Sign in to follow this  
Somalina

Dib u dhiska adeega duulimaadyada ee dalka Soomaaliya

Recommended Posts

Somalina   

ibrahim_Gure_Matthias2.jpg

 

Khamiis, Maarso 29, 2012 (HOL) - Ibraahim Abiikar Nuur iyo Axmed Climi Guure oo ka mid ahaa duuliyayaashii Somali Airlines ayaa booqday dugsigii ay ka qalanjibiyeen muddo soddon sanno ka hor. Dugsigaas oo lagu tababaro duuliyayaasha sharikadda Lufthansa laguna magacaabo Lufthanse Airline Training Center ayaa wuxuu ku yaalaa magaalada Phoenix ee dalka Mareykanka.

Madaxa dugsiga Matthias Kippenberg oo horay uga qalinjibiyey isla dugsigaas ayaa halkaas ku soo dhaweeyey duuliyayaasha, wuxuuna warbixin ka siiyey isbeddelka weyn ee uu sameeyey dugsiga mudada soddunka sanno ahayd; isaga oo ku soo wareejiyey qaybaha kala duwan ee uu dugsigu ka kooban yahay

 

Duuliyayaasha ayaa uga warbixiyey xaaladda uu waddanka Soomaaliya soo maray mudadii 20ka sandood ahayd gaar ahaan sida uu u burburay adeegyadii duulimaadyada ee dalka Soomaaliya. Waxayna u sheegeen in xaaladda Soomaaliya ay hadda soo wanaagsanaaneyso lana soo gaaray xilligii dib loo dhisi lahaa khadadka duulimaadyada ee Soomaaliya. Duuliyayaashaas ayaa waxay ka codsadeen sharikadda Lufthansa oo xiriir dheer oo dhanka tababarada la lahyd sharikaddii Somali Airlines ka kaalmeyso sidii dib loogu dhisi lahaa sharikaddii Somali Airlines. Waxaa ay si gaar ah uga codsadeen in arday cusub oo Soomaaliyeed loogu tababaro si ay qayb uga qaataan dhismaha sharikadda.

 

ibrahim_Gure_Matthias1.jpg

 

ibrahim_Gure_Matthias3.jpg

 

Madaxa dugsiga Matthias Kippenberg ayaa dhankiisa soo dhaweeyey codsigaas una ballanqaaday in uu kaalmo ka geysandoono intii karaankiisa ah sidii dib loogu dhisilahaa sharikadda Soomaali Airlines.

 

Sharikaddii Somali Airlines oo ka mid ahayd sharikaddihii ugu firfircoonaa ee Geeska Afrika ayaa khadka ka baxday ka dib markii xukunka laga tuuray dowladdii uu madaxda ka ahaa Maxamed Siyad Barre. Sharikadda Dayuurdaha ee dalka Turkiga ayaa dhawaan duulimaadyo ka bilowda dalka Soomaaliya taas rajo weyn galisay dib u soo celinta dhismaha duulista ee dalka Soomaaliya.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this