Sign in to follow this  
Maaddeey

Shabaab oo Maxaas la wareegay.

Recommended Posts

Maaddeey   

Degmada Maxaas oo Dib ugusoo laabatay gacanta Muslimiinta.

 

Friday, 30 March 2012 11:29

Abuu Dar

Hits: 223

 

E-mail

Print

PDF

 

amiirnuur.comCiidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa dib ula wareegay gacan ku heynta degmada Maxaas ee wilaayada Hiiraan kadib dagaal culus oo ay lagaleen maleeshiyaad mushrikiin Amxaaro kalkaal ah.

Wararka nagasoo gaaraya Maxaas ayaa sheegaya in gudaha degmadaasi ay ku suganyihiin ciidamada wilaayada Hiiraan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka.

 

Sarkaal katirsan Maktabka warfaafinta Mujaahidiinta ayaa xaqiijiyay in gacan ku heynta Maxaas ay gacanta islaamka kusoo laabatay.

 

Lawareegista Maxaas ayaa timid kadib markii ciidamada muslimiinta ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen cadawgii degmada ku sugnaa.

 

Ciidamada gumeysiga Itoobiya ayaa garabka Mushrikiinta ka baxay arrintan ayaa muujinaysa in gacan ku heynta deegaano cadawgu lawareegeen ay si tartiib tartiib ah ugusoo laabanayaan gacanta Muslimiinta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Al-Shabaab oo dagaal kooban dib ula wareegay degmada Maxaas

 

Xoogaga Al-Shabaab ayaa maanta la wareegay degmada Maxaas oo labadii maalmood ee u dambeeyay ay gacanta ku hayeen Ciidamada Ahlusuna oo wehliyay Ciidamo Itoobiyaan, inkastoo Ciidamada Itoobiya ay ka gudbeen degmada

 

Sarkaal ka tirsan Ahlusuna oo la yiraahdo Aadan Cabdulle Cawaale ayaa sheegay in markii hore ay iyaga fariisin ku lahaayeen saldhig ku yaala duleedka Maxaas, isla markaana ciidamadooda gudaha ugu jirin degmada.

 

"Wax degmada dagaal ka dhacay ma lahan, nimankan qaab kale ayay bilaabeen inay u soo weerareen meel aan saldhig ku laheyn ayay soo weerareen"ayuu yiri Aadan Cabdulle Cawaale.

 

Dhinaca kale Saraakiil ka tirsan Shabaab ayaa sheegay in degmada ay gacan ku heynteeda ay dib ula wareegeen, isla markaana ay u daba mareen.

 

Ciidamada Itoobiya ayaa degmada Maxaas dhinac ka maray, iyagoo dhinaca Wabxo iyo deegaano kale ku sugan, halkaasoo ay uga sii wajahan yihiin Ceeldheer.

 

Shabaabka ayaa horay isaga baxay degmadaas, intii Ciidamada aanay soo gaarin, waxaase markii dambe degmada yimid Ciidamo kaliya oo Ahlusunada Hiiraan ah oo aanay wehlin Ciidamada Itoobiya.

 

Lama oga sida ay Shabaabka ugu suurta geli karto inay degmada ku sii sugnaadaan iyadoo Ciidamada Itoobiya ay deegaano ka horeeya ku sugan yihiin.

 

 

 

 

 

Hoyga wararka Somaliyeed

www.jowhar.com

jowharnews@gmail.com

jowharcom@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this