Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Sheikh Shariif Sheikh Axmed Campaign Thread

Recommended Posts

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ku eedeeyay Kooxda daba galka Qaramada Midoobey ee Monitoring Group inay ka mid yihiin Cadawga Soomaaliya, isagoo si kulul uga jawaabay warbixintii dhowaan ay soo saareen, kaasoo madaxda dowladda ay ku eedeeyeen inay lunsadeen lacago fara badan oo deeq ahaan u heshay.

 

Khudbad dhinacyo badan taabaneysay oo uu Madaxweynaha ka jeediyay Munaasabad maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho oo lagu taageerayay in mar kale xilka madaxtinimada uu qabto, isla markaana daah fur u aheyd ololihiisa doorashada ayaa waxaa ka qeyb galay boqolaal ruux, oo isugu jiray Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda, Wasiiro, Odayaasha dhaqanka, salaadiinta, Imaamyada, Qeybaha bulshada iyo Ururada Haweenka.

 

Munaasabadan oo aheyd tii u horeysay nooceeda ee Muqdisho ka dhacdo ayaa lagu soo beegay, iyadoo muddo 33-cisho ka harsan tahay doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya oo la qabanayo 20-ka bisha Agosto.

 

Ka qeyb galayaasha Munaasabada ayaa watay boorar ay ku xardhanaayeen sawirka Madaxweynaha, sidoo kale haween xirnaa dharka hidaha iyo dhaqanka, Fanaaniinta Hobolada Waabari oo suugaano kala duwan soo bandhigay iyo ruwaayado ka turjumeysay waxqabadka Madaxweynaha mudadii uu xilka hayay iyo inuu mar kale sii qabto Xafiiska Madaxweynaha.

 

Ugu horeyn waxaa Khudbadaha ka jeediyay Munaasabada oo muddo ka badan lix saacadood ka socotay Hotelka City Palace, Mas'uuliyiin, Odayaasha dhaqanka, sida Salaadiinta, Ugaasyada iyo Imaamyada, kuwaasoo taageeray in Madaxweyne Shariif sii haayo xilka, isla markaana dib ugu soo laabto kursiga Madaxtinimada, iyagoo qaarkood si dhoola cadeyn ah u sarbeebay in muddo 10-sano hada soo socota uu xilka sii haayo, maadaama uu nin dhalin yaro ah.

 

Isagoo wajigiisa ay farxad ka muuqato, hareerahana ay ka fadhiyeen Marwooyinkiisa ayuu u cadeeyay taageerayaashiisa in wali diyaar u yahay, in isagoo dhalinyaro ah Soomaaliya gaarsiiyo mustaqbal iftiin leh oo lagu gaaro dowladnimo, midnimo iyo xasilooni.

 

"Waxaan u baahanahay inaan xaqiijino mustaqbal umada Soomaaliyed ay leedahay oo iftiimiya,dadka dhalinyarada aan dhaho aniga ugu yarahay, waqti badana ka soo lhumay, wali dowladnimo ma arkin dowladnimo lagu mushaaxo waqtigeena hada joognaa.

 

Madaxweyne Shariif ayaa dalbaday in fursad la siiyo, si dalka ay u gaarsiiyaan mustaqbalka jiilka cusub ee da'da yarta ah inay xilka kala wareegaan, isla markaana aanay diyaar u aheyn inay meesha iska joogaan sida uu yiri

 

"Waxaan u baahanahay in fursad nala siiyo, anaga mustaqbalka insha allaah waxaan u diyaarineynaa kuwo naga yar yar iyo caruurteena meesha iskama joogi doono, baahida dowladnimo loo qabo anagaa fahamsan, odayaasha waxaa laga yaabaa inay ku soo noolaayeen daruuf aad u fiican, anaga waxaa la kulanay qub iyo qac, waan u diyaarsanahay inaan sikin aan beel dareyn fursadaas, waxaan rabnaa inaan ka faa'ideysano gododkii dadkii naga horeeyay ay ku dhaceen, si aan qaranka naga dumin mar kale"ayuu yiri Madaxweynaha oo aad u dhoola cadeynayay.

 

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu dalka ku hogaamiyo dareen Soomaalinimo, Mas'uuliyadeedn iyo dareen wadaniyadeed, isagoo tilmaamay inay maskaxda ku heyn doonaan in xisaab alle ay xagiisa lagala hortagi doono.

 

"Waxaan rabnaa howshii aan soo bilownay in aysan dhexda ka kala go'in oo aan shacabka Soomaaliyed gaarsiino, doorashooyin xor ah, degmo kasta iyo gobol kasta sanaadiiq in la dhigo, oo dadka ay ku doortaan, sidaas rabnaa insha allah"ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

 

Mar uu soo hadal qaaday warbixintii ka soo baxday Kooxda Monitorin Group ayuu mar kaliya afka kala furtay, isagoo ku tilmaamay Kooxdaas inay ka mid yihiin Cadawga Soomaaliyed, isagoo meesha ka saaray inay lunsadeen hanti.

