Sign in to follow this  
Che -Guevara

Yusuf Garaad Leaves BBC

Recommended Posts

Maaddeey   

The going to and from the masjid also that you dont want people think you are taking orders!. Lakin waxaas waxaa isku fuuqsaday markaad ani iyo che-ba agents nagu tuhuntay, lakin waa Ramadanoo waa iska kaa saamaxay, laa tacud. :)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Apophis;855195 wrote:
I wonder now if I can apply for a job
:D

loool...Apophis, I will let you know if I hear the job being advertised but you have to know that a lot of Maryooleey will compete with you for getting this post.

 

Yuusuf Garaad Illaa sannadkii 2009 wuu daneynayey inuu tartanka madaxtinnimada Soomaaliya dhinac ka galo. In fact, doorashadii Jabuuti wuuba isku dayey ee Shariifka ayaa banooniga xabadka ku watey, suurto-galna ma ahayn inuu Yuusuf meesha soo galo.

Ma hubo inaan anigu codkayga siin lahaa Yuusuf waayo dhaliilo xagga maamul-marooqsi iyo inuusan wax badan u adkaysan karin in la mucaarado amase fikrad lagaga horyimaado ayuu leeyahay, laakiin raggiisa ayuu wax la qabaa oo rag badan waa ka horreeyaa. At least darawal tagsi iyo bas ma ahan oo si waalli ah u damcaya inuu Soomaaliya hoggaamiyo, balse shaqada BBC-dana wax badan buuba joogey marka loo fiiriyo taasi waxay siinaysaa sumcad fiican marka loo fiiriyo sida uu ugu negaadey. Dadka aan isleeyahay waa caynayaan waa dad dano kale leh oo weliba la is dhihi karo waa some brainwashed Somaliland iyo Puntland supporters kula dagaalsan muxuu adeeryaalkay BBC-da har iyo habeen uga waraysan waayey amase u dhaliilay maamulladooda.

Waryaa xaasidnimada iska daaya ee ninka libtiisa u oggolaada. Anigu intaan ka aqaanno xagga dabeecadda shakhsiyeed ma ahan nin af xun oo dadka aflagaadeeya oo waa nin asluub leh marka sida isku dhaama.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Diinta inuusasn ku fiicnayn baan ka cabsanayaa maahee waa nin u qalma madaxtinimada Soomaaliya. Dictator-nimo yarna waa ku jirtaa sida Abwaan sheegay lakin inta badan waxa looga hor yimid isagaa igula saxan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Duceysane waa runtaa, balse sideedaba waxaa la dhahay Gaal dil gartiisana sii...Anigu shakhsiyan maba u qarin iimaha aan isleeyahay waa leeyahay Yuusuf, Maaddeey ayaa iigu daray midda xagga diinta ah ee aan ka tegey, xitaa codkayga inaan siin lahaa ma hubo ayaan dhahay. It is ok in la dhaliilo and runtii in la isku cammiro maba fiicna qofkii public figure ah wax waa laga sheegi karaa balse dacaayadaha qabiilka ku dhisan ragga meelaha la taagan baan la yaabay oo habar kasta oo ciddooda ahna malaa'ig nooga dhigaya dadka kale oo dhanna waraabeyaal ka dhiga. I don't need inaan magacyada dadkaas sheego iyagaaba is garan sida runta ah.:D

Anigu waxaan dhihi lahaa Yuusuf Wasiirka warfaafina hallaga dhigo.:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Yuusuf Garaad waa run dadkiisuu wax la qabaa waxaanse ka baqayaa siduu BBC-da ugu gabood falay inuu dalkana maqaaxi uu leeyahay ka dhigto. Anigu waxaanba qabaa inuu SL iyo PL u naageeyo - Waa fikrad ka duwan ta Abwaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Taleexi;855357 wrote:
Yuusuf Garaad waa run dadkiisuu wax la qabaa waxaanse ka baqayaa siduu BBC-da ugu gabood falay inuu dalkana maqaaxi uu leeyahay ka dhigto. Anigu waxaanba qabaa inuu SL iyo PL u naageeyo - Waa fikrad ka duwan ta Abwaan.

loool...Taleexi, taas waa la is dhihi karaa markii laga fiiriyo xagga maamullada kale, sida Khaatumo, Galmudug etc. Kuwaan Somaliland iyo Puntland dhaleecayntooda ayuu ka cararaa markaas buu maamullada kale cagta saaraa.:D Anigu waxaa keliya ee aan sheega in ragga ku dheggani ay ka tahay maxaad maamulladeenna idaacadda uga dhaliishay amase fikrado ka soo horjeeda BBC-da uga soo deysaa.

Xoogaa waxaan Yuusuf kula yaabay siduu dowladda uga soo horjeeday oo uu mucaaradkeeda u buunbuuniyo, Sida Shabaab, Xisbul-Islaam IWM.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this