Sign in to follow this  
General Duke

Extracts from President Abdullahi Yusuf's memoir

Recommended Posts

Somalia's first fully trained young officers...

 

1. Mohamed Ali Mohamed Smatar

2. Mohamed Ali Mohamed Scherman

3.Abdullahi Yusuf Ahmed Hassan

4.Salad Gabayre Ghedie Diblaue

5.Mohamed Jama Harbi Mohamud

6.Nur Addo Ali Gulet

7.Hassan Mohamud Sabriye Farah

8.Elmi Nur Tarambi Erzi

9.Mohamed Farah Hassan Elmi

10.Abdalla Mohamed Fadil Mohamed

11.Abukar Gaal Muddei Mohamed

12.Abukar Hassan Wehliye Mohamoud

13.Ibrahim Roble Uerfa Aptidone

14.Mohamed Nur Mohamed Osman...

Share this post


Link to post
Share on other sites

On General Daud....

1965kii waxaa dhintay Taliyihii XDS, Janaan Daa'uud Cabdulle Xirsi. Jananku wuxuu hore u ahaan jirey Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, dabadeed markii la asaasay XDS baa looga dhiga taliye. Inkasta oo tanannarkiisu Boolis ahaa, haddana wuxuu ahaa sargaal dhisan oo haybaddiisa iyo kartidiisa ayy ku kaabi jirey aqoonta kaga maqan xagga ciidammada. Muddadii uu XDS u talinaayay, wuxu gaarsiiyey heer uu ciidanku si buuxda u gudan karo xilalkiisa. Tii Alle baa u timid, markii ciidanku u gudbay qaybtii labaad ee koritanaankiisa..

Share this post


Link to post
Share on other sites

dagaalkii itoobiya ku soo qaadday soomaaliya 1964kii

sida aan horay u soo sheegay waqtigaas anigu waxaan taliye urur ka ahaa xds qaybtiisa jubbada sare (baidoa). Isla waayadaas qaybaha soomaaliyeed ee aan weli xoroobin waaxaa ka jirtey kacdoon gobannimoddoon, gaar ahaan gobolka somaali galbeed ee ay itoobiya gumaysato, kaas oo is beddeley dagaal hubaysan. Isbiirsiga soomaaliya oo hub loo ballanqaaday iyo dagaalka ka socday soomali galbeed waxay itoobiya u aragtay halis aan la dhaylasan karin oo ku soo fool leh midnimadeeda. Sidaas awgeed, waxay istiri hal mar soomaliya dharbaaxo kulul ku dhufo si ay u garwaaqsato sida ay itoobiya ugu go'an tahay in aaney u dul qaadan doonin halis soomaliya kaga timaadda. Run ahaanse waxay dooneysey in weerarka gardarrada ah ay ku soo qaadday ku gaarayso saddexda ujeeeddo ee soo socda;

1. In ay ficil ahaan u garansiiso soomaaliya in cawaaqib xumo kala kulmayso dagaalka ay soomaali galbeed ka waddo.

2.in ay qabsato goobo ka mid ah dalka soomaaliya oo qalalaase siyaasadeed geliso dawladda curdunka ah, dabadeedna dadku ku kaco oo dawladda hubdoonka ah la rido.

3.in ay dhacsiiso beesha caalamka in hub la siiyo soomaaliya ay ka dhigan tahay dab laga shiday geeska afrika. Itoobiya oo istriaatiijiyaddaas ka duulaysa ayaa, weerar lama filaan ah ku soo qaadday goobo ku yaal xadka aan rasmiga ahayn oo soomaaliya la leedahay, sida saldhiggi booliska iyo degaanka qurac joome, halkaas oo ay horraantii maarso 1964kii, ku garaaceen ayuurado geystey dhibaato weyn oo dad iyo duunyoba led. Sidaas oo kale, waxay weerar ku soo qaadeen goobo xudduudka u dhow oo ka tirsan gobollada hiiraan iyo woqooyi galbeed

