Sign in to follow this  
Shinbir Majabe

DEG DEG: Qarax ka dhacay Tiyaatarka Qaranka ee Muqdisho

Recommended Posts

Wararka aan haatan ka helayno Xarunta National Theatre ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu goordhow ka dhacay Qarax xoogan.

 

Qaraxa ayaa sida la sheegay waxa uu ka dhacay gudaha xarunta Titaatarka xili ay socotay Khudbad uu jeedinayay Ra’iisulwasaare C/wali Maxamed Cali oo ka qeybgalayay Munaasabad kasocotay Tiyaatarka.

 

Munaasabadaasi ayaa lagu soo waramay in ay goob joog ka ahaayeen wasiirokatirsan Xukuumada xildhibaanno iyo mas’uuliyiinta dowlada qaarkood Ilaa haatan si rasmi ah looma hubo khasaare dhabta ah ee ka dhashay qaraxaasi.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in waxyeelo ay kasoo gaartay qaraxaasi Wariyeyaal ku sugnaa halkaasi

 

Ciidamo katirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa haatan goobtaasi isku hareereeeyay waxaana ay wadaan baaritaanno iyagoona rasaas furaya sida lagu soo waramay.

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qarax loo maleynayo ismiidaamin ayaa goordhow gilgilay Golaha Murtida iyo Madadaalada (National Theatre) oo ay ka socotay xaflad loo dhigayey sanadguuradii koowaad ee aas aaska telefishanka Qaranka SNTV.

 

Xaflada ayaa bilaabatay abaare 9:00 subaxnimo, waxaana lagu waday in munaasabada ay ka soo qeybgalaan madaxda sare ee dawlada oo uu ku jiro madaxweynaha iyo xubno wasiiro ah.

 

Wararka ugu horeeya ayaa sheegaya in ruux ismiidaamiyey uu gudaha u galay golaha murtida iyo madadaalada xilli ay heeso socdeen.

 

Dhimasho iyo dhaawacyo fara badan ayaa ka dhashay qaraxa inkastoo aan la heyn tirakoob rasmi ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa Goordhaw Qarax Ismiidaamin aad u xoogan uu ka dhacay Gudaha Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed halkaa ee kasoconeysay Xaflada sanadguuradii koowaad ee kasoo wareegtay markii TV-ga Dowlada ee SNTV hawada dib usoo galay.

 

Goobta Xaflada kasocotay uu kusugnaa Raizul Wasaaraha Soomaaliya iyo Qaar kamid ah Golaha Wasiirada ayaa mar qura qarax aad u xoogan ka dhacay iyadoona uuro io Qiiq isqabatay tiyaatarka.

 

Haweeney Walxaha Qarxa isku soo xirtay ayaana goobtaai isku qarxisay sida aan warar hordhac ah aan ku heleyno iyaoona goobtaai ku dhinteen dad badan aan wali la ogeyn waxa ee yiiin Masuuliyiin iyo dadkale oo caadi ahba.

 

Goobta ayaa hada waxaa xiray Ciidamaa Dowlada waxaana laga soo daadgureenaya Meedaka iyo Dhaawacyaa dadka wa ku noqday Weerarka Ismiidaaminta ah.

 

Wali lama oga masuliiita Dowlada katirsan in Weerarkaasi wax kunoqdeen Waxii Warar ah ee kuoo kordha Daiiqa Daqiiqa ula oco Insha Allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qarax ayaa waxa uu k adhacay Gudaha Tiyaatarka Muqdisho xilli uu Khudbad jeedinaayey R.wasaare C.weli Maxamed cali oo goob joog ka ahaa Xafladda lagu xusayey sanad guurada 28aad ee Asaaskii TV-ga qaranka,

 

ma jiro cid ka tirsan Golaha wasiirada ama xildhibaanada oo ku dhintay Qaraxaas, Waxaase jira Marti sharaf uu ku jiray Saciid Mugaanbe oo ka tirsanaa Masuuliyiinta xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo goobta ku geeriyooday,mana jiro ilaa hadana wax faah faahin ah aysan saraakiisha ammaanku ka bixiyeen qaabka uu qaraxu u dhacay.

 

Dhaawacyada isbitaallada la geeyey ayaa tiro ahaan gaarayey Toban ruux ayadoo dhaawacyada qaarkood ay yihiin kuwo fudud waxaase dhaawacyadaasi ka mid ah wariyeyaal ka tirsan idaacadda iyo TVga Qaranka iyo wariyeyaal iyaguna ka socday idaacadaha madaxa banaan iyo dad kale oo shacab ah oo Munaasabadda ka qeybgalay.

 

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhowaan la filayaa inay faah faahin rasmi ah kasoo saarto qaraxa iyo qasaaraha uu geystay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Illaa iyo hadda inta la ogyahay:

 

- Qaraxa waxaa fuliyay ruux Dumar ah oo is soo miineeyay.

 

- PM Cabdiwali wuxuu goob joog ka ahaa Xafladda marki uu qaraxu dhacayay.

 

- 4 qof ayaa ku dhintay inta hadda la ogyahay uuna ku jiro Gudoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Allaha u naxariistee Saciid Mugaabe.