 

"Kooxdan la yiraah Monitoring Group, hada Report soo saartay waxay ka mid yihiin cadawga umada Soomaaliyed, 20-kii sano la soo dhaafay Repor ma sameeyeen, maxaa diiday inay baaritaan u sameyn waayeen, dadaa la dhacay dad ayaa la dilay, dadka la kufsaday balaaya dhacday, wax repor ay ka sameeyeen ma jiraan, dowladda markii lagu dhisay Jabuuti, boqol doolar nalooma dhiibin, cid aan lacag ka soo qaadeyno oo noo muuqata ma jirin, Ganacsatada u yeernay Hotelada Isbaheysiga aan aheyn waxaa lagu leeyahay deen, dowladii mas'uuliyadeeda la wareegnay deyma lagu leeyahay, lacaga ka deensanay soomaalida, halkan ayaa nimid Malyan iyo labo boqol kun ka deensanay, inlee wax wax lagu dhaqaajiya la la'yahay"ayuu si kulul u yiri.

 

Waxaa uu sheegay in Ganacsatada qaar ay wali deymahooda ka maqan tahay, isla markaana aan la siin, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay Warbixinta oo ujeedadeeda aheyd in dowladda lagu bur buriyo.

 

"Madaxda dowladda waxaa mas'uuliyad saaran, in xoolaha shacabka inay ilaaliyaan, sharafkooda inay ilaaliyaan, dowladnimada ka shaqeeyaan, qofkii ka leexdana waa qof naftiisa qiyaanay, waxaa ku jira Repor waxyaabo aan rabo inaan wax ka sheego oo aan cadeeyo, matalan, lacago dowlado kala duwan ay na siiyeen oo la yiri lacagahaas waa maqan yihiin, waxaa fiicnaan laheyd maanta inuu joogo xisaabiyaha guud ama Bankiga, waxaa ka mid ah lacag laga keenay Cumaan, saddex milyan ayay aheyd, waa la keenay, waxay ku baxday kuligood shaqada dowladda, qeyb waxaa lagu bixiyay deymihii lagu lahaa ciidamada, qeyb waxaa lagu bixiyay baarlamaanka, qeybihii kale waxaa lagu bixiyay adeegihii kale ee shaqo, Bankiga ayaa martay"ayuu yiri Madaxweynaha oo ka jawaabayay eedeynta ku aadan lacagaha dowladda ay lunsatay.

 

Mar uu soo hadal qaaday lacagaha lagu eedeynayo in Xukuumadii Farmaajo lunsatay, isagoo tilmaamay in aanay waxba ka jirin.

 

"Waxaa ka mid ah lacag lagu eedeeyo Ra'isal wasaare Farmaajo, ayadoo culeys jiray ayay soo gashay, qeybo ka mid ah ayadoo Bankiga marin la isticmaalay, maxaa yeelay dhibaato ayaa jirtay, qeybana waxaa la mariyay Bankiga, hadii Bankiga aan la marin waa maamul xumo sax, laakiin go'aanka dowladda is ka leh"ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

 

Madaxweynaha ayaa tibaaxay in warbixintan lagu soo aadiyay xilli is bedel ka jiro Soomaaliya, isla markaana warbixintii ka horeysay ee Qandaraaslayaasha hey'adaha gar gaarka lagu eedeeyay inay musuq maasuqaan raashinka iyana la musuq maasuqay, taasoo uu xusay inay joojisay kaalmadii laga heli jiray dowladaha caalamka, isla markaana ay ka dhalatay macluushii inay baahdo.

 

"Waxaan rabaa inaan idin sheego in arrintan lagu soo aadiyay Soomaali is bedel ka jiro, warbixintii ka horeysay waxaa lagu soo aadiyay xilli Soomaaliya ka jireen Abaaro, report waxaa ku jira hey'adaha gar gaarka bani'aadanimada, ee UN-ka u shaqeeya iyo dad soomaaliyed ganacsato in lagu eedeeyay, inay wax musuq maasuqaan ama xiriir la leeyihiin Al-Shabaab taas waxay dhalisay dowladihii deeqda bixinayay, inay joojiyaan deeqdii maxaa ka dhashay, macluushii inay baahdo ay dadka dhintaan ka dhashay, kana waxaa la rabaa in dowladda inay bur burto"ayuu si kulul u yiri Madaxweyne Shariif.

