Sign in to follow this  
oba hiloowlow

President Sheikh Shariif Visits Afgooye

Recommended Posts

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu maanta uu tagay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, oo ay Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Amisom ay kala wareegeen Xoogaga Shabaab.

 

Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed, ayaa wuxuu maanta uu gaaray Degmada Afgooye, oo xilligaan soo gashay gacanta Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, oo uu isagu Madaxweynaha ka yahay.

 

Madaxweyne Shariif ayaa waxaa lagu wadaa in uu soo kormeero qeybaha kala duwan ee Degmada Afgooye, qiimeyna uu ku soo sameeyo sida ay tahay xaaladda Degmada Afgooye, wixii ka dambeeyay markii Al Shabaab lagala wareegay.

 

Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa marka uu kormeerkiisa uu soo dhameysto uu Degmada Afgooye uu kula hadli doonaa Saxaafadda, iyadoo Degmada Afgooye maanta loo-qaaday wariye-yaal badan, oo ku aadan booqashada uu ku tagay Madaxweynaha.

 

Waa markii ugu horeysay oo uu Madaxweynaha Soomaaliya uu taggo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, tan iyo markii uu noqday Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya.

 

Markacadey.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mario B   

This President has missed a trick, he should have spent half his travelling time visiting Somali regions of Somalia, I would love to have seen him visiting Bossaso, Talex, Baidoa, Oddo, buhoodle, Garowe, Dhusamareeb, Badhan, Las Khorey, Hobyo, Gedo etc...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdi Ballaaran oo uu hogaaminaayo Madaxweynaah Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta Booqasho ku tagay Deegaannadi dhawaan laga fara maroojiyay Malleeshiayadka Naf la caarigga ah ee Al-qaaciddada Soomaliya.

 

Madaxwaynaha ayaa waxa uu ugu horreyn kormeerkisia ku bilaabay Deegaanka Ceelasha Biyaha, asaga oo gaariga halkaa uga digay lugna ku maray dhul ballaaran, Waxaana halkaas ku soo dhaweeyay dadwayne aad u fara badan oo halkaas ku noolaa, Waxaana sidoo kale uu wax ka waydiiyay xaaladaha ay ku nool yihiin, asagoo sidoo kale booqday saldhigyo shabaab ay ka carareen oo halkaas ku yiilay.

 

Waxa kale oo uu kormeeray Degmada Afgooye, iyadoo ay halkaas ku soo dhaweeyeen saraakiil iyo ciidamo ka tirsan XDS iyo Ciidamada nabad ilaalinnta Midowga Africa, sidoo kale waxa uu kulamo la qaatay saraakiisha dagaalka hogaaminaya, Waxaana warbixin dheer laga siiyay dagaalkii 5 maalin qaatay ee lagu maquuniyay Maleeshiyaadka Shabaabkii laga taag roonaaday,

 

Madaxwaynaha ayaa waxa uu uga mahad celiyay Ciidamda iyo saraakiisha dadaalka xooggan oo ay u galeen sidii shabaabka looga saaray Deegaanadii ugu danbeeyay ee laga qabtay.

 

Codadka iyo Sawirada Warkaan Naga suga Insha Allaah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo booqasho ku tagay Degmada Afgooye

 

Talaado, May 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Talaado ah booqasho ku tagay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose halkaasoo ay ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM kala wareegeen xoogaggii Al-shabaab ee ka talinayay.

 

Wafdiga madaxweynaha oo ay ku jiraan wasiirro, xildhibaanno iyo saraakiil ciidan oo isugu jira kuwa dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa waxay mareen waddada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

 

Madaxweynaha ayaa markii uu gaaray deegaanka Ceelasha-biyaha wuxuu ka dagay gaadiidkii uu la socday, isagoo la hadlay dad shacab ah oo ku suganaa halkaas una sheegay dadkaas haddii ay ciidamadu dhibaateeyaan inay ku dacweeyaan saraakiisha hoggaaminaya.

 

Sidoo kale, wuxuu madaxweynuhu ku hakaday deegaannada Calamada, Lafoole iyo Xaawo Cabdi oo u dhexeeya Afgooye iyo Muqdisho, isagoo halkaasna kula hadlay dad aad u yar oo ku sugan, kuwaasoo uu ka codsaday inay ciidamada ka gacan siiyaan sidii ammaanka loo adkeyn lahaa, wuxuuna intaas kaddib u gudbay degmada Afgooye.

 

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa Afgooye kusoo dhaweeyay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, iyadoo ammaanka degmada la adkeeyay ayna ciidamada dowladdu joojiyeen isku socodka dadka iyo gaadiidka.

 

Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu tagay beerta Sheekh Zayid halkaasoo uu kula hadlay odayaasha iyo dadka deegaanka, waxaana sidoo kale goobta ka hadlay saraakiisha horkacaya ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM iyagoo sheegay inay sii wadayaan howgallada lagu adkeynayo ammaanka degmada Afgooye iyo deegaannada kale.

 

"Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan booqsho ku imaado degmada Afgooye oo ay ii gu dambeysay sannadkii 2006," ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadal kooban saxaafadda siiyay, isagoo intaas ku daray in geed weyn oo hoostiisa uu ku qabanayay shirka jaraa'id oo u ku yaalla beerta Sheekh Zaayid uu sheegay inay ugu dambeysay inuu ka hadlo intii uu ahaa guddoomiyihii Maxkamadihii Islaamka.

 

Booqashadan ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horreysay oo madaxweynaha Somalia uu ku tago degmo ay ciidamada dowladda kala wareegeen xoogagga Al-shabaab, iyadoo degmooyinkii hore, sida Baladweyne iyo Baydhabo ay booqasho ku tageen ra'iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka.

 

Dhanka kale, degmada Afgooye ayaa waxaa ka socda maalintii labaad baaritaanno ay ciidamada DKMG ah sameynayaan, kuwaasoo ay sheegeen inay ku raadinayaan dad ay sheegeen inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab, kuwaasoo ay ku galayaan guri walba.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   

Mario B, for a national campaigner he is not campaigning across the country too well....I am sure he would receive a great welcome which would give him political capital.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this