 

- Waxaa ku dhaawacmay xildhibaano ay ka mid yihiin: Xildhibaan Mowliid Macaane, Prof. Maxamed Cumar Dhalxa iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Caasho Cumar Gees-diir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Masuuliyiin waxyeelo soo gaartay

Illaa hadda waxaan naloo xaqiijiyey in khasaaraha ka dhashay goobta uu sii kordhayo waxaase helnay magacyada dadka waxyeeloobay qaarkood;

 

1- Siciid Mugaambo oo ahaa gudoomiyaha Xiriirka Kubbada Cagta Soomaaliyeed (waa uu geeriyooday)

 

2- Aadam Xaaji Yabarow Wiish- oo ka tirsanaa Guddiga Olybikada Soomaaliyeed (waa dhaawac culus)

 

3- Xildhibaan Mowliid Macaane Maxamuud- oo ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya (wuu dhaawacmay).

 

4- Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa- (waa dhaawac)

 

5- Cabdi Xaaji Goobdoon- oo ahaa la taliyaha raysul wasaaraha ee dhanka warbaahinta (waa dhaawac)

 

6- Axmadey Cabdi Gaashaan- fanaan Soomaaliyeed- (waa dhaawac)

Wariyaal waxyeelo soo gaartay

1- Suleymaan Sheekh Ismaaciil- Gudoomiye ku xigeenkii ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed NUSOJ – (waa dhaawac daran)

 

2- Wariye Maxamed Shariif – oo ka tirsanaa idaacadda Bar-Kulan (wuu dhaawacmay)

 

3- Wariye Axmed Cali Kaahiye- oo ka tirsan Radio Kulmiye (wuu dhaawacmay)

 

4- Wariye Ayaan Cabdi – oo ka tirsan telefishanka S24 (waa dhaawacantay)

 

5- Wariye Deeqo Maxamed Axmed- oo ka tirsan Radio Muqdisho (way dhaawacantay)

 

6- Wariye Xamdi Xiis- oo ka tirsan telefishanka Somali Channel (way dhaawacantay)

 

Ilo wareedyo ku dhow xafiiska raysul wasaaraha ayaa sheegaya in dhowr wasiir oo xukuumada ka tirsan ay dhaawacmeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Inaa Lilaah wa Inaa Ileyhi Raajicuun..

 

Shabaab markale ayay muujiyeen nacaybka ay u qabaan Shacabka Soomaaliyeed. hore ayay u dileen Culumo, Aqoonyahano, Wariyaal iyo Madax Sports. tanna waxay ka mid tahay dhaqamadooda foosha xun ay ku doonayaan in ay ku ciribtiraan waxtarka Umadda Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho (Puntlandi)—-Qarax ayaa goor dhow ka dhacay Tiyaatarka wayn ee magaalada Muqdisho oo dhawaan irdaha loo furay.

 

Sida ay bahisay wakaaladda wararka ee reuters qarax dhimasho iyo dhaawac sababay ooay ku dhinteen dad aan wali tiradooda la shaacin ayaa gil gilay Tiyaatarka Muqdisho.

 

Qof goob jooge ah ayaa reuters u sheegay inuu arkayay 4 qof oo dhintay iyo dad kaloo dhaawac soo gaaray.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in loo malaynayo in qof natii hure ah uu isku qarxiyay tiyaatarka Muqdisho .

 

Faahfaahinta kala soco qaybaha wararka danbe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warar hordhac ah oo aan ka heklayno Theaterka qaranka oo maanta lagu xusayey maalintii dib loo furey TV-ga qaranka ayaa qarax lala eegtey xili uu raysal wasaare Gaas khudbaynayay, Wax dhawac ah oo soo gaaray Madaxda Dowlada ma jiraan, waxaase la xaqiijiyey inuu ku dhintey Masuul ka tirsanaa Xirrika Kubada cagta Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Saciid Mugaanbe , Tirada dhimashada ayaa aad u badan sida warar ku sheegayaan,

 

Waxaa markiiba goobta gaaray Hay’adaha gargaarka iyo kuwa abniga, Waxaana si deg deg ah meesha looga saarey Madaxda Dowlada, Qaraxa ayaa ahaa mid ismiidaamin ah, inkastoo aan wali war rasmi ah laga hayn.

Warar ku dhow dad ku sugnaa gudaha Theaterka ayaa Puntlandi.com u sheegey inuu qaruxu ahaa mid xoogan oo gudaha Theaterka markiiba ay isqabsatey qaac madow iyo diryaan xoogan…..

 

Raysal wasaaraha ayaa la filayaa inuu shir jaraa’id qabto oo uu ka war bixiyo sida wax ud haceen isagoo u tacsiyeynaya dadka ku dhintey ehelkooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
faarah22   

amateurish security arrangements are to blame for this. they should no better than risk their lives like this. too late.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararkii ugu dambeeyey Qaraxa Theaterka waxay sheegayaan in Alla ha unaxariitee ay dhinteen Prof. Dalxa iyo Wasiirkii Sportiga ee Dowlada Soomaaliya, waxaa kaloo jira xildhibaano ay kamid yihiin Mowliid macaane oo

 

dhawacsoo gaaray, Dad badan oo marti iyo shacab isugu jira ayaa dhintey, Way adagtahay in wararka rasmiga ah laga helo xaalada Theaterka.

Haweyney ayaa qaraxa fulisey sida wararku sheegayaan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this