Sign in to follow this  
Saalax

Northern Galkayo supports Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas)

Recommended Posts

Saalax   

Dibad-baxyo lagu taageerayo Musharaxnimada Prof; C/wali Maxamed Cali oo ka dhacday Gaalkacyo

 

Gaalkacyo (RBC Radio) Isu-soobax balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen qaar ka mida wax garadka Gaalkacyo oo ay ka dhex muuqdeen Maamo Sureer Cabdi Firin, Maamo Xaawo Xasan dheel (Xaawo cad), C/casiis Nuur Xaashi (Calas ) oo lagu taageerayo Musharaxnimada Ra,iisul wasaare Prof; C/wali Maxamed Cali (gaas) ayaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Mudug.

Boqolaal qof oo wata gaadiid aad u fara badan oo lagu soo xardhay Sawirka iyo hal-kudhigyo muujinaya kartida Prof gaas ayaa socod ku maray jidka laamigaa ee gudaha magaalada waxaana isu-soobuxu ka biloowday aggaarka dawladda hoose ee Gaalkacyo.

Dadka isu soo baxay oo watay Calanka Soomaaliya iyo Sawirka Prof; gaas ayaa markii danbe isugu soo qulqulay garoonka ciyaaraha ee Cawaale, waxaana halkaasi kula hadlay Siyaasiyiin, Isimo iyo waxgarad caan ka ah

bulshada dhexdeeda.

Masuuliyiinta maamulka gobolka Mudug ayaa ka mid ahaa xubnihii halkaasi ka hadlay sida weyna u taageerayay musharaxnimada C/wali Maxamed Cali wuxuuna codkiisa ku daray taageerada ballaaran ee la siinayo Proffessor C/wali Maxamed Cali.

Madaxweyne-ku xigeenkii hore ee Puntland Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) ayaa Dadka isu-soo baxay u sheegay inuu C/wali Maxamed Cali mudan yahay in la doorto Bulshada Mudugna ay siiyaan taageero dhan walbaa.

Mid ka mida Isimada Puntland oo lagu magacaabo Suldaan Maxamed Xasan Xaaji Cali oo ka mid ah madaxda dhaqanka ee ugu caansan Puntland ayaa isaguna la hadlay Boqolaalkii qof ee isugu yimid fagaaraha Cawaale Stadium ee Gaalkacyo.

20ka Bishan aynu ku jirno ee Augst ayaa la wada sugayaa inay Soomaaliya ka gudubto marxlada Kumeel gaarnimada waxaana dalka iyo dibadiisaba ka soconaya abaabulo kala duwan oo ay wadaan musharaxiinta doonaya xilka madaxtinimo ee Soomaaliya.

Prof ; C/wali Maxamed Cali oo muddo fara badan ku noolaa Dalka Maraykanka ayaa tan iyo markii uu ku soo biiray saaxa siyaasadeed ee Soomaaliya waxaa wax badan ku soo kordhiyay hanaanka qaranimo ee Soomaaliya, waxaana intii uu ahaa Ra,iisul wasaaraha Soomaaliya uu wax badan ka qabtay arimo badan oo ay ka mid tahay xoraynta gobolo badan oo ay horay u haysteen kooxaha ka soo horjeeda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Raxanreeb

Gaalkacyo Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

galkacyo supports abdiweli. subburban districts like baraxley also support abdiweli. qabydiid is fine with abdiweli.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Mooge;855633 wrote:
galkacyo supports abdiweli. subburban districts like baraxley also support abdiweli. qabydiid is fine with abdiweli.

See, they don't realise the brotherly nature between Galmudug and Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this