Sign in to follow this  
Shinbir Majabe

Ceelbuur

Recommended Posts

Degmada Ceelbuur waa magaalo qadiimi ah, oo istiraatiiji u ah deegaano badan, waxaa lagu tilmaamaa inay tahay degmada ugu faca weyn ee Gobolka Galgaduud.

 

Waa meel aan biyaheeda go'in waxaa mara Balliyo weyn oo xilliga roobaadka ay biyo dhigaan, hadii aan roobab jirin waxay leedahay ceelal ku wareegsan degmada.

 

Biyo la'aan kama dhacdo, ka sokow xoolaha inay ka cabaan biyaha, waxay degmada faa'ido gaar ah u tahay wax soo saarka, sida digirta iyo qaraha oo looga faa'ideysto Baliyada biyaha ee ku hareereysan degmada.

 

Degmada Ceelbuur waxay dhacdaa Bariga Galgaduud, waxay xiriirisaa degmooyin badan, waxay muhiimad gaar ah u yeelan doontaa dhincii qabsaday

 

Waxay leedahay qalcad weyn oo xilligii Gumeystaha ay sameysteen, xilligii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ayaa lagu dilay Jeneraalkii u horeysay ee Gumeystihii Talyaaniga, kaasoo sababay dilkaas inay isaga baxaan, waana degmo marka loo eego taariikh u leh deegaanada Gobolada Dhexe ee Soomaaliya.

 

Shabaab hadii laga qabsaday way ku adkaaneysa inay sii joogaan magaalooyinka kale sida degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan oo u dhow Ceelbuur, degmada Buulo Burde oo wado ka baxda Ceelbuur ay gasho, iyo degmada Xeebta ah ee Ceeldheer ee isla Gobolka Galgaduud.

 

Qabsashada Ceelbuur waxay suura gelin doontaa in magaalooyin dhowr ah oo sidii silsilado isugu taxan inay Shabaabku ay waayaan, maadaama ay u aheyd magaalo xudun u ah.

 

Joogitaanka Shabaab ee Ceelbuur waxay mar walba saameyn ku yeelan jirtay degmada Dhuusa Mareeb oo xilli walba dagaalo iyo weeraro lagu soo qaadi jiray, waana halka duulaanada looga abaabuli jiray, ha yeeshee, way adkaaneysa in la soo weeraro wixii hada ka dambeeya Dhuusa Mareeb iyo Guriceel.

 

Sanadihii 2000 ilaa 2005-tii waxay soo martay degmada Ceelbuur dagaal beeleedyo u dhaxeeya labo beelood, ilaa aaqirkii Maxkamadihii Islaamiga oo ku guuleystay inay heshiis kala dhex dhigaan labada beelood, nabad lagu naaloodana ay ka dhacday, taasoo keentay in taageerada ugu badan ka helaan Saraakiisha Shabaabka ugu waa weyn ee ka soo kala jeedaa Ceel-Garas iyo Ceelbuur.

 

Laakiin saameynta labaad ayaa iyana noqon doonta mid Xoogaga Ahlusuna ku reebi doonta, gaar ahaan dhanka Saraakiisha ama ciidamada oo aan deegaanka u dhalan, waana adkaan doontaa sida ay dadka deegaanka ula mucaamilaan, hadii aan la helin nin deegaanka ka soo jeeda oo u suura geliya kasbashada dadka deegaanka.

 

Horay Ahlusuna waxaa Gudoomiyaha Gobolada dhexe u ahaa Sheekh Cumar Maxamed Faarax, hase ahaatee markii dambe waa laga qaaday xilka, iyadoo loo arkayay inuu soo dumi waayay dadka deegaanka ee Ceelbuur ka soo jeeda.

 

Ciidamada Itoobiya oo kumanaan gaaraya ayaa qorsheynaya in deegaano hor leh ay sii kulaalaan, waxaa ka mid ah deegaanada xeebta dhaca ee gala ilaa Shabellaha Dhexe, wadada Laamiga ee Hiiraan ilaa Shabellaha Dhexe isku xirta.

 

Degmada Ceelbuur ayaa aheyd halka xudunta u ah Shabaab oo Hogaamiyaasha sar sare ay ku dhaarteen waxaa ka soo jeeda Afhayeenka Shabaab Sheekh Cali Dheere iyo ninka Siyaasada iyo arrimaha Gobolada ugu qaabilsan Sheekh Xuseen Cali Fiidow iyo rag kale.

