Sign in to follow this  
Somalia

Somaliland Elders To Visit Mogadishu, Talk With Their President

Recommended Posts

Somalia   

Despite threats from the Somaliland vice leader, they will attend and talk with their president. Mashallah.

 

Boqor-Maxamed-Jaamac-Cumar.jpg

 

Odeyaasha dhaqanka reer Somaliland ee ka qaybgalaaya shirka ay magaalada Muqdisho ku yeelanayaan Odeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa jawaab ka bixiyey hadal kasoo baxay Madaxweyne kuxigeenka Somaliland.

 

Hadalka ayaa ahaa mid looga digaayay Odeyaasha iyo Siyaasiyinta reer Somaliland in ay ka qaybgalaan ansixinta dastuurka cusub ee Federaalka oo la filaayo in ay dhacdo bartamaha bishaan.

 

Boqor Maxamed Jaamac Cumar oo kamid ah Odeyaasha reer Somaliland ka qaybgalaaya shirka kana soo ambabaxay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay ka qaybgali doonaan shirarkaas isla markaana kusoo laaban doonaan degaanada Somaliland.

 

Wuxuu ku eedeeyay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo in uu ku fashilmay wixii shacabkiisa ay u doorteen isla markaana dadka oo dhan cabudhin ku sameeyay.

 

‘’Waan soo noqonayaa oo dhawaan ayaan ku soo noqonayaa Burco iyo Ceerigaabo-ba, hadii aad u jeedo waa lagu xidhina xadhiga rag ayaa loo sameeyey oo imikaba waxa xidhan rag aan is leeyahay waxba may galabsan oo uu ka mid yahay Badhasaabkii Maroodii Jeex, Agaasimihii guud ee Dib-udajinta iyo la taliyihii Madaxwayne ku xigeenka oo xaqdaro ku xidhan, waxaanaynu ognahay inaan ragaas iyo kuwo kale oo badanba aan wax cadaalad ah la horkeenin. Markaa xadhigu maaha wax mishkilad ah oo hadii ay dadka oo dhan xidhi karto xukuumadda Siilaanyo ha waa xidhxidho bal cida ay wax kaga xumaanayaan’’,ayuu yiri isagoo wareysi siinayay Wargeyska Haatuf ee kasoo baxa Hargeysa.

 

Boqor Maxamed Jaamac ayaa hadalkiisa ku daray in ay xaq u leeyihin in ay ka qayb qaataan wax kasta oo looga baxaayo dhibaatada ka taagan Soomaaliya isla markaana haddii ay sii socdaan saamayn ku yeelan karaan Hargeysa ama Somaliland,isagoo tibaaxay in uusan isbedelin mowqifkiisa Somaliland-nimada.

 

‘’May ismuu badalin aniga Mabdaaygii Somailland-nimo, laakiin hadana maadaama oo aan Soomaali ahi waxaan jeclahay inaan ka qaybqaato wixii dhibaatada iyo colaadaha Soomaalida lagu soo afjari karo, waayo hadii ay colaada iyo dagaalada Muqdisho ay sii socdaan Hargeysa-na way saamaynayaan oo sidaa nabad u ahaan mayso’’,ayuu yiri.

 

Issimo iyo Waxgarad ka socda Somaliland ayaa ku sugan magaalada Muqdisho kuwaas oo ka qayb qaadan doona ansixinta dastuurka cusub ee Federaalka.

 

Maamulka Somaliland ayaa dhowaan si cad u diiday ka qaybgalka wada hadal la filaayo in ay la yeeshaan Dowladda Federaalka kadib markii ay ka hor yimaadeen labo xubno ka socda Puntland oo ay dalbadeen in laga saaro.

 

Bosaso Press

Share this post


Link to post
Share on other sites

This guys is a nobody siilaanyo ba caleemo saaray to counter attack buurmadow

As they used to say during cigaals day wa salaadinti busaarada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Loool@ saladiinti Busaarada. War xajiyooow saladiinta waa la ixtiraama oo shaqada wadaan xuduud malaha. Meel kasta wee tagi karraan. From Mandhera, Muqdisho, Maroodi Jeex, Maydh ila Daad Mareedh wee tagiyaan hadaaa loo baahdo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

‘’
May ismuu badalin aniga Mabda’aygii Somailland-nimo
, laakiin hadana maadaama oo aan Soomaali ahi waxaan jeclahay inaan ka qaybqaato wixii dhibaatada iyo colaadaha Soomaalida lagu soo afjari karo, waayo hadii ay colaada iyo dagaalada Muqdisho ay sii socdaan Hargeysa-na way saamaynayaan oo sidaa nabad u ahaan mayso’’,

:D:D ... wax fahan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this