 

Ugu dambeyn munaasabadan ballaaran ee uu Madaxweynaha afka ku kala furtay ayaa ku soo aaday iyadoo Madaxda dowladda lagu eedeeyay inay lunsadeen lacago malaayiin oo deeq ahaan dowlado uga heshay, waxaana socda xilligan ka gudbista xilliga kala guurka iyo doorashada madaxtinimo Soomaaliya oo dhaceysa 20-ka bisha Agosto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Munaasabad Madaxweyne Shariif ku soo bandhigayo waxqabadkiisa oo Muqdisho ka dhacday

 

Munaasabad uu soo qabanqaabiyay Madaxweyne Shariif Sh. Axmed isla markaana lagu soo bandhigayo waxqabadka Madaxweynaha iyo musharaxnimadiisa ayaa iminka ka socota magaalada Muqdisho, munaasabadaasi oo ay ka soo qeyb gelayaan xubnaha Dowladda KMG intooda badan ayaa la filayaa in saacadaha soo socda Madaxweyne Shariif uu ka jeediyo khudbad uu ku faahfaahinayo ujeedadiisa ku aadan qabashada munaasabadaasi ballaaran.

 

Kulaan oo aan noociisa sanadahan lagu qaban magaalada Muqdisho ayna ka soo qeyb gelayaan kumanyaal qof oo isugu jira madax ka tirsan DKMG ah, siyaasiyiin, shaqsiyaad magac leh, iyo dad rayid ah boqolaal ruux oo isugu jira Mas'uuliyiin, Qeybaha bulshada, odayaasha dhaqanka, culumaa'udiin, Haween iyo fanaaniin.

 

Gudiga Ololaha doorashada ee Madaxweyne Shariif oo soo qabanqaabiyay kulanka ayaa waxaa ka qeyb galayaasha ay ku soo bandhigayeen cida ay u arkaan inay jagada Madaxtinimada qabto, waxaana qeybaha bulshada ay lulayeen sawirka Madaxweyne Shariif.

 

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Muqdisho u diyaar garowday marti gelinta ergooyinka ansixin lahaa dastuurka, soona xuli lahaa Xildhibaanada cusub, iyo doorashada madaxtinimada ka dhaceysa Muqdisho.

 

Waxaa sidoo kale kulanka hadallo kala duwan ka jeediyay qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka, sida Salaadiinta, Ugaasyada, Malaaqyada iyo Imaamyada, iyadoo ilaa shan oday dhaqameed matalayay shanta beelood ay khudbado ay ku muujinayeen in Madaxweyne Shariif dib mar kale u qabto madaxyinimada ka jeediyeen, iyagoo ku ammaanay mudadii uu xilka madaxweynenimo hayay.

 

Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in si howsha dalka ka socota loo sii ambaqaado ay doonayaan in Madaxweyne Shariif mar kale sii haayo xilka madaxweynenimo, iyagoona caddeeyay in mansabka madaxweynenimo aan lagu tijaabin shaqsi aanay Soomaalidu aqoon badan u lahayn, balse Madaxweyne Shariif ay ******** waxtarkiisa.

 

Madaxweyne Shariif oo aan weli soo xaadirin madasha kulanka ay soo qabanqaabiyeen guddiga doorashadiisa ayaa la filayaa inuu halkaasi ka jeediyo khudbad ballaaran oo uu uga hadlayo dowladiisu inay tahay tan kaliya ee qabatay wax muuqda, isla markaana ka codsanaya qeybaha bulshada Soomaaliyeed inay mar kale xilkaasi u doortaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxqabadka Sheikh Shariif Part 1

 

QEYBTA 1-KOOWAD:- 30 kii Janaury ee 2009 waxaa hoolka Doorashada ay ka dhaceysay oo ay ku sugnaayen Siyaasiyeen, aqoonyahaano, waxgarad lagu doortay Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed oo ku guuleystay Aqlabidaya ugu badan Codeynta, Doorasho kadib Madaxweyne Shariif waxa uu siyaasiyiinta iyo Masuuliyiin ka socday beesha caalamka ka hor cadeeyay in uu ahaan doono madaxweyne daacad u ah Dalka iyo dadka.

 

Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed ayaa kusoo baxay Cod 293 waxaana Xaflado loogu dabaal dagaayo Madaxweynaha Durbadiiba ka dhacday Gabi ahaan Dowladaha Caalamka oo ay ku dhaqan yihiin ummada soomaaliyeed taasoo ka turjumeysay in ummada soomaaliyeed ay baahi weyn u qabtay Nabad iyo kala danbeyn, intooda badan umadda soomaaliyeed horayna uma aynan soo arkin Dalka soomaaliya oo Madaxweyne baahi tira Bulshada yeeshay tani markii ay dhacday Dowlada Soomaaliya markii laga reebo Dowladii Marxuum Cabdullahi Yuusuf oo iyadu lagu eedeeynaayay xiligaasi in ay horsed u noqotay burburka soomaaliya soona ka xeysatay Ciidamo lid ku ahaa Horumarka iyo dhismaha soomaaliya

