Sign in to follow this  
kingofkings

Abdullahi Yusuf Forgives All of You

Recommended Posts

Kulankii Marxuum Cabdulaahi Yuusuf (13.01.2010) Waxa uu ahaa Taariikh aanan ilaaweyn (Qormo)

 

Waxaan uugu tala-galey qormadan kooban inaan uuga waramo Qiso dhab ah.

 

Waxaan kamid ahaa dadkii sida weyn uuga soo horjeedey Dowladii uu Madaxweynaha ka ahaa Cabduaahi Yuusuf Axmed, xiligaas oo aan oran karey waxa ey aheyd xili aan waxbadan oo ku saabsanaa Siyaasada Soomaaliya aan ogaadey, waxaan aad uuga qeyb gali jirey Banaanbaxyadii looga soo horjeedey Dowladii Cabdulaahi Yuusuf oo ku dhisnaa Qabyaalada, balse ey jireen dadweyne la khaldey oo aan kamid ahaa. Dad-fara badan oo aan ku jirey ayaa uuga soo horjeedey Dowladii Cabdulaahi Yuusuf AUN soo galintaankii Ciidanka Ethiopia, balse gadaal ka baraarugey dibna u saxey qaladkii ey galeen.

 

 

 

Kulankii aan la kulmey Marxuum Cabdulaahi Yuusuf iyo Jawigii ku xeernaa.

 

 

 

Habeenimadii 13/1/2010. Ayaan is-raacney Odayaal iyo Dhalinyaro kazoo jeeda Puntland waxana aan nasiib u yeeshay inaan kamid ahaa Ragii ku booqdey Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Hotel Marriot Kilburn London. Iyadoo aan aad u wal-walsanaa aadna uuga baqayay ayaan hor fariistey Hogaamiye Cabdulaahi Yuusuf AUN, waxa durba igu soo dhacdey tolow muxuu ku oran doonaa?? Cabdulaahi Yuusuf Axmed, ayaa barasho kadib kaftan iyo xog-waran la qeybsadey Martidii, waxana uu ka sheekeeyay Halgankii uu soo marey iyo sida ey uuga goaneyd iney Soomaali hesho Dowlad rasmi ah. Mudane Cabdulaahi Yuusuf ayaa hadalkiisi kadib talo iyo Dar-daaran ku baxshey in Soomaali daacadnimo loogu shaqeeyo sidoo kalena dadka loo horseedo Dowladnimo.

 

 

 

Ugu danbeyn waxaan Cabdulaahi Yuusuf weydiistey Cafis anoo uuga xog-waramey qaabkii aan uuga soo horjeedey iyo sida Dad badan qalad looga fahan siiyay Hab Siyaasadeedkisi, Waxa uu igu yiri Adeer waa ku cafiyay adiga iyo intii khaldka la fahansiiyay waana la socdaa in Dadka Soomaaliyeed ee la iga horkeeney ey ahaayeen kuwa aan si-dhab ah uula soconin xaalada Dalku uu ku jirey. Ugu danbeyn waxaan Cabdulaahi Yuusuf la-kulankiisi ka bartey, Daacadnimo Soomaalinimo iyo Wadniyad, waxa uu ahaa Shakhsi ey dhab ka aheyd Dowladnimo Soomaalinimo, waxa uu ahaa Muwaadin doonayay inuu dhibka ka saaro Soomaaliya iyo Horseed Siyaasadeed oo cusub. Cabdulaahi Yuusuf Geeridiisi waxa ey igu aheyd Naxdin Tiiraanyo Caloolyow iyo Maalin Madow.

 

 

 

Allow Janatul Fardow dhaxal uuga dhig, una danbi dhaaf.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this