Sign in to follow this  
oba hiloowlow

War deg deg: Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed oo howlgallo ka wada Jidka Afgooye aada

Recommended Posts

Ciidammada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saakay arroortii howlgalka ka billaabay waddada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo ciidammada ay ka gudbeen deegaanno badan oo dulleedka magaalada Muqdisho ah.

 

Howlgalka oo billaabday saakay xilli hore, waxaana si wadajir ah u wada ciidammada dowladda Soomaaliya iyo ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo howlgalka uu markii hore ka billaabday deegaannada dulleedka ka ah magaalada ee ka tirsan degmada Dayniile, waxa uuna ku fiday waddada Muqdisho iyo Afgooye.

 

Wararka aynu ka helleeno halka uu haatan howlgalka ka socdo ayaa sheegaya in ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM ay si xeeladeysan u wadaan howlgalka si uusan u dhicin khasaaraha dadka rayidka ah.

 

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa inoo sheegay in howlgalkaani uu yahay midkii ay ku xorroobi lahaayeen dadkii muddada ku dhibaateysnaa dulleedka Muqdisho, dhinaca kale malleeshiyaadka Al-Qaacidda ayaa isaga cararay meello badan markii ay ka war halleen in ciidammada ay ku so dhawaadeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Duqeymo xoog leh ayaa xalay ilaa saaka lagu garaacayay qeybo ka mid ah deegaanada duleedka ka ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa loo barakacay, iyadoo xiisado dagaal iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan ay ka jiraan.

 

Sida ay sheegayaan wararka Taangiyo gawaarida dagaalka ay leeyihiin Ciidamada AMISOM ayaa la geeyay jiidaha dagaalka, sida duleedka Muqdisho, dhanka Ex Koontarool Afgooye, iyo degmada Dayniile oo qeyb ka mid ah ay Shabaab ku sugan yihiin.

 

Duqeyntii xalay oo saqdii dhexe bilaabatay ayaan si dhab ah loo ogeyn qasaaraha ay geysatay, ha yeeshee meelaha ay ku hoobteen ayaa waxaa ka mid ah Siinka Dheer, KM13 iyo Garasbaaley, halkaas oo ka mid ah goobaha loo barakacay.

 

Sidoo kale saaka ayaa waxay duqeymo xoog leh ku socdaan agagaarka Xarunta degmada Dayniile iyo Xaafadaha dhanka galbeed xiga, waxaa ku hoobanaya madaafiic ay ridayaan Ciidamada AMISOM.

 

Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ayaa soo buuxiyay goobaha xiisadaha dagaal ka taagan yihiin, kadib markii ay ka war heleen duulaanka Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ku doonayaan inay ku qaadaan deegaanada loo barakacay ilaa Afgooye.

 

Wali dagaal dhulka ah ma bilaaban, waxay u muuqataa in Ciidamada AMISOM madaafiicda BM-ka iyo kuwa Taangiyada ay isticmaalayaan inay ku garaacayaan dhufeysyada ay ku jiraan dagaalyahanada Shabaab.

 

Saameynta xoogan ee ay reebeen xiisadahan dagaalka iyo dhaq dhaqaaqyada ciidan ayaa waxaa ka mid ah inuu gebi ahaanba istaagay dhaq dhaqaaqii gaadiidka ee wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda ay diideen in gaadiidka ka shaqeeyo wadada aada dhanka Ceelasha Biyaha, si aanay saameyn ugu yeelan dhaq dhaqaaqyada ciidan iyo diyaar garowga dagaal ee socda.

 

Dhaq dhaqaaqyadan ciidan iyo xiisadaha dagaal ayaa tan iyo shalay la dareemayay, iyadoo ciidanka AMISOM ay wadeen guluf xoog leh oo ay maalmahan diyaarinayeen, si ay weerar ugu qaadaan degmada Afgooye.

 

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faah faahinno dheeri ah ayaa ka soo baxaya howlgalka ay ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM saakay ka wadaan waddada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, kaasi oo lagu dhaba jarrayo malleeshiyaadka Al-Qaacidda ee Gumeysiga ku haya ummadda Soomaaliyeed.

 

Maxamed Cismaan Xanaf oo ka mid ah saraakiisha ciidammada dowladda ee Ex Koontarool Afogooye ayaa Radio Muqdisho u xaqiijiyay in ciidammada dowladda ay saakay ku dhaqaaqeen jihooyin badan, isagoo tilmaamay in dagaal xooggan uu ka dhacay dulleedka degmada Dayniile oo ay si nafla caarrimo ah ugu dhuumaaleysanayeen Al-Qaacidda, laakin laga saaray.

