Sign in to follow this  
Maaddeey

Shabaab captures Ceel-Barde!

Recommended Posts

Maaddeey   

Dagaalo culus saaka ka qarxay degmada Ceel-Barde iyo Shabaab oo la wareegay

 

Wararka ka imaanaya degmada Ceel-Barde ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in dagaal saacado qaatay saaka uu ka qarxay degmadaas, kadib markii weerar ballaaran ku qaadeen dagaalyahano ka tirsan Shabaab.

 

Sida ay sheegayaan wararka dagaalka oo ahaa mid saacado badan socday ayaa bilowday salaadii subaxa kadib, iyadoo saaka halkii saac Shabaab u suura gashay inay deegaanka la wareegaan sida saraakiil ka tirsan Shabaab ay sheegeen.

 

Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka, ha yeeshee waxaa uu ahaa dagaalkii ugu cuslaa halkaas ku dhex mara Ciidamada dowladda iyo Shabaab.

 

Saraakiil uu ka mid yahay Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo hogaaminayay ayaa ka dadka deegaanka meel fagaare kala hadlay dagaalka, ay ku qabsadeen Ceel-Barde kadib.

 

Al-Shabaab ayaa maalmihii u dambeeyay waday weeraro ay ugu daba marayeen deegaanada ay la wareegaan Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya, iyadoo degmada Ceel-Barde ay tahay degmo u dhow xadka Itoobiya, kaasoo muhiim u ah Ciidamada Itoobiya ee ka soo gudbaya.

 

 

 

 

Hoyga wararka Somaliyeed

www.jowhar.com

jowharnews@gmail.com

jowharcom@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

War deg deg ah: Mujaahidiinta oo Saakay Dagaal Kula Wareegay Degmada Ceel-Barde.

 

Wednesday, 04 April 2012 04:42 Caanogeel Hits: 210

Ciidamada Mujaahidiinta Wilaayada Islaamiga ah ee Baay iyo Bakool ayaa Saakay aroortii waxay dagaal kula wareegeen degmada Ceel-Barde ee gobolka Bakool.

 

 

 

 

 

Dagaal Culus ayaa Saakay gudaha degmada C eel-Barde waxa uu ku dhexmaray Ciidanka Islaamka iyo kuwa Gaalada ee Soo duulay, waxaana taasi ay dhalisay in gacan ku heynta degmadaasi ay dib ugu soo laabato gacanta Muslimiinta.

 

 

Khasaare ballaaran ayaa Ciidamada Kuffaarta Itoobiya iyo Maleeshiyaadka la socda kasoo gaaray dagaalkaasi, waxaana hadda soo gaba gaboobay dagaalka, iyadoona Mujaahidiintu hadda ay ku suganyihiin gudaha degmada Ceel-Barde.

 

http://www.amiirnuur.com/index.php?option=com_content&view=article&id=6353:war-deg-deg-ah-mujaahidiinta-oo-saakay-dagaal-kula-wareegay-degmada-ceel-barde&catid=48:wararka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maaddeey;814166 wrote:
^^ Yes, the same one you thought he deserted Shabaab and is on the verge to join TFG!
:D

I actually believe him to be a spy for the Americans, who talks a good game. Remember in 2006 when at the start of the 4 day war, him and IndaCade along with their families conveniently went to the Hajj. What a comedian..:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Faah faahin dheeraad ah oo kasoo baxeysa dagaalkii Ceel Barde.

 

-1433, 04-04,201212,Jamaadul awal ,

 

Faafaahin dheeri ah ayaa laga helayaa qasaarihi kadhashay Dagaalo xoogan oo saaka Ciidamada xarakada mujaahidinta Alshabaab ay kuqaadeen Dagmada Ceelbarde ee wilaayada Bay iyo Bakool oo fariisimo ay kulahaayeen Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowlada KMG.

 

Xog ay heshay idaacada islaamiga ah ee Alfurqaan ayaa xaqiijinaya in Dagaalka saaka lagu dilay in kabadan labaatan ruux oo ay kamid ahaayeen masuuliyinti ugu Dareysay Dowladda KMG ugu Magacownaa Magaalada Ceelbarde ee wilaayada Bay iyo Bakool.

 

Raga Dagaalka saaka kunafwaayay Dagaalkii kadhacay Ceelbarde ee masuuliyinta Dowladda KMG waxaa kamid ah Gudoomihii Dagmada Ceelbarde Caweer Cumar Dheere Taliyihii Ciidamada oo magacisa lagu soo koobay Dhurwaa,Taliyihi Saldhiga Ceelbarde oo magaciisa lagu soo koobay Saytuuni iyo Madaxii Maaliyada uqaabilsanaa Dowladda KMG Dagmada Ceelbarde Ninka lagu magacaabo Maxamad Bare.

Dagmada Ceelbarde oo dhacda Xadbeenaadka ay wadaagaan Wadamada Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa xiligaan waxaa gacanta kuhaya Ciidamada xarakada mujaahidinta Alshabaab.

 

Cidamada xarakada Mujaahidinta Alshabaab ee Wilaayada Bay iyo Bakool ayaa saanad hub ah saaka kula wareegay Dagaalki kadhacay Dagmada Ceelbarde sida ay inoo xaqiijiyeen Dad lagu kalsoonyahay oo lahadlay idaacada islaamiga ah Alfurqaan.

 

Ciidamada Itoobiya oo saaka Dagaalka ugu baxay Askarta Dowlada KMG ayaa laxaqiijiyay in Qasaaroi xoogan qudhooda uu soo gaaray kuwaasi oo xiligaan kusugan Duleedka Dagmada Ceelbarde ee Wilaayada Bay iyo Bakool.

 

 

 

Dhageyso wararka 7:30- subaxnimo, 1:00 duhurnimo, 7:00 Fiidnimo iyo dhuuxa waraysiyada 9:30 habeenimo adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.

 

 

Fadlan wixii Qalad ah Nagala Soo xariir emailka : radioalfurqaan@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Dhanka kale Sh Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo ka mid ahaa Saraakiishii hogaaminaysay dagaalkii saaka ka dhacay Degmada Ceelbarde ayaa meel fagaare ah kala hadlay shacab farabadan oo isugu soo baxay ka dib markii ay mujaahidiintu gacanta ku dhigeen magaalada.

 

Sh Abu Mansuur ayaa si diiran uga mahadceliyey Shacabka Ceelbarde sida ay uga qaybqaateen la dagaalanka cadowga waxana uu ku booriyey in aan loo kala harin dagaalka lagula jiro ciidamada Itoobiya iyo daba******yadooda qabsaday qayb ka mid ah dhulka muslimka ah ee Soomaaliyeed.

Shacabka ayaa si aad ah usoo dhaweeyey uguna faraxsanaa guusha mujaahidiinta iyo jabka ciidamada Itoobiya oo ayagu si halhaleel ah ugu cararay dhanka xad beenaadka.

!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

The terrorists captured ceelbarde from weak tfg soldiers as the article says:

Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka, ha

yeeshee waxaa uu ahaa dagaalkii ugu cuslaa

halkaas ku dhex mara Ciidamada dowladda iyo

Shabaab.

 

They cant capture ethiopian controlled places such as baidoa, beledweyne, beledxaawo, garbahaarey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shabaabka oo Xoog looga saaray Degmada Ceelberde Iyo Khasaarii ka dhashay Dagaalkii Saakay

 

Sida ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraaya gobbolka Bakool Maleeshiyaadkii Koxda Shabaabka ee saakay la wareegay degmada Ceelberde ayaa goordhow halkaasi baneeyay kadib markii ay weerar rogaal celin ah ay ku soo qaadeen Ciidamada dowladda TFG-da oo ku suggnaa duleeka magaalada.

 

Rogaalcelinta Ciidamada dowladda TFG-da ayaa ka dambeysay ka gadaal markii ay u imaadeen gurmadyo xooggan oo isugu jira Ciidamada Soomaaliya iyo Amxaaro.

 

Dhinaca kalena waxaa ay faah faahin dheeraad ahi ay ka soo baxeysaa khasaaraha ka dhashay dagaalkii saaka ka dhacay degmada Ceelberde oo uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

 

25 ruux oo dhinacyada dagaalamay ayaa ku geeriyootay dagaalkii xoogganaa ee saaka Ceelberde ka dhacay inkastoo dadka dhintay ay ku jiraan dad rayid deegaanka ah.

 

Sidoo kale dadka dhintay waxaa ku jiray masuulyiintii degmada Ceelberde oo ay saaka magacyadooda Maleeshiyaadka Shabaabku soo bandhigeen.

 

Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ka sokoow waxaa sidoo kale jira khasaare hantiyeed oo ka dhashay dagaalkii saaka, guryo badan ayaa la gubay, baabuur dadka deegaanka ay leeyihiin iyo lacag aad u tiro badan ayaa la dhacay, ayadoona arrintaasi lagu eedeenaayo Maleeshiyaadka xag jirka ah ee Shabaabka.

 

Masuulyiinta dowladda ee gobbolada Bay iyo Bakool wali wax faah faahin ah kama aysan bixinin dagaalkii saaka ka dhacay degmada Ceelkberde.

 

Keydmedia.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

General Duke;814175 wrote:
I actually believe him to be a spy for the Americans, who talks a good game. Remember in 2006 when at the start of the 4 day war, him and IndaCade along with their families conveniently went to the Hajj. What a comedian..
:D

they are all spies. including Che and Maddeey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this