Sign in to follow this  
Carafaat

Shirib Style

Recommended Posts

 

 

 

 

Xalayaan riyoodoo oo qalbigu raaxo uu helaye

Hala raaya aan yeeldhay iyo wiilal aan raacsho

Saca raaya aan yeeldhay oo Dibbigu raawaayo

Riyo badana waa yeeldhay, oo laga ruxaa caano

Reer qurxoona waa yeeldhay ,iyo Ra’ iyohaaman

Risqi badana waa helay iyo Ribix aduunyaale

Raalli naaga aan yeeldhay, oo saan raba u taalla

Wiilal ragana ay ii dhashiyo, riigtan lagu faansho

Ra’liga hadday soo galaan, laga rumaysaayo

Aniguna rijaal aan naqdhay iyo oday Bun ruugooba.

 

Raaxadii minaan helay, dantuna saan rabo u taallo

Aan rakooc ka soo iri hurdada, reedahana fiirshay

Minaan dayey wax ii raaya maleh, raadna kuma yaallo

Ee rabaan cawada seexdayaan, madax ku riiqaayey.

 

Waxaan iri: riyooy waa hubood caawa iga reeysay

Waxay tiri: adaa rabay asaan sida u rooraayey

Waxaan iri: minaan rabayna waa shaqadii ruuxaanta

Waxay tiri: wax ruuxaan la dhaho, raadka kuma saarin

Waxaan iri: maxay rorojiyoo, rigixa ii geeystay?

Waxay tiri: ma roogsane, rabtaad luga rafaadaysay.

 

Waxaan iri: rag kale maa aragtoy riyo ku dheelayso

Waxay tiri: raggaan badan, sidow rabo riyow sheegta

Waxaan iri: runtaa maahan oo ribixi buux waaye

Waxay tiri: hadduu ruux ordo xaa rabta u yaalla

Nin weliba asoo weliba rabaa laga ridaayaaye.

 

Ka dibaan rumaystay oo qalbiga saas kale u rogaye

Waxaan iri: run sheegtaa iyo been rabrabisaaba

Waxaan iri: is riixdaa iyo raalli noqotaaba

Waxaan iri: rabbaysaa iyo hoos u rogantaaba

waxaan iri: raqiistaa iyo ribix dhex joogtaaba

Waxaan iri: ruxaysaa iyo yaabis ridataaba

Waxaan iri: raq jiiftaa iyo roor ku jirisaaba

Waxaan iri: raraysaa iyo ruun ku dhaqataaba

Waxaan iri: minaad raran heshiyo rays ku socotaaba

Waxaan iri: rumootaaye ilkaha rigif ku qaadaaba

Waxaan iri: rag noqotaa iyo riif u dabataaba

Rafaadkeerya reenteer aduunyada runteed maaha

Nin weliba asoo weli rabaa laga ridaayaahe

Inta ruuxu kugu jiro waxaad aragto ruug waaye

 

Hoobaloow, hoo, shirib

 

Raguu intuu run moodayoo, reyn loo qabaan riyo iraah,

Ninba hadduu rab roogsayoow, rumoowye rag isu qabyaa!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Showqi;849341 wrote:
Carafaat, Abwaan hadii aanu Shiribka wax ka sheegi karin magaciisa ayuu u gafay. Qof ciyaalka xaafada ah oo aan 2bo kalmadood oo Shirib ah tuuran karin in uu jiro u maleyn maayo.....
:D

What's this shirib is it some sort of secret talk? Songs with a hidden message to the public?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Blue, Somali poetry and songs are full of wisdom, symbolism, secrets etc...waxay suugaantu xambaarsan tahay farriimo dahsoon iyo kuwo daalacanba...bulshadeenna ayaa ah oral society ma ahane haddii la qori lahaa wax badan ayaa laga baran lahaa.....qofka miyiga jooga ayaad arkaysaa isagoo dhaanto Burma iyo Iiraan ku lifaaqaya amase ku halqabsanaya. I don't know if you have come across but xitaa xiddigiska ayaa suugaan loo meershey. Xiddigis = astrology

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abwaan;887325 wrote:
Blue, Somali poetry and songs are full of wisdom, symbolism, secrets etc...waxay suugaantu xambaarsan tahay farriimo dahsoon iyo kuwo daalacanba...bulshadeenna ayaa ah oral society ma ahane haddii la qori lahaa wax badan ayaa laga baran lahaa.....qofka miyiga jooga ayaad arkaysaa isagoo dhaanto Burma iyo Iiraan ku lifaaqaya amase ku halqabsanaya. I don't know if you have come across but xitaa xiddigiska ayaa suugaan loo meershey. Xiddigis = astrology

I see thanks for your detailed explanation. Astrology is haram and is a form of shirk. Who ever practice it or believes it his prayers will not be accepted for 40 days.

Share this post


Link to post
Share on other sites

ka sheekey abwaan cosob iyo dhul doogliyo ceel bacaadey ku dhalatee... raagge ceelle iyo cisaleey waxey ka cabtay ceel warsheikh.

 

 

the song was written by hussein madoobe the shaaciye owner and ninka heesayo waa niikiyow from norway

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this