Sign in to follow this  
kingofkings

Puntland official dies in Mogadishu

Recommended Posts

Muqdisho : Wasiir kuxigeenkii Dhalinyarada & Ciyaaraha Puntland oo Muqdisho ku Geeriyooday.

 

 

Muqdisho (APL ) : Wasiir kuxigeenkii wasaaradda Dhalinyarada & Ciyaaraha puntland Cismaan Cawad Cali ayaa ku Geeriyooday Magaalada Muqdisho Galinkii danbe ee Maanta. Allaha u naxariistee Cismaan Cawad Cali ayaa u dhintay Xanuun ka haleelay Labada Kalyood.

 

Wasiirka wasaaradda Shaqada ,Shaqaalaha,Dhalinyarada & Ciyaaraha Puntland C/wali Xirsi Cabdulle (Indha-guran ) ayaa u xaqiijiyey allpuntland Geeridda kuxigeenkiisii ,waxaana uu yiri “ Wasiirkii allaha u naxariisto waxaa uu u dhintay xanuun ka haleelay Labada Kalyood waxaana shalay diyaarad ka saaray Garoonka Gaalkacyo C/laahi yuusuf international Airport si loogu sameeyo qaliin caafimaad ".

 

Wasiir Indho-guran ayaa sidoo kale sheegay in uu marxuumku geeriyooday 04: 00 Markii ay ahayd saacadda Geeska Afrikada Bari. Wasiirkii kuxigeenkii hore Cismaan Cawad ayaa la sheegay in uu ku geeriyooday isbitaal ku yaal Villa soomaaliya ,halkaas oo ladoonayey in xaaladiisa caafimaad lagu ogaado.

 

Allaha u naxariistee Cismaan Cawad ayaa ahaa nin si weyn ugu howlanaa arrimaha horumarinta ciyaaraha iyo Dhiirigelinta dhalinyarada Cismaan waxaa uu kasoo shaqeyey wasaarado kala duwan oo ka mida wasaaradaha puntland sida wasaaradda Caafimaadka ,wasaaradda Deegaanka iyo Duurjoogta iyo wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha waxaa kaloo uu kasoo qabtay puntland Xilal kala duwan .

 

Shaqaalaha wasaaradda shaqada iyo shaaalaha ,dhalinyaradda iyo Ciyaaraha puntland oo uu ugu horeeyo wasiirka wasaadaasi ayaa Tacsi u diray Guud ahaan shacabka soomaaliyeed Gaar ahaan puntland & waliba qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Marxuum Cismaan Cawad Cali oo ku geeriyooday isbitaal ku yaal magaaladda muqdisho.

 

 

 

Sawirkaani waa wasiirku xigeenkii Hore ee Dhalinyarada & Ciyaaraha Puntland allaha u naxariistee waxaa uu goob fagaare ah Magaaladda Garoowe kula hadlayaa Dhalinyaro ,waxaana wasaaradiisu xiligaas xusaysay 15 May Sanadkii 2011 Maalinta dhalinyarada aduunka .

 

 

Allaha-u-naxariistee-4-april-2012.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this