 

Tirada Codka iyo guusha Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed kadib waxa uu Khudbad Dheer ka jeediyay Siyaasiyiinta iyo Beesha caalamka Hortooda waxaana kamid ahayd Khudbadiisa ‘’ Waxan halkaani ka salaamaya Siyaasiyiinta,Baarlamaanka,beesha caalamka iyo Dowlada Djabuti oo marti galisay doorashadaani, waxan sidoo kale u mahad celinaaya Saaxiibaday ama walaalahay igala soo qeyb galay tartanka oo qiimaha tartanka uu leeyahay siiyay Gaar ahaan walaalkey Maslax Mohamed Siyaad Barre oo natiijo aad u wanaagsan muujiyay, waxan sidoo kale u mahad celinaaya walaalkey Nuur cadde oo ah Raisul wasaarihii hore oo dadaal badan kasoo geestay wada hadalada iyo wanaaga intaan nasoo gaarsiiyay intaa kadib Mudanayaal iyo Marwooyin waxaa sharaf weyn ii ah in aan kalsooni iyo taageero ka helo dhankiina waana idin kaga mahad celinaaya, waxan balan qaadaya in aan cadaalad ku dhaqi doono dalka iyo dadka soomaaliyeed adinkuna kama marna in aad garab igu siisaan masuuliyada aan xinbaarsaday’’ Nuqul kamid ah Khudbadii ugu horeysay Madaxweynaha kadib markii codka lagu dhawaaqay.

 

Ku dhawaad Dhowr asbuuc ilaa iyo Bil kadib Madaxweyne Shariif waxaa loo galbiyay Magaala madaxda soomaaliya ‘’Mugdisho ’’ waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay Masuuliyiin katirsan Dowladii Cabdullahi Yuusuf oo xiligaasi xilka kasii dageysay, waxaana xusid mudan in xiligaasi Gabi ahaan magaalada Muqdisho ay ka socdeen Banaanbaxyo lagu taageerayay Madaxweynaha Cusub Sheikh Shariif Sheikh Axmed

 

intaa kadib Madaxweynaha waxa uu ka hadlay Warbaahinta Magaalada Muqdisho isaga oo ku wacad furtay in uu waxbadan ka badali doono marxalada Dalka uu ku sugan yahay islamrkaana dadka u tabaaleysan Nabada iyo Horumarka uu taabsiin doono waxqabad muuqda Sheegayna in iyaguna looga baahan yahay in ay taageeran Nabada kalsoonina siiyan Dowlada Cusub.

 

TALAABADII UGU HOREYSAY UU QAADAY MADAXWEYNE SHARIIF .

 

Madaxweyne Shariif Howshii ugu horeysay Dhamaadkii 14 jan 2009 waxa uu ka bilaabay in dalka soomaaliya uu ka saaro Ciidamada Ethiopia oo xiligaasi garab istaagsanaa Dowlada Marxuum Cabdullahi Yuusuf islamarkaana duqeyn iyo barakac ku haysay dadka soomaaliyeed waxa ayna hoobiyayaal ku garaaceysay Goobaha Dadka rayidka ay ku ganacsanaayen, taasina waxa ay soo dadajisay in Ciidamadii Marxuum Cabdullahi Yuusuf iyo Kuwa Ethiopia ay ku gacan seeran Go’aankoodii ahaa wax kabadalka marxalada dalka soomaaliya katagneyd

 

Muddo kooban Kadib waxaa bilowday in Urura diimeedyada ay kasoo horjeestan Dowlada Cusub ee Madaxweyne Shariif oo ay dadku ku riyaaqeen maadaama Sheikh Shariif xiligaasi loo aqoonsanaa in uu katirsanaa Maxkamadaha islaamiga waxbadana kabadalay 6-bilooda Gudaheeda Magaalada Muqdisho, Madaxweynaha waxaa hawada loo mariyay durbadiiba Canbaareyn iyo Dhaliilo halka Alshabaab iyaduna ay ka gaaleysiisay Madaxweynaha Hayeeshe Shariif Sheikh Axmed arintaasi dhag Jalqa uma siinin balse waxa uu u ambaqaaday soo celinta Bilicda dalka soomaaliyeed iyo waliba Guud ahaan amaanka, durbadiiba waxa uu kala nidaamiyay Qeybaha kala duwan Ciidamada Dalka soomaaliya isaga oona u qoray mishear ku filan gabi ahaan Ciidamada si looga sal-gaaro Nabada iyo Horumarka dalka soomaaliya

 

Waxaana xusid Mudnayd in xilalka uu u magacaabay Mudanayaal Karti u leh howshaasi ……

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this