Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Hundreds of Ethiopian troops arrive in dhuusamareeb Galguduud

Recommended Posts

Ciidamo Itoobiyaan ah oo gaarey Dhuuso-mareeb

 

Updated:- 7 hours ago| 0 Commnets

 

Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ayaa gaarey degmada Dhuuso-mareeb ee xarunta gobolka Gal-guduud.

 

Ciidamadan ayaa ah kuwa aad u tira badan islamarkaana ku qalabaysan gaadiidka iyo dabaabadaha waaweyn ee dagaalka.

 

Wararka laga helayo Dhuuso-mareeb ayaa sheegaya in ay ciidamadaasi ku wajahan yihiin dhinaca degmada Ceel-buur.

 

Ceel-buur waxaa ka arimiya ururka Al-shabaab, waxayna ku leeyihiin saldhigooda ugu weyn ee gobolka Gal-guduud.

 

Saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo Saxaafadda caalamiga ah la hadlay ayaa sheegay inay wajihi doonaan weerar walba oo kaga yimaada dhinaca ciidamada Itoobiya.

 

Dhuuso-mareeb oo ah xarunta gobolka Gal-guduud waxaa ka arimiya maamulka Ahlu-sunna wal jamaaca.

 

Dhowr beri kahor ayeyna ahayd markii ay Shabaabku mudo saacado ah degmadaas gacanta ku hayeen kadib markii ay ka qabsadeen ciidamada Ahlu Sunna.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boqolaal Ciidamada Itoobiya ka tirsan oo gaaray degmada Dhuuso-Mareeb ee Xarunta Gobolka Galguduud

 

Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Boqolaal ciidamada Itoobiya ah oo ku hubeysan gaadiid kala duwan oo kuwa dagaalka ah ayaa galay degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud oo ay ka taliso Ahlusunna Waljamaaca, balse ay dhowr jeer oo hore qabsatay Al-shabaab oo ka taliya degmooyin ka tirsan gobolkaas.

 

Ciidamada ayaa wararka qaarkood waxay sheegayaan inay qorsheynayaan inay duulaan ku yihiin degmada Ceelbuur oo 100-km dhinaca bari ka xigta xarunta gobolka oo ay ka taliso Al-shabaab.

 

"Ciidammo Itoobiya ah oo wata ugu yaraan 50-gaadiidka dagaalka ah ayaa galay degmada Dhuuso-Mareeb aroortii. Waxaana la sheegay inay ku wajahan yihiin Ceel-buur oo ah saldhigga ugu weyn ee Al-shabaab ay ku leedahay gobolka Galguduud," ayuu yiri Cabdillaahi Axmed oo ka mid ah waxgaradka degmada Dhuuso-Mareeb.

 

Taliyaha ciidamada Al-shabaab ee gobolka Galguduud, Sheekh Aadan Farey ayaa sheegay in xoogaggooda ku sugan gooblka ay diyaar u yihiin inay ka hortagaan ciidamada Itoobiya.

 

"Calooshood u shaqeystayaasha masiixiyiinta ah ee ka yimid Itoobiya waxay soo galeen degmada Dhuuso-Mareeb. Si kasta oo oo ay isku soo diyaariyeen waa mid naga go'an inaan garaacno," ayuu Sheekh Farey u sheegay wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP.

 

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa horay u qabsaday degmooyinka Baydhabo, Baladweyne iyo Xudur oo dhammaantood ahaa saldhigyo ay Al-shabaab ku lahayd gobollada Koonfureed iyo kuwa dhexe ee Soomaaliya.

 

Xoogagga Al-shabaab ayaa waxay wajahayaan aagag fara badan oo kaga furmay gobolladii ay markii hore sida nabadda ah uga talin jirtay, iyadoo ciidamada Kenya ay ku sugan yihiin gobollada Koonfureed halkaasna ay kula dagaalamayaan Al-shabaab.

 

Toddobaadkii hore ayay xoogagga Al-shabaab qabsadeen degmada Dhuusomareeb oo ah xarunta gobolka Galguduud halkasoo ay ay saacado ku sugnaayeen xoogaggooda, inkastoo markii dambe ay uga baxeen dagaal ay la galeen ciidammo Ahlusunna ka tirsan oo ka kala yimid degmooyinka ay gobolkaas kaga sugan yihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Markay maqlaan ciidankii Itoobiyaanka ayaa idinku soo fool leh. Al-Shabaab will vacate Ceel-buur within seconds, waa sidii lagu yaqaanay dee..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Showqi;809072 wrote:
Markay maqlaan ciidankii Itoobiyaanka ayaa idinku soo fool leh. Al-Shabaab will vacate Ceel-buur within seconds, waa sidii lagu yaqaanay dee..

aduunyu, if they put up fight within the town, you Will accuse them of using civilians as human shield.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Peacedoon;809104 wrote:
Hateful news.

I dont know who to hate more: Ethiopians our archenemy or nabaddiidka alshabaab.

I wonder why it is a hard choice.. :rolleyes:

 

@Che, that is the option at this moment, it works everytime.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Che -Guevara;809106 wrote:
aduunyu, if they put up fight within the town, you Will accuse them of using civilians as human shield.

They do fight within towns against somali forces.it is a known fact alshababs cowardice is seen when they confront ethiopian troops.they dont even try it.

they lost moral high ground long time ago.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Che -Guevara;809106 wrote:
aduunyu, if they put up fight within the town, you Will accuse them of using civilians as human shield.

Che, why not abandon the entire mission. We all know that Al-Shabaab's days are over by now. And maybe if Al-Shabaab soldiers turned in all their weapons then shacabka Soomaaliyeed may willing to forgive them about the shelling and the suicide bombing they had caused in Suuqa Bakaaraha and the rest of Mogadishu City.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this