Sign in to follow this  
Dr_Osman

OH MY GOD: The Puntland Isims Leave Mogadishu Conference And Head Back Home

Recommended Posts

Dr_Osman   

DEG DEG: Odoyaasha Dhaqanka Ee Ka Socday Puntland Oo Ka Baxaya Shirka Muqdisho Sheegayna Inay Puntland u Laabanayaan

 

Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

 

 

Muqdisho (RBC Radio) Odoyaasha dhaqanka ee ka socda Puntland ee ka qaybgalaya shirka odoyaasha dhaqanka ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegayaa in ay go’aansadeen in ay ka baxayaan shirka.

 

Wararka ayaa sheegaya ka bixitaanka odoyaasha dhaqanka ee shirka Muqdisho inuu salka ku haayo qodobada Dastuurka qaar oo dhowaan maamulka Puntland uu ka soo horjeestay.

 

Sidoo kale wararka soo baxaya ayaa sheegaya in odoyaashaan ay sheegeen in ay ka baxayaan shirkaan isla markaana ay isga tagi doonaan magaalada Muqdisho ayna ku laabanayaan deegaanada Puntland oo ay ka yimaadeen hadii aanan la eegin qodobada uu diidan yahay maamulka Puntland.

 

Puntland ayaa dhowaan waxay soo saartay qodobo badan oo ay dhaliilsan tahay oo ku qoran Dastuurka cusub ee dowlada Soomaaliya haatan ay ku dadaalayso in la meel mariyo.

 

Sidoo kale Raysal wasaaraha Soomaaliya C/wali Cali Gaas oo asna warbaahinta dowlada la hadlay ayaa sheegay in Puntland uu gaar u yahay hadalkaas isla markaana aysan jirin cid ka hor imaan karta qorshaha socda.

 

Odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa haatan waxaa laga sugayaa in ay soo xulaan ergada ansixinaysa Dastuurka cusub iyadoono Dowlada iyo caalamka ay dadaal badan ku bixinayaan meel marinta Dastuurkaan.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

War Deg Deg ah: Isimadii Puntland uga qayb galayey shirkii Muqdisho oo Garowe kasoo degaya 11:00 subaxnimo

Posted by Pi on May 15th, 2012

 

Garowe(Pi) Odayaal Dhaqameedka Puntland ee ku sugnaa Muqdisho ayaa isaga tagey shirkii, sababta rasmiga ah lama shaacin, laakiin waxaa naloo xaqiijiyey iney odoyaashu imaanayaan Garowe maanta…

 

Faahfaahinta warkaan goordhow naga filo

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ According to the Mahiga gospel, anyone that attempts to block, delay or get in the way of the roadmap is a spoiler. So far, everyone seems to be a spoiler. Heh.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

NGONGE;830067 wrote:
^^ According to the Mahiga gospel,

Gospel of Barnabas, the destroyed one, or or the Gospel of Luke, the liar of all times, this guy Luke, kulahaa, according to me, which was submitted to me, by the name of blah blah, marka Mahiga iyo his disciples naga daaya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Odayaashii ka socday Puntland ee ka qeyb galayay shirka Odayaasha dhaqanka oo maanta ka huleelay Muqdisho

 

Odayaashii ka socday Maamulka Puntland ee uga qeyb galayay shirka odayaasha dhaqanka Muqdisho ka socday ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyadoo diyaarad ay ka qaaday Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

 

Ilaa 20-xubnood oo ahaa Odayaasha dhaqanka ka qeyb galayay shirka ayaa ka degay Magaalada Garowe, halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Puntland, iyadoo qaadacay dastuurka qabyo qoraalka ee doodiisa ka maalmahan dhex mareysay.

 

Xildhibaan Dahir Cirro oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ayaa sheegay in Odayaashii dhaqanka ee ka socday Puntland ay uga baxeen shirka markii ay [fahmeen] fashilka Dastuurka, isla markaana aanu dan umadeed aheyn.

 

"Odayaasha dhaqameedkii ka yimid Puntland waxay u yimaadeen halkan maslaxadii iyo dib u heshiisiinta Umada, markii ay [fahmeen] fashilaada ay mas'uulka ka tahay Xukuumada uu hogaamiyo C/wali ayay go'aansadeen inay isaga baxaan"ayuu yiri Xildhibaan Dahir Cirro.

 

Wasiiru dowlaha Wasaarada Dastuurka Xasan Maxamed Jimcaale ayaa beeniyay in Odayaal aanay ka bixi shirka, isla markaana uu shirka socdo, hase ahaatee waxaa uu xusay in shaqsiyaad ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Puntland ay ka saareen shirka, diyaaradna ay raaceen.

 

"Odayaal ka baxay shirka iyo diyaarad ay raaceen ma jirto, waxaa baxay shaqsiyaad ka shaqeynayay Xafiiska Madaxweynaha Puntland"ayuu yiri Xasan Maxamed Jimcaale Wasiiru Dowlaha Wasaarada Dastuurka.

 

Dhowaan ayay aheyd markii warqad qoraal ah oo ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland oo ku socotay Beesha Caalamka looga soo horjeestay Dastuurka qabyo qoraalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this