Sign in to follow this  
Shinbir Majabe

General C/laahi Siciid Samatar oo diiday Dastuurka Cusub ee Puntland

Recommended Posts

Siyaasiga General C/laahi Siciid Samatar oo horena u ahaa wasiirkii amniga ee Maamulka Puntland ayaa ka hor-yimid ansixintan dastuurka, wuxuuna sheegay in ergada ogolaatay ay yihiin kuwo aan matalayn dadka Puntland. C/lahai wuxuu sheegay in aan mar-naba la ogolaan doonin in muddada loo kordhiyo maamulka madaxweyne Faroole.

Dhagayso

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ Gen. Samatar wuxuu sheegay in dadka meesha la isugu keenay ay yihiin dad laga soo ururiyey baadiyaha, isla markaan wax aysan waxba ka aqoon loo dirsaday, wuxuuna sheegay in wax lala yaabo ay tahay in dad Xoolo dhaqato ah iyo dad qaad loo qaaday oo Hunguri maalmeedkooda ka fekeraya la yidhi Dastuur ansixiya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Th guy lives in London with his family, he went back to Puntland only few weeks ago to stair trouble, but his wife and kids are far away from the fire he is trying to ignite.

 

here is his clan approving the constitution.

http://horseedmedia.net/2012/04/19/qardho-qaar-kamid-ah-waxgaradka-iyo-cuqaasha-beelaha-cismaan-maxamuud-**********-oo-soo-dhoweeyey-ansixinta-dastuurka/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shinbir Majabe Here is the article

 

 

Qaar kamid ah cuqaasha iyo waxgaradka beelaha Cismaan Maxamuud (**********) ee ku dhaqan gobolada Karkaar iyo Bari ayaa si diiran usoo dhoweeyey ansixinta Dastuurka cusub ee Puntland oo shalay magaalada Garoowe lagu meel mariyey.

 

Qaar kamid ah cuqaasha iyo waxgaradka beelahaas oo siyaabo kala duwan ula soo xiriiray warbaahinta Horseed Media ayaa sheegay in ansixinta Dastuurku ay tahay tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday.

 

Gudoomiyaha golaha Guurtida iyo Nabadoonada ee Beelaha Cismaan Maxamuud, Nabadoon Maxamed Aadan Cali (Xangaag) ayaa kamid ah waxgaradka ansixinta Dastuurka sida aadka ah usoo dhoweeyey, wuxuuna mar uu Horseed Media la hadlayey sheegay in arintaasi ay tahay guul usoo hoyatey umadda Puntland islamarkaana ay mudneyd in hadda kahor lagu dhaqaaqo.

 

Ganacsade Cabdilaahi Muuse Xay oo ah ganacsade caan ka ah Soomaaliya iyo guud ahaan geeska Africa oo isna isaga oo degmada Qardho ku sugan warbaahinta Horseed Media la hadlay ayaa sheegay in ansixinta Dastuurku ay tahay tilmaan cad oo muujineysa sida ay Puntland uga go’an tahay taaba gelinta nidaamka dowladnimo.

 

Ganacsade Cabdilaahi oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay guud ahaan bulsho weynta Puntland inay horay u socdaan islamarkaana aysan dib ugu noqon wixii laga soo gudbey, nabadda iyo harumarkana ay si wada jir ah uga shaqeeyaan, isagoo intaas raaciyey in Dastuurku uu gundhig u yahay dowlad walba, Dastuurka la’aantiisna aysan wax maamul iyo kala danbeyn ahi jiri doonin.

 

Sidoo kale Cabdilaahi Cali Qood oo isaguna kamid ah waxgaradka gobolka karkaar ayaa kamid ah dadka soo dhoweeyey ansixinta Dastuurka, Cabdilaahi Cali wuxuu sheegay in ay wax lagu farxo tahay in Puntland 13-sano kadib ay yeelato Dastuur rasmi ah oo cod aqlabiyad leh lagu ansixiyey.

 

Mr Cali Qood oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay Ansixinta Dastuurka Puntland ay tahay tallaabo u gogol xaareysa in Puntland ay ka gudubto nidaamka maamul ee beelaha ku dhisan oo ay in mudo ah kusoo jirtey ayna u gudubto nidaamka maamul ee Dimuqraadiga ah iyo doorashooyinka ku salaysan axsaabta badan arintaasoo horseedeysa maamul wanaagsan oo ay sinaanta iyo cadaaladdu saldhig u yihiin.

 

Si Puntland ay uga gudubto nidaamkii lagu soo dhisay oo ah kan ay hadda ku shaqeyso waxa uu Cabdilaahi Cali Qood sheegay inay lagama maarmaan tahay in nidaamka loo hayaamayo loogu guuro si taxatar leh iyadoo aan laga tegeyn baahinta maamulka iyo sixidda khaladaadkii yar yaraa ee horay u dhacay.

 

Si kastaba ha ahaatee ansixinta Dastuurka Puntland ayaa waxaa si isku mid ah usoo dhoweeyey dhamaan bulsho weynta ku dhaqan gobolada kala duwan ee Puntland, waana markii ugu horeysey ee ay Puntland yeelato Dastuur noocan ah mudadii 13-ka sano ahayd ee ay jirtey.

 

 

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ina Saciid Samatar mushkilad iyo dab ayuu dadka ladhex ordaaya isaga iyo Gaagaaba mardanbe haday hadlaan waa inuu Faroole Xabsi kunteenar kulul ah kutuuraa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Odaygaan 10-ki sano ee u wasiirka ahaa ayuu waxba soo kordhin, hadda yaa ka dhagaysanaaya. He better save his money and retire from politics.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qandalawi, inna Samatar inuu media-ha ka qayl qaylsho maahee, nin taageero iyo talo midna haysta maaha. 2 qof iskuma keeno kara kollay Qardho joogaan, waaba PL inuu meelkasta tago dad wax u sheego. Gaagaab isaga wixiisu waa "he who bids the highest has my heart". He's one helluva corrupt politician who knows nothing, but the green.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this