 

Waxa uu intaa ku daray Mr. Xanaf in weli howlgalka uu si xowli ah uga soconayo dhinaca badan oo ay ku jirto deegaannada ku xeeran deegaanka Ceelasha Biyaha, sidoo kale Maxamed Cismaan Xanaf ayaa tilmaamay in ciidammada dowladda iyo ciidammada AMISOM ay saakay xereen waddada Ex Koontarool Afgooye oo aysan jirin wax Gaadiid iyo dadweyne ah oo isticmaalaya.

 

Dhinaca kale saraakiisha Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ballan qaaday in ay ka taxadari doonaan khasaaro soo gaaray shacabka, isla markaana Al-Qaacidda waqtigii ay Gumeysiga ku heysan lahaayeen shacabka Soomaaliyeed uu dhammaaday.

 

Wixii Ku Soo Kordha Howlgalladaaasi iyo Sawirro Kala Soco radiomuqdisho.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo la wareegay Isbitaalkii Dayniile iyo Garoonkii Diyaaradaha ee Dagmada

 

Dagaalo xoogan iyo duqeymo inta badan laga maqlayo magaalada Muqdisho ayaa wali ka socda cirifka dambe ee degmada Dayniile, halkaas oo saaka dagaal ka qarxay, iyadoo Xarumaha Ciidamada AMISOM laga ridayo madaafiicda BM-ka loo yaqaano.

 

Inkastoo saaka dhaq dhaqaaqa ciidan iyo xiisadaha dagaal ahaayeen kuwo aad looga dareemay magaalada inteeda kale ayaa duqeymaha xalay saqdii dhexe soo bilowday ilaa saaka socday ayaa horu dhac u ahaa dagaal lagu hoobtay oo dhinacyada dagaalamayay ku dhex maray Xaafadaha Dayniile.

 

Ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa AMISOM oo ka soo weerar qaaday dhanka Jaamacadii Muqdisho iyo Qabuurihii Barakaat ayaa la sheegay inay sabab u ahaayeen in la qabsado isbitaalka Dayniile, iyo Garoonka Diyaaradaha.

 

Taliyaha Guutada 2aad ee Ciidamada xooga dalka Col. Maxamed Maxamuud Saney ayaa sheegay in Ciidamada ay la wareegeen Isbitaalkii Dayniile, Garoonkii diyaaradaha iyo Xaruntii Degmada Dayniile iyo Hoygii Maxamed Qanyare ku lahaa degmada Dayniile.

 

Waxaa uu sheegay in dagaalka ay ku jebiyeen Ciidamo ka yimid Ceelbuur oo gurmad ahaa, isagoo intaa ku daray in dagaalka uu ka baxay degmada Dayniile sida uu yir.

 

Sidoo kale xiisado dagaal ayaa ka jirta Wadada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho, halkaasoo saaka loo diiday gaadiidka BL-ka ee isticmaalaya, hase ahaatee waxaa mararka qaar dhacaya madaafiic ku socota deegaanada loo barakacay iyo goobaha Shabaabka saaka soo buuxiyeen.

 

Waxaa kaloo Ciidamada ay dhaq dhaqaaq ka sameeyeen dhanka Kaxda ee duleedka degmada Dharkeenley, halkaasoo Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda ay ku dhaqaaqeen.

 

Xaalada ayaa u muuqata mid labo jiho ay ugu kulaalayaan Ciidamada oo ay ku doonayaan inay ku gaaraan dhinaca deegaanada loo barakacay ee duleedka Muqdisho, iyagoo aan isticmaaleyn wadada dheer ee Laamiga.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in wado ka baxda Dayniile oo aada halka loo barakacay Ciidamada ku jiheysteen, halka dhanka duleedka Dharkeenley, ee aagga Kaxda ay Ciidamada ku socdaan.

Dowladda KMG ayaa markan culeys saareysa deegaanada Ceelasha Biyaha, si ay ku gaarto, iyadoo Ciidamada AMISOM madaafiic aan kala go'laheyn ay ku garaacayaan deegaanadaas oo horay dadka ugu barakaceen.

 

Lama oga qasaaraha ay geysanayaan duqeymaha, inkastoo ay dhici karto in mar walba dadka rayidka ay waxyeelo ka soo gaarto.

 

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^^ Radiyo Muqdisho waxaan ahayn ma heysiin?. Waa gar inaad isha warka qarisaan!

 

Oba, meelaha loo barakacay aa xalay si aad ah loo duqeeyay & mujaahidiin isku af maa ku sheegee?, scimmio.

Share this post


Link to post
Share on other sites

DEG DEG: Ciidamada DKMG Ah Iyo Kuwa AMISOM Oo La Wareegay Cisbitaalka Iyo Garoonka Diyaaradaha Deyniile

 

Sida ay u sheegeyn shabakada RBC Radio, ilo lagu kalsoonyahay, ciidamada dowlada KMG ah iyo kuwa AMISOM, ayaa waxa ay maanta barqadii la wareegeyn isbitaalka iyo garoonka diyaaradaha Degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.

