Sign in to follow this  
Aaliyyah

Wafdiga Khaatumo State Oo Muqdisho Kula Kulmay Safiirka Dalka Turkiga

Recommended Posts

Aaliyyah   

Lasanod Online. Saturday, July 28, 2012

Muqdisho,(lasanod Online)- Wafdi ka kooban golayaasha maamulka Khaatumo state, ayaa kulan ballaadhan la qaatay safiirka dalka Turkiga u jooga Soomaaliya Dr: Kani Torun iyo hay’adaha khariga ah ee dalka Turkiga u qaabilsan dib udhiska dalka Soomaaliya ee TIKA.

Kulankan waxaa goob joog ka ahaa Wasiirkii hore ee warfaafinta Boostaha iyo Isgaadhsiinta ee dalka Soomaaliya Dr: Abulkareem Hassan Jaamac, isla markaan ah xubin ka tirsan golaha G10 ayaa waxaa qayb ka ahaa qaar ka mid ah golaha sare ee dhaqanka Khaatumo iyo wasiirka amniga dawladda Khaatumo Col. Maxamed Saleebaan Ducaalle.

Dhinacada Khaatumo ayaa ugu horeyn uga mahadceliyey walalaha Turkiga gacanta baxaada leh, ee ay ka gaysteen caawinta iyo gacan qabashada shacabka Soomaaliyeed. Iyo dedaalka balaadhan ee dawladda iyo shacabka Turkigu la barbar taagan yihiin walalahooda Soomaaliyeed guud ahaan, Iyo weliba martigelinta shirkii balaadhnaa ee 27kii may ka furmay Istanbul, kaasoo ahaa shirkii ugu balaadhnaa ee noociisa ah ee Soomaalida la isugu keeno ilaa heer oday dhaqameed.

Odayaasha dhaqanka ee khaatumo ayaa u bandhiga baahiyaha ka taagan deeganada Khaatumo oo aysan inta badan soo gaadhin deeqaha Caalamiga ah, iyo kuwa dawladda dhexeba, waxayna u sheegeen in ay u baahan yihiin inay helaan waxii xuquuq ah ee ay leeyihiin shacabka Khaatumo State.

Safiirka dalka Turkiga ee Soomaaliya ayaa sheegay in dawladdiisu ay daacad ka tahay arimaha Soomaaliya, isla markaana ay xaq tahay in si cadaalad ah loo helo dhamaan deeqaha ay bixiso oo dhulka Soomaaliya ay gaadhaan, wuxuuna sheegay in reer Khaatumo ay xaq u lee yihiin inay helaan mashaariicda.

Waxyaabaha la isla afgartay in walalaha Turkigu wax ka qabtaana waxaa ka mid ah, Biyaha , Garoomada iyo waxbarashada oo ay si quman uga taageeri doonaan dawlad goboleedka Khaatumo State.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Saalax   

Siyaasiyiin Iyo Madax-dhaqameed Reer Khaatumo Ah Oo Fadeexad Ka Dhaxlay Kulan Ay Maanta Muqdisho Kula Yeesheen Safiirka Dawlada Turkiga U Fadhiya Muqdisho

Muqdisho (Ramaas) July 28,2012 – Kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo oo qaar ka mid ah siyaasiyiintooda iyo Madax-dhaqameedkoodu ku sugan yihiin Magaaladda Muqdisho ayaa maanta kulan la yeeshay safiirka dalka Turkiga u fadhiya Somaliya, waxayna ka dalbadeen caawiyo dhinaca bani-aadaminada ah.

Kooxda Khaatumo oo dedaal ugu jira sidii ay dhaqaae u heli lahaayeen ka dib markii ay soo waajahday dhaqaale la’aan sababtay in warbaahinta ka sheegaan ayaa dawlada Turkigu ka dalbaday caawiyo dhinacyo badan ah, iyagga oo dawlada Turkigu ugu cawday in deegaanada Sool iyo Buuhoodle aanay gaadhin caawimada Turkigu, sidaa daraadeedna wax laga soo gaadhsiiyo.

Kooxdan oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Saleebaan Ducaalle oo kooxda Khaatumo ugu magacaaban wasiirka Amniga iyo dhowr Madax-dhaqameed ah ayaa safiirka Turkiga ee Somaliya Dr: Kani Torun iyo masuuliyiin ka socday hay’adda Turkiga u qaabilsan dib u dhiska Somaliya ee TIKA, ayaa si weyn ugu calaacalay isla-markaana si toos ah u dalbaday in loo sameeyo ceelal biyood, goobo waxbarasho iyo garoomo diyaaradeed.

Safiirka Turkiga ee Somaliya Dr: Kani Torun oo la hadlay siyaasiyiintan iyo Madax-dhaqameedkan Somaliland ka falaagoobay ayaa u sheegay in dawladiisu ka shaqeynayso sidii dib loogu dhisi lahaa Somaliya, balse aanay waxba ka khusaynin arimaha gaargaarka ah iyo afkaarta ay kala qabaan dadka Somalida ah.

Dr: Kani Torun, waxa uu kooxdaasi ka dallbaday in aanay ku mashquulin arimaha la xidhiidha Khaatumo, bale ay ka shaqeeyaan sidii deegaankooda nabad uga dhalin lahaayeen, ka hor horumarinta ay dalbanayaan.

Hadal Ambassador Dr: Kani Torun ayaa dhabar jab ku noqday kooxdaasi la kulantay, waxayna xafiiska safiirka ka dareereen iyagga oo madluunsan isla-markaana bahdilan.

Ramaasnews Desk

Hargeisa

Share this post

Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Wufuudii Khaatumo State ee ku Sugnayd Muqdisho oo Kulan Balaadhan La Yeeshay Safiirka Dalka Turkey u Fadhiya Soomaaliya

turki2.jpg

DSCN2110.jpg

DSCN2107.jpg

DSCN2105.jpg

Share this post

Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Wufuudii Khaatumo State ee ku Sugnayd Muqdisho oo Kulan balaadhan la yeeshay Safiirka Dalka Turkey u fadhiya Soomaaliya

DSCN2129.jpg

DSCN2112.jpg

DSCN2110.jpg

DSCN21021.jpg

A_Khadar   

Saalax;853312 wrote:
Siyaasiyiin Iyo Madax-dhaqameed Reer Khaatumo Ah Oo Fadeexad Ka Dhaxlay Kulan Ay Maanta Muqdisho Kula Yeesheen Safiirka Dawlada Turkiga U Fadhiya Muqdisho

Muqdisho (Ramaas) July 28,2012 – Kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo oo qaar ka mid ah siyaasiyiintooda iyo Madax-dhaqameedkoodu ku sugan yihiin Magaaladda Muqdisho ayaa maanta kulan la yeeshay safiirka dalka Turkiga u fadhiya Somaliya, waxayna ka dalbadeen caawiyo dhinaca bani-aadaminada ah.

Kooxda Khaatumo oo dedaal ugu jira sidii ay dhaqaae u heli lahaayeen ka dib markii ay soo waajahday dhaqaale la’aan sababtay in warbaahinta ka sheegaan ayaa dawlada Turkigu ka dalbaday caawiyo dhinacyo badan ah, iyagga oo dawlada Turkigu ugu cawday in deegaanada Sool iyo Buuhoodle aanay gaadhin caawimada Turkigu, sidaa daraadeedna wax laga soo gaadhsiiyo.

Kooxdan oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Saleebaan Ducaalle oo kooxda Khaatumo ugu magacaaban wasiirka Amniga iyo dhowr Madax-dhaqameed ah ayaa safiirka Turkiga ee Somaliya Dr: Kani Torun iyo masuuliyiin ka socday hay’adda Turkiga u qaabilsan dib u dhiska Somaliya ee TIKA, ayaa si weyn ugu calaacalay isla-markaana si toos ah u dalbaday in loo sameeyo ceelal biyood, goobo waxbarasho iyo garoomo diyaaradeed.

Safiirka Turkiga ee Somaliya Dr: Kani Torun oo la hadlay siyaasiyiintan iyo Madax-dhaqameedkan Somaliland ka falaagoobay ayaa u sheegay in dawladiisu ka shaqeynayso sidii dib loogu dhisi lahaa Somaliya, balse aanay waxba ka khusaynin arimaha gaargaarka ah iyo afkaarta ay kala qabaan dadka Somalida ah.

Dr: Kani Torun, waxa uu kooxdaasi ka dallbaday in aanay ku mashquulin arimaha la xidhiidha Khaatumo, bale ay ka shaqeeyaan sidii deegaankooda nabad uga dhalin lahaayeen, ka hor horumarinta ay dalbanayaan.

Hadal Ambassador Dr: Kani Torun ayaa dhabar jab ku noqday kooxdaasi la kulantay, waxayna xafiiska safiirka ka dareereen iyagga oo madluunsan isla-markaana bahdilan.

Ramaasnews Desk

Hargeisa

;);) Someone define Fadeexad for me. Successionists beryahan afsomali kalay ku hadlaan show.. Qoraalkan bal soo yar hagaajiyo oo fadeexada bal waxoogaa butac ka soo dhiga..

Share this post

Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Hadal Ambassador Dr: Kani Torun ayaa dhabar jab ku noqday kooxdaasi la kulantay, waxayna xafiiska safiirka ka dareereen iyagga oo madluunsan isla-markaana bahdilan.

;);) Salaaxa enjoys this part mostly..

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this