Sign in to follow this  
Dr_Osman

President Farole: Sharif's And Siilanyo Meeting In Dubai Is All Hot Air Baloney. AUDIO

Recommended Posts

Dr_Osman   

7466944898_90ba3567c5.jpg

 

''Kulan iyaga u gaar buu ahaa Somalina dan uguma jirto''

29 Jun 29, 2012 - 5:38:42 AM

 

GAROWE ONLINE

 

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole ayaa ku tilmaamey kulankii Shariif iyo Siilaanyo mid u gaar ah labada madaxweyne islamarkaasina aan dan ugu jirin Somalia.

 

Kadib shirkii Burcad badeedka ee Dubai ka dhacey ayaa Shariif iyo Siilaanyo waxay ku kulmeen qol kamida hotelkii shirka lagu qabanayey,waxana ay soo saareen qodobo la sheegey in labada dhinaci ku heshiiyeen.

 

Dr.Cabdiraxman Maxamed oo wareysi siiyey Idaacada BBC-da Somaliga ayaa kulanka ku tilmaamey mid labada dhinaci danahooda isku raadsanayaan.

 

‘’Shiikh Shariif sidaad ka warhaysaan waxa uu ku jiraa olole doorasho ,waxaan u maleynayaa Doorasho ayuu doonayaa Shiikh Shariif ,Siilaanyona ictiraaf buu doonayaa mana aqaan Siilaanyo waxa uu u tarayo Shariif’’ ayuu yiri Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole.

 

Madaxweynuhu waxa uu sheegey in Somaliland shirka qodobadii ka soo baxay ay qayb ka tahay Somalia maamulada ka jira sida Puntland iyo Galmudug,waxana laga dareemayaa hadalkaasi in meesha ay ka baxdey gooni goosadkii ay u hanqaltaagayeen gobolada Waqooyi ee dalka.

 

Horey ayuu u sheegey madaxweynaha Puntland in wadahadal kasta oo aysan qayb ka ahayn dhexmarana DF iyo Somaliland uu noqonayo waxba kama jiraan islamarkaasina horey u qaadaceen shirkii London oo ergo labada dhinac ka socota ku kulmeen todobaadki hore.

 

Halkan ka dhageyso wareysiga madaxweynaha Puntland ee BBC-da

http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Madaxweynaha_Puntland_oo_ka_hadlay_kulankii_Shariif_Siilaanyo.shtml

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Xaaji Xunjuf;846592 wrote:
Dr Osman why is Faroole against the Somaliland President and Somalia President talking.

Dee wuu xanuunsan yahay....lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

I think Somaliland should also initiate separate talks with Puntland, after all they are neighbours and both sides have a lot to gain from developing good relationship.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this