fiicnayd ma dastuur ku meel gaara ayuu dawlad rasmi ah ku dhisayaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this