 

j7u3p4.jpg

 

zuihop.jpg

 

1yrhc2.jpg

 

ceelbuur.jpg

 

2h6sm4z.jpg

 

sunset_inceelbuur1.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Meel aalaalay meeshay Tigraygu so cago dhigtaan maxay sawiiradoda inoogu walaan horta maan fahmin.

Ma joogista Tigrayga lugu qarinaya wabiyasha ceelbuur

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;809944 wrote:
Meel aalaalay meeshay Tigraygu so cago dhigtaan maxay sawiiradoda inoogu walaan horta maan fahmin.

Ma joogista Tigrayga lugu qarinaya wabiyasha ceelbuur

Trying to wash the shame away for being Woyane minions.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shinbir Majabe;809945 wrote:
LOL, XX Tigree ma degno magaalada, waxaa dagan shacab xoog lagu heystay, Tigrey gana way baxayaan mar dhaw.

Haa markay dadka laayaan bay baxayaan somaha haa shacab xoog lugu haystey wa kow hadana cadaw kale baad u gacan galisay maxaad so kordhisay?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Xaaji Tigraygu Soomaalida kale waxba u geeysan maayaan. Waxay raadinayaan uun kii Shukada xidhnaa iyo kuwii afka duubnaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

XX, maxaa kale oo talo heysaa? waa diiday Itoobiyaan, Ciidan Soomaaliyeed oo awood lehna hadda ma jiro, marka sheeg bal alternative ka aad heyso oo Shabaab la isaga celin karo? mise waxaad leedahay Shabaab ha iska joogo meesha, ukumo badanne meesha haku yeesho?

 

Bal inoo sheeg wax uun?:confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites

The rights group said it had scores of reports of killings by Ethiopian troops. In one case,
"a young child's throat was slit by Ethiopian soldiers in front of the child's mother,"
the report says.

In one testimony, ,
Haboon, 56, said her neighbor's 17-year-old daughter had been raped by Ethiopian troops. The girl's brothers tried to defend their sister, but the soldiers beat them and gouged their eyes out with a bayonet
Haboon was quoted as telling Amnesty.

NYT

 

Amnesty International refutes statements made by the Ethiopian government on its report about a raid on the Al Hidya Mosque in Mogadishu on 19 April 2008. In the attack, Ethiopian forces killed at least 21 people, including 11 unarmed civilians inside the mosque, and
detained at least 40 children and youths, aged 9 to 18. At least 10 others were killed by Ethiopian forces in the vicinity of the mosque
.

Amnesty

 

Showqi-how do you think convince Woyanes don't the above quotes....just wondering?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shinbir Majabe;809962 wrote:
Che, bal foolxumada Shabaab daily u sameeyaan ayagana inoo sheeg?
:(

Is that your excuse, If AS does it, foreigners who invaded my land can do it. Seriously, how do you ignore what they did in Xamar in 2006/07? I am just trying to figure your thought process!

 

p.s. AS don't slice children's throats or desecrate mosques.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shinbir Majabe;809956 wrote:
XX, maxaa kale oo talo heysaa? waa diiday Itoobiyaan, Ciidan Soomaaliyeed oo awood lehna hadda ma jiro, marka sheeg bal alternative ka aad heyso oo Shabaab la isaga celin karo? mise waxaad leedahay Shabaab ha iska joogo meesha, ukumo badanne meesha haku yeesho?

 

Bal inoo sheeg wax uun?:confused:

Dawlado shisheeye inay faro galiyaan siba dawladaha jaarka wax ay so kordhinaysa yar anigu waxan odhan laha Somalia wa dal islaam ah dad islaam ah ha la keeno ciidan islaam oo buuxiyaa goobahay ka baxaan shabaab inta taasi dhacayso Ciidamo Somali hala tababaro. Laakin Amxaar oo jecel burburka Somalia iyo la dagaalanka shacabka Somalia ma ogtahay dagaaladu inay socdaan Somalia Ethiopia wa u dan sabab Ethiopia Somalida iney geeska Africa Minority ka dhigto bay rabta wa qorsho fog oo ay wadaan. marka dagaalo aan dhamanayn Ethiopia wa u dan shacabka dhimanaya wa Somali dadka la aasayo wa Somali askarta dhimanaya wa Somali , Meel fog bay kala dagaalamayaan adna ma ogid.waxad is leedahay way ku cawinayaan maxay 2006 uga midho dhalin wayeen?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Xaaji Xunjuf;809953 wrote:
Yes showqi like they did in xamar somaha few years back precision bombings wa halki president bush eh

No this time is different, they only targeting Al-Shabaab. Just like Cabdiwali said in London.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this