Share this post


Link to post
Share on other sites

DAGAALKII 1964Ururkii LIB SIDE

Waxaa durba heegan sare la geliye XDS oo wakhtigaas ka koobnaa 6 kun oo askari oo aan hub culus haysan. Anihu waxaan madax u ahaa Ururka Libin-Side oo xaruntiisu ahayd Vaydgabo kana koobna 750 askari. Waxaan amar la igu siiyey in aan ciidaan u diro Quruc Joomo. Muqdisho waxaa la iiga soo diray horin kumaandoos ah oo uu wato Farah Wacays Dhuule (Faras). Ciidaan aan horay u diyaarshay iyo kumaandooskii Muqdisho ka yimid ayaan u diray Quruc Joome, halkaas oo ciidan xoog leh oo Itoobiyaan ahi xadka soo buuxiyey, dayuuradahooduna duqayn ka wadeen. Sidaas oo kale, Itoobiyanku waxay ciidammo ka soo buuxiyeen xadka Doolow iyo Yeed.

 

Wxaa misana amar la igu siiyey in aan ciidankii kumaandooska ahaa horin kale ku xoojiyeo. Si aan amarkaas u fuliyo horin aan Yeed hore u geeye baan dib u soo ceshay. Isla markaas horin xoojin ah baa Kismaauo la iiga soo diray. Sidaas oo kale Beteri Altalari ah iyo Dhashiikayaal u waato Mxamuud Geelle Yuusuf aya Moqdisho la iiga soo diray. Ciidammadaas oo dhan Dooolow iyo Yeed ayaan u dhaqaajiyey halkaas oo dagaal culusi ka bilowday. Nasib wanaag waxaannu durba ku guuleysanney in annu ciidammadii Itoobiye ka saarno dhamaan goobihi ay guduha xuduudda Soomaliya u soo galeen. Kaddibna u gudubney xadka Itoobiya, oo qabsannay xeradii ay fadhiyeen iyo magaalada Doolow.

 

Itoobiyanku markii ay ku fashilmeen ujeedaadii ay ka la hayeen weerarradii koobnaa ee cabsi gelinta ahaa, waxay dagaalkii ku fidiyeen dhammaan xudduudka labada dal ka dhexeeyey. Sidaas ayaa dagaalkii ku galay marxalad cusub. Waxaa Soomaaliyaa oo hortiiba awooddeeda ciidaan iska yarayd ayaa lagaga dhawaaqay abaabul guud oo aan loo kala harin sii weerarka Itoobiya looga hortago. Siidii la filayay shacbigii wuxuu isu wada taagey difaaca dalka hooyo. Mutadawaiciinta dagaalka diyaar u ahayd iyo fara badnida taakulaynta shacbigu isla soo barbartaagay XDS, waxay si aan la qiyaasi karin sare ugu qaadeen moraalka ciidammadii dagalka ku jirey. Weerarkii gardarrada ahaa ee Itoobiya dalka ku soo qaadday wuxuu meel kasta oo ay joogeen si farxad leh u mideeyey shacbigii Somaaliyeed.

 

Intii dagaalku ka dhex socday labada dal, waxaa la wadey dadaal diblomaasi ah oo lagu doonayay in dagaalka lagu joojiyo, daadaalkaas waxaa horumuud ka ahaa (OAU). Ururku wuxuu u xilsaaray dalka Suudaan in uu labada dal u kala dabqaado oo shir isugu keeno, xilkaas oo ay dawladda Suudaan ku guuleysatey. Labada dalba waxey oggolaadeen gogosha ay Suudaan ugu fidisay magaalada Kahartuum.

Share this post


Link to post
Share on other sites
cubano   

Hi,How are you?

 

General Duke,I need your help.

 

I want to write an article about Ethiopian-Somali War in 1977.

 

Perhaps you may help me.I really need your opinion because you have read the book of Yusuf.

 

Was Ethiopian-Somali War in 1977 a military defeat for Somalia?

 

I heard Somalia was defeated by Cuba and Russia

 

What does Ahmed Yusuf say about the war in 1977?

 

Why did Somalia lose the war in 1977?

 

Check out the book of Ahmed Yusuf:

 

http://allpuntland.com/xayaysiis/bookcy/Promotion_Cover_Europe2011.pdf

 

Poor political leadership lay at the core of the defeat of the Somali Army in this war.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this