Sign in to follow this  
Mooge

Ilhaan Cumar visits home

Recommended Posts

Mooge   

SAM_11891.jpg

 

Ilhaan Cabdullaahi Cumar oo ah Gabar reer Puntland ah oo dhalinyaro ah oo ka timid dalka Maraykanka ayaa ka warantay booqashada ay ku timid degaanada Puntland markii u horeysay.

 

Wareysi ay siisay Bosaso Press iyadoo ku sugan magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayay sheegtay in markii hore ay fikir qaldan ka haysatay Puntland ayna la yaabtay markii ay indhaheeda ku aragtey horumarka ay gaareen magaalooyinka ugu waaweyn Puntland.

 

Ilhaan Cumar oo hadda mudo laba todobaad ku sugan Puntland ayaa kasoo degtay garoonka diyaaradaha ee Bosaaso,waxayna xustay in ay booqatay Iskuulada,Jaamacadaha,Dekadda Bosaaso iyo weliba gegida diyaaradaha dhowrkii maalmood ay halkaas joogetay,sida ay sheegtay.

 

”Waa markii u horeysay aan imaado Puntland,waxaan fikrad ahaan ka qabay meel aan sidaan u dhisneyn oo waxaan aaminsanaa in Puntland ay ka kooban tahay tuulooyin yaryar oo aan xitaa lahayn koronto iyo telefoon.runtii aad ayaan ula yaabey dhismooyinka quruxda badan iyo horumarka magaalooyinka Puntland waana ku farxay”,ayay tiri Ilhaan oo intaas raacisay in marnaba niyadeeda aan kusoo dhicin horumarkaan ka jira degaanada Puntland.

 

Sidoo kale waxay intaas raacisay in ay dib ula xirrirtay asxaabteeda ku sugan dalka Maraykanka oo ay ku dhiiragelisay in ay yimaadan Puntland iyagoo aan baqdin ka qabin nabadgalyada,balse sida ay sheegtay ay aamini waayeen hadaladeeda.

 

 

Ilhaan oo ka qaybgalaysa Shirkii qurba joogta ee Garoowe

 

”Waxaan qaaday Sawiro badan si asxaabtayda markaan dib ugu noqdo aan ka dhaadhiciyo in ay yimaadan dalka oo ay ka faa’ideystaan fursadooyin dhinaca ganacsiga iyo maalgashiga”,ayay tiri.

 

Halkan ka dhegayso Wareysiga Ilhaan Cabdullaahi Cumar

 

Ilhaan oo xilliga aan wareysiga la yeelanayay wejigeeda ka muuqanayay farxad ku aadan booqashadeeda Puntland ayaa sheegtay in mustaqbalka ay dib ugu soo laaban doonto Puntland si ay uga howlgasho ayna ku noolaato,waxayna kula dardaarantay qurba joogta reer Puntland ee ku sugan dalka dibadiisa;

 

”Dadka dibadda jooga waxay isleeyihin nolosha ay halkaas ku haystaan aysan halkan ka helaynin,balse waxaan u sheegaaya in ay iyagu keensan karaan.hadii aad isleedahay nolosha aad hada haysato Soomaaliya kama helaysid,waxaa lagaa raba inaad samaysatid oo aad la timaado fikradaada sidii aad u sameysan lahayd,dhulkaada HOOYO wax kuu dhaamo malahaan”,ayay kula dardaarantay qurba joogta Puntland.

 

Ilhaan Cabdullaahi Cumar oo ka qaybgashay kulan looga hadlaayay sidii qurba joogta uga qayb qaadan karaan horumarinta iyo maalgashiga Puntland ayaa hadda ku jirta cilmi baaris ku saabsan ”Political Culture” oo ay ka sameynayso degaanada Puntland.

 

By:Ayub Abdirahman Mohamed

 

Bosaso Press

Share this post


Link to post
Share on other sites

There are in an aura of elegance and grace about her innocent look, something that is not often associated with P-land. But then, she could be a Khaatumite native who became P-lander by association....:)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this