 

Taliyaha Guutada labaad ee Ciidamada xooga dalka Korneel Maxamed Maxamuud Saney ayaa sheegay in Ciidamada ay la wareegeen Isbitaalkii Dayniile, Garoonkii diyaaradaha iyo Xaruntii Degmada Dayniile iyo gurigii Maxamed Qanyare uu ku lahaa degmada Dayniile.

 

Ma jirro warar madax banaan oo xaqiijiniaya in ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay la wareegeyn degmada Deyniile inteeda bada, waxa laakin meelahaas hadda ka socda dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada dowlada iyo kuwa AMSIOM oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

 

Goobjoogayaal ku sugan Deyniile ayaa u sheegay RBC Radio, in dagaal culus uu hadd ka socda gudaha degmada, waxa la maqlayaa daryanaka hubka madaaafiicda oo ku dheceysa meelo ka baxsan goobaha lagu dagaalamayo.

 

Qabsashada meelaha muhiimka ah degmada Deyniile, ayaa waxa sabab u ah sida ay sheegayaan saraakiisha dowlada, dagaalo saaka ay kaga soo qaadeyn degmadaas Jaamacada Muqdisho iyo Qabuuraha Barakaat oo ay fadhiisan u tahay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.

 

Ma cadda qasaaraha soo kala gaaray dhinacyada ku dagaalamaya degmada Deyniile, waxan kaloo la heyn tirada dhaawaca ah iyo dhimashada ee rayidka ku go’doonsan degmadaas.

 

Dhinaca kale, waxaa xiisad coladeeda ay ka jirta wadada xiriirisa Afgooye iyo Muqdisho oo saaka wax gaadid ah aysan isticmaaleynin. sidoo kale waxa madaafiic ay ku tuurayaan ciidanka AMISOM, deeganada loo barakacay ee duleedka Muqdisho.

 

Saraakiisha ciidamada dowlada ee ku sugann isgooska Ex-control Afgooye ayaa usheegay idaacaddaha maxaliga ee Muqdisho, in sababaha loo xiray wadada ay tahay, in laga casbi qabo in Shabaab ay ku soo dhexdhuuntaan gaadidka isticmaalaya wadadaasi.

 

Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan Ciidamada in ay dhaq dhaqaaq ka sameeyeen dhanka Kaxda ee duleedka degmada Dharkeenley, halkaasoo Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda ay ku dhaqaaqeen.

 

Duqeymaha ayaa la sheegay in ay ku dhaceen deegaannada Siinka-dheer iyo Tareedisho oo ay hooy u tahay boqolaal qof oo markoodii hore ka soo cararay Muqdisho iyo deegaanno kale oo ay ka mid yihiin Jabad-Geel iyo Xayaat oo ka tirsan deegaanka Ceelasha biyaha.

 

Illaa iyo hadda lama oga khasaarha rasmi ah ee ka dhashay dagaallada iyo duqeymaha saaka ka socda duleedka Muqdisho.

 

Wixii ku soo kordha wararka xiisada coladeeda ee ka taagan Muqdisho, waxa aad kala socon kartaa Raxanreeb.com

 

RBC Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maadeey, Radiomuqdisho bas ma ahan, websites ka dhan ayaa qoraaya in Shabaab dagaalka maanta lagu jabshay, meela badanna laga qabsaday.. walina dagaalka wuu socoyaa, goor dhaw filo Afgooye ayaa CXDS qabteen!.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Runta hada la rabo.

Maha Ciiadamada Xooga dalka Somalia.

 

Wa Ciidamada TFG oo ay weheliyaan Ciidamada Amisom iyo Ciidamada Shabaab iyo Ciidamada Alqacida oo is wajahay.

 

Any way its interesting the battle for Afgooyee keep us updated.

Kooxda shabaab jawhar iyo kismayo ba u hadhay wax magaalo weyn ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Johnny B   

Maaddeey;811968 wrote:
XDS my foot, Walaaliheen Amisom ha ka xishoonin!

It has never been tougher time to support a defeated Terrorists. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
xiimaaya   

We should surrender to Alshabab .. they have been trying to conquer 'Ceelasha biyaha' Fort the past 3months and still dont have full control

even with the help of African Union. i dont think we could meet the LONDON target of gettin rid of Alshbab befor Somalia national Election begain.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

After April 2012 Al-Shabaab will be history. Inta yar ee iminka dagaalameysa iyagaa dan isu dhiibi doona marka la hareereeyo. Odeygii Godane na waa la arki doonaa isaga oo labo makhsin oo kiro ah Burco ka raadinaya. Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ha guuleysteen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Showqi Amiir Godane nin Baqa maha wa nin ku adimay oo yidhi Somalia aniga iyo Bahuku ma wada joogi doono Aniga Tadhasena arladan nabad ku wada joogi mayno warku wa cadyahay rag wa is guraya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this