Sign in to follow this  
Liibaan

After The Foundation Of Khaatumo State: Xaabsade Is Feeling The Heat

Recommended Posts

Liibaan   

Xaabsade Ayaa Markii Ugu Horreeysay Farta Ku Fiiqay Waxyaabaha Ay Beelaha Gobolada Sool Sanaag iyo Cayn Ku Diiddan Yihiin Inay Ka Mid Noqdaan Maamulka Somaliland

 

 

Hargeysa(RBC):-Wasiirkii hor ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wecyigelinta Somaliland Axmed Cabdi Xaasbsade, oo hadda ah Wasiirka hawlaha guud, guryeynta iyo gaadiidka Somaliland, Ayaa Markii Ugu Horreeysay Farta Ku Fiiqay Waxyaabaha Ay Beelaha Gobolada Sool Sanaag iyo Cayn Ku Diiddan Yihiin Inay Ka Mid Noqdaan Maamulka Somaliland.

 

Axmed Cabdi Xaabsade oo ka mid ahaa Masuuliyiin Madaxweynaha Somaliland isku-shaandhayn ku sameeyey Arbacadii hore, waxa uu ku baaqay dadka aan Ururkii SNM ku abtirsan ee ka soo jeeda qaar ka tirsan Beelaha hadda Somalialnd wada dega lagu daro manhanka waxbarashada Somaliland.

 

Axmed Cabdi Xaabsade oo maanta hadal ka jeediyey Xaflad uu xilka kaga tirsaday Wasiirka cusub ee Warfaafinta Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda, Ayaa Ka Hadlay Arrimo Badan oo Ay ka Mid Yihiin Sida Beesha uu Ka Soo Jeedaa Aanay Uga Dhex Muuqan Dawladda Somaliland.

 

 

“Waxaan taabanayaa waxa halkan lagaga hadlayay SNM iyo dadkii soo shaqeeyay. Manhajkeena waxbarashadda ayaa lagu daray SNM, wiilashii aan SNM ahayn ee aan ku abtirsan ee iyaba mujaahidiin lahaa haddii aan lagu darin manhajka Wax La Wadaagi Maayo. Waa In Daraawiishtii Lagu Soo Daraa. Waa In Lagu Soo Daraa Raggii Gaalladda Inaga Celiyay ee Diinta u Dagaalamay ee labaatankii aynu soo dagaalanay in leeg dagaalamay ha lagu darro manhajka oo wasaaradda waxbarashadda ha loo sheego. Wasiirka warfaafintuna ha sii fidiyo.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland Md. Xaabsade.

 

Axmed Xaabsade wuxuu sheegay in Beeshiisii Ay Siyaasad ahaan Diiddan Yihiin Somaliland isagoo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yidhi; “Reer Tolkay way Innaga Maqan Yihiin oo Way Inna Diiddan Yihiin. Siyaasad ahaan Ayay Innoo Diiddan Yihiin Si Kale Innooma Diiddana. Hadh galayna halkan (Hargeysa) ayay ka tageen waxa lagu yidhi orda oo iska taga. Dadkii markaa arrintaasi go’aamiyay maanta cidi kama joogto. Laakiin waxa xukunkii haya raggii diidanaa arrintaasi.”

 

“Waxaan leeyahay sidii dadkaasi lagu soo celin lahaa iyo wixii lagu muunayn lahaa hala baadi doono oo dawladdu ha doonto oo ha u fadhiisato oo dagaal sokeeye ninna waxba tari maayee la wada hadlo. Waxaan Tolkay u sheegayaa inaanay beeli waxba tarayn.”ayuu yidhi Md. Xaabsade.

 

RBC Radio

 

Xafiiska wararka ee Hargeysa.

 

 

 

 

_______________________

 

images?q=tbn:ANd9GcQ2XRb8UF083wdh7jfHSS7

 

 

HorGale Xaabsade "Beeshii Aan Ka Imid Way Idinka Maqantahay.. Anigaa Idinkala Jooga" (Maqal)-

 

 

 

 

 

 

London,(Lasanod Online)- Wasiirka Warfaafinta maamulka Hargeysa, Axmed Cabdi Xaabsade oo Khudbad ka jeediyey xaflad ka dhacday London.

 

oo ay qabsadeen Jaaliyadda Somaliland, ayuu markii ugu horeysay si runi ku jirto kaga hadlay..

 

Axmed Xaabsade ayaa xafladaas ka qiray in beeshiisu ka maqantahay maamulka Hargeysa, Sidii losoo celin lahaana laga taliyo.

 

Su'aashu waxay tahay Xaabsade ma haduu ogaaday inuu keli ku yahay Hargeysa.

 

 

 

Horgale Xaabsade oo Qiray In Beesha Khaatumo/ SSC Ka Maqantahay Maamulka Beesha Somaliland

 

Halkan Ka Dhegayso

 

 

http://radioxogwaran.com/2012/02/26/dhagayos-xaabsade-oo-qiray-in-beesha-***********-ka-maqantahay-maamulka-somaliland/

 

http://radioxogwaran.com/

 

 

 

 

 

 

Source: Xogwaran

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Xaabsade supports Khatumo. He is part of it, he is their Ambassador. Politics is not one dimensional